Qaabka loo xalinkaro Khilaafaadka soo noqnoqda ee Madaxwaynaha iyo Raysalwasaraha (talo soojeedin)

Filed under: Wararka |

Waxa kaliya ee lagu kala baxaa waa Dastuur xeerleh iyo Hay-adihii kala dawanaa ee illaalinayay in Dastuurka lagu shaqeeyo.

Haddii Qodabaddii Dastuuriga ahaa ee lagu heshiiyay ay qaar Ciladi ka timaaddo, sababta XildhibaanAda loo soo doortay waa waa sharci dajiyaal, markaas iyagay tahay in ay ka dooddaan Qodabada ciladdu ka imaanayso, oo ay markaas saxaan Qodabadaas.
Solution
Qodabaddee ayaa hadda ugu daran.

Qodabka oranaya waa in Madaxwaynuhu Raysal Wasaaraha soo xushaa, waxaa habboon in meesha laga saaro, isla markaana ay Raysalwasaaraha Soo doortaan Xilhdibaanadu sida ay Madaxwaynaha usoo doortaan.

Dhanka kalena waa in awoodda loo kala saaraa Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha.

Dastuurka waa in lagu caddeeyaa awoodaha iyo Mas’uuliyadda Madaxwaynaha iyo Raysalwasaraha, waana in ay Xildhibaanadu shaqadaas sida ugu dhaqsaha badan u guda gallaan oo si fiican u kala qeexaan awoodaha Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha.

Matalan yaa Soo xulaya Wasiirada, ma Raysal Wasaaraha mise Madaxwaynaha, Haddii uu Raysal wasaaruhu soo xulayo, muxuu yahay Doorka Madaxwaynuhu, waa in si fiican oo bayaana farwaawayn lowgu qoro Dastuurka awoodaha Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaraha.

Dhanka kalena waa in Hay-addii ama Golihii Garsoorka qaabkii loosoo dhisi lahaa iyo cidda dhisaysa marlabaad si fiican Dastuurka lowgu bayaansho waayo qudheeda si fiican uma qeexna.

Sidoo kale waxaa meesha ka maqan Golihii Aqalka sare, oo dastuurka ku qornaa in aan Madaxwayne la dooran karin iyada oo aynan jirin Aqalkii sare iyo Xildhibaanadii matalayay Dawlad Gobaleedyada.

Isku soo duub oo waxaad mooddaa jaahwareer iyo in Soomaaliya ay hayso wado qaladan oo lowgu yeeray HIIGSIGA 2016, WAA HIIGSI BEEN AH WAAYO, MAXAA AWOODDA LOO SAARI WAAYAY ARRIMIHII KA MUHIINMSANAA SIDA

-DHAMAYSTIRKA IYO SAXIDDA DASTUURKA.
-DHISIDDA GOLIHII GARSOORKA IYO MAXKAMADDII DASTUURKA
-DHISIDDA AQALKII SARE
-DHAMMAYSTIRKA MAAMUL GOBALEEDYADA.

DAD BADAN BAA AAMMINSAN IN MURANKAN UU SALKA KU HAYO IN LA DOONAYO IN WADO QALADAN LAALUUSH IYO KHAA-INIMO AH LAGU DHISO ARRIMAHA KORE EE MUHIIMKAA.