Puntland Oo Hakisay Gaadiidka Somaliland aada iyo Xafladdii 8 January

Filed under: Wararka |

Xukuumadda Puntland ayaa hakisay dhammaan gaadiidka Somaliland aada, kadib markii ay maleesiyaad taabacsan Somaliland saaka soo weerareen tukaraq

Dhanka kalena Madaxwaynaha Puntland ayaa baajiyay xafladdii 8 January maadaama uu dhacay dagaal.
-Magaalooyika Puntland ayaa waxaa ka soda abaabul dagaal, kaasi oo uu sabab u ahaa kadib weerarkii ay maleeshiyada taabacsan Somaliland kula wareegeen Tukaraq.

-Gacmo shisheeye ayaa Soomaalida si fudud hubka isugu dhiiba, kamana waantaabaan oo kuma cimriqaataan wixii tagay waxa laga dhaxlay.

-Kooxaha aaminsan fikirka gooni isuttaagga ayaa ku ahaa Soomaalida caqabadda ugu wayn 30-kii sano ee lasoo dhaafay sidii qaran Soomaali kumidaysantahay loo yagleelilahaa, waayo deeganada ay doonayaan in ay la go’aan ayayna shacabka degan qaarkood doonayn in ay Soomaali ka go’aan.

-Waxaan kaloo fikirka gooni isutaagga ka marnayn damac gacmo shisheeye oo raba in soomaali la gumeeyo, qabyaalad iyo waliba shidaal iyo macdan ay rabaan in ay boobaan shirkad maafiya ah.

2 Responses to Puntland Oo Hakisay Gaadiidka Somaliland aada iyo Xafladdii 8 January