Puntland hal shirkad bay siisay Ruqsaddii Shidaal baaridda halka Kurdistan oo ka dhulyar Puntland ay Shirkado baddan Ruqsado shidaal baaris siisay waa halkaa ciladu (Akhri warbixintan)

Filed under: Wararka |

Madaxdii hore ee Puntland qaladka ugu wayn ee ay sameeyeen waxay ahayd in ay deegaanada Puntland oo dhan siiyaan shirkad yar oo aan la garanayn taariikhdeeda WAA Shirkadda Range Resources Ltd.

Halka Dalka Kurdistaan ay ruqsadaha siiyeen Shirkado aad u farabaddan oo ka kala yimid dhamaan dacalada aduunka, dhanka kalena Kurdistaan ma ahan wadan xor ah oo caalamka laga aqoonsanyahay.

HALKAAN KA EEG SHIRKADAHA SHIDAALKA EE KURDISTAAN KA HOWLGALA
Maxaa talow Madaxdii hore ee Puntland u diiday in ay Ruqsado shidaal Baaris siiyaan Shirkado kala duwan, sida hadaba ay Somaliland samaynayso.

Puntland ayaad moodaa in ay waayadaan danbe baqayaan oo aynan xitaa halshirkad Ruqsad siinkarin, halka kooxaha DFS oo aan meel ay haystaan oo ka taliyaan aynan jirin ay intaa maalinkasta heshiis lasoo galaan shirkado ajnabiya, DHANKA KALENA BARYAHAAN WAXAA AAD U SHAQEEYA WASIIRKA MACDANTA SOMALILAND OO ISNA SHIRKADO BADDAN HESHIIS LASOO GALAY.