Prof Geedi oo caawa wacdaro ka muujiyay Helsinki iyo Taageero aad u ballaaran oo Jaaliyadda Soomaalidu ee Finland ay siisay (Sawiro)

Filed under: Wararka |

Prof Cali Maxamed Geedi ayaa caawo Khudbad wuxuu ka jeediyay Xaflad aad u heer saraysa oo ay Soo wada Qaban qaabiyeen Jaaliyadda ay Soomaalida Finaland ku midaysanyihiin ee Somaliliitto iyo Daladda ururada Puntland,

Dhanka kalena waxaa mar danbe Gadaal kayimid Prof Baadiyow oo isna si koobana Xafladda uga hadlay.

Prof Geedi ayaa khudbad kooban kadib waxaa uu codsaday in si qaab wada sheekaysi ah ay Jaaliyadda Soomaalida ee Finland ay wixii su-aalo ah ee ay qabaan ay waydiiyaan.

Geedo ayaa aad ugu nuux nuuxsaday siyaabaha xalwaara ay Soomaalidu ku gaari karto, sidii looga wada shaqaynlahaa midnimada Soomaalida, Cadaaladda, muhiimadda dariswanaagga iyo Dawlad wanaaga, iyo mugiimadda Midnimada Soomaalida oo laba taabtaana isla markaana Dhulka hawada iyo Badda Soomaaliya ciddii faragalin ku samaysa ay talaabo ka qaadayaaan.

Geedi ayaa aad uga hadlay sida ay sanadda 2016 Doorasho Xalaala uga dhici karto.

Hadaba si Doorasho sax ah u dhacdaa waa in hadda la dhamaystiraa maamul Gobaleedyada kuwa harsan

Geedi ayaa ku nuux nuuxsaday siduu taageero ugu muujiyay Maamulka Jubbaland, kan Bay Bakool iyo Shbaeelada Hoose, mid cusub oo hadda la dhisayo oo ka koobnaan doona Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Hoos ka daawo qaar ka mid ah Sawiradii oo daawo sida ay dadku u fraxsanyihiin, iyo sida wanaaga frxada iyo sacabka ku dheehnaa ee Profsoorka loosoo dhaweeyay
axmed xaaji

Cabdiqani

Geedi Baadiyow helsinki

Geedi Baadiyow helsinki1

Geedi Baadiyow helsinki3

Geedi Baadiyow helsinki4

Geedi Baadiyow helsinki5

Geedi Baadiyow helsinki6

Geedi Baadiyow helsinki8

nasaro geedi

yaasiin