Prof Cali Maxamed Geedi oo si rasmiya Finland uga Billaabay Abaabulka Siyaasaddiisa ku aadan sidii xal waara Soomaaliya looga gaari lahaa (Cod +sawirro)

Filed under: Wararka |

Prof Cali Cali Maxmed Geedi oo bil xaqiiqiyan wacdaro ka muujiyay labadii maalmood ee uu Finland joogay, kadib markii uu lakulmay intii uu kagaaray Qaybaha kala duwan ee bulshada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland.

Prof Geedi ayaa wacad ku maran in aan marna laga yaabin in uu Soomaalida u kala eexdo.

Profasoorka ayaa waxaa Finland si gooniya ugu soo casumay Wakiilka Puntland Finland u Fadhiya Cabdifataxaax Janagale oo kaashanaya Daladda Ururada jaaliyadaha Finland iyo Jaaliyadda Soomaalidu ku midaysantahay ee Soomaaliliito.

Subaxnimadii Shalay ayuu Prof Geedi Hoteelkii uu Helsinki ka deganaa kula Kulmay Qaybo kamid ah Jaaliyadda Soomaalida ee Degan Finland, waxaanan halkaan idiinku soo gudbinaynaa hadaladii uu Prof geedi nala qaybsaday subaxnimadii mar uu si gaar ahaaneed oo aan Offial ahayn uga wada sheekaysanaynay bal sida uu isleeyahay xal waara waa lowgu heli karaa Soomaaliya iyo khaasatan siyaasadaha isaga u qorshaysan.

Prof Geedi ayaa noo sheegay in uu doonayo in ay isbahaystaan inta la qabta fikirka ah badbaado qaran ama sidii xal waara arrimaha Soomaaliya looga gaari lahaa.

Proff Geedi ayaa sheegay sida kaliya ee Xal waara loo gaarsiinkaraa Soomaaliya waa iyadoo lahellaa illaa 10 000 oo ruux oo dalka iyo dibadaba joogga oo isku arragtiya oo xisbi siyaasadeed ku dhisan arragti siyaaadeed wada samaysta, isla markaana uu doonayo in uu Xisbaigaas Musharax ka noqdo ama Hogaamiye.

Prof Geedi ayaa hadda ku mashquulsan qaban qaabada helitaanka shacabkii Fikirkaas ku midoobi lahaa, nooca uu noqonlahaa Xisbigaas.

Prof ayaa sheegay in ay hadda ka go’antahay inta uu nool yahay in uu ka shaqaynayo sidii Soomaaliya midnimadeeda looga wada shaqaynlahaa.

Proff soorka ayaan kasoo duubay cod aanu markaas saxaafada ugu talagalin laakiin aan is iri wax dhiba keeni maayo
halkaan ka dhagaysta codkaas.
[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/09/prof-Geedi-Finland2.mp3]

Ama moobiilkaaga ka dhegeyso

Kulanka Dalada ururada Puntland iyo Geedi waxaa ka qaybqaatay
prof geedi finland
Asad Caalim (Midig)
Ibrahin Gablax (kuxiga)
Prof geedi
kadiye
maxamuud Shiinlane
prof geedi finland

prof geedi finland6

prof geedi finland5

prof geedi finland1
Dhanka kalena
Prof geedi ayaa habeenimadii Jimcaha kulan aad u ballaaran la yeeshay Jaaliyadda Soomaalida oo aan cidna ka maqnayn qaybaheeda kala duwan

Kulankaas ayaa kalsooni aad u farabadan lagu siiyay siyaasadiisa iyo qaab fikirkiisa ku aadan Soomaaliya

ibrahin Sh Maxmed Gablax Finland