Puntland oo sheegtay in ay qaadacayaan Doorashada 2016 haddii aan Hab Degmooyinka xildhibaanada lagu soo xulin (Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

Somali_tribes_districts
Iyadoo hadda ay miiska saarantahay ka doodista habka lagu soo xulayo Xildhibaanada Golaha Sharci dejinta ee DFS doorashada 2016, ayaa waxaa miiska saaran kala doorashada 4 hab hab mid kood.

Ayaa afhayeenka xukuumadda Puntland Quraan jecel wuxuu sheegay in aynan Puntland diyaar u ahayn in ay ka qayb gasho Doorashada 2016 haddii aan xildhibaandu aynan degmooyinka ka imaanayn.

Afarta Hab ee miiska saaran in laga doodo ayaa kala ah
1 in hanaankii 4.5 wax lagu doorto.
2 in hanaanka asxaabta badan wax lagu doorto.
3 degmooyinkii 1990 ka horeeyay lagu qaybsado xubnaha baarlamaanka oo laga soo doorto.
4 in dowlad gabaleedyadu soo doortaan baarlamaanka


Puntlandobserver Desk