Qabyaaladda iyo doorka ay ku leedahay mustaqbal xumada Qowmiyadda Soomaalida (Qormo gaaban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Qabyaaladda iyo doorka ay ku leedahay mustaqbal xumada Qowmiyadda Soomaalida (Qormo gaaban)
qabyaalad
Qowmiyadda Soomaalida oo ah mid ka mid ah 80-ka Qaowmiyadood ee Ethiopia ku nool Halkaan ka akhri qowmiyadaha Ethiopia, ama Qowmiyadda Soomaalida waa mid ka mid ah 70-ka Qowmiyadood ee Kenya akhri Qowmiyadaha Kenya, dhanka kalena dhul ahaan dhulka ay Qowmiyadda Soomaalida degtaa wuxuu ka waynyahay dhulka ay degaan 80-qowmiyadood ee Ethiopia, ama wuxuu illaa 3 jeer ama ka badan ka wayn yahay dhulka ay degaan 69-ka qowmiyadood ee Kenya.

Arrinka dhulka waxaan durba ugu xijiyay si aan u muujiyo in aynan hayn qowmiyadda Soomaalida dhul ciriiriya oo markaas soo dadajin kara in ay is dagaalaan.

Hadaba hadaan tuducda qormadayda usoo noqdo, waxaa wax laga naxo ah maanta oo aduunkii noqday xaafad (village) in ay Soomaalidii waqti isaga dhumiyaan qabyaalad iyo dhaqan casri jaahiligii la isticmaali jiray.

Qabyaaladda ayaa noqotay qodobka ugu horeeya ee fududeeyay qaran dunkii halleelay Qowmiyadda Soomaalida, waxay kaloo noqotay qabyaaladdu caqabadda ugu baaxadda wayn ee hortaagan dib u yagleelidda qaran Soomaaliyeed.

Haddii aad dunida dhex qaadid oo dalalka caalamka dhex qaadid waxaa jira Qowmiyad sida Soomaalida oo kale isticmaala Qabyaalad iyo dhaqamo casri jaahiligii la isticmaali jiray sida Soomaalida oo kale, Qowmiyadaas oo ah maanta Qowmiyadda ugu nolol hoosaysa Qowmiyadaha dunida waxaana la yiraahdaa Jibsi (gypsies), waxaanad ku arkaysaa iyagoo leh Kaaba Qabiilo, oo qabiil qabiil isku laynaya, inta badana waxna ma bartaan mana shaqaystaan, waxaanad arkaysaa iyagoo tuugsanaya oo guur guuraya oo marba dal ka tuugsanaya dalalka Yurub, markaan baaray waxa halkaas dhigay Qowmiyadda Jibsiga (gypsies) ayaa noqotay iyagoo isticmaala hanaanka Qabyaaladda iyo kaaba Qabiilka, waxaanan arkay maalin qolooyin baabuur isku cayrsanaya oo inta wadada bartankeeda inta baabuur isku garaacaan hadana faasas isla dhacaya, markaan warsaday waxay ii sheegeen in ay hab qabiil qabiil isku laayeen oo kuwa la cayrsanayay ay caayeen kaaba qabiilka kuwii wax cayrsanayay, qisadaas markaan arkay waxay ahayd 1994 anoo jooga meel tuulo ah oo Finland ka mid ah, waxayna ii noqotay arrin aan marwalba xasuusto waliba markaan arko sida ay Jibsigu u nolol hooseeyaan in waxa halkaa dhigay ay qabyaaladdu tahay doorka koobaad, inkatoo dhanka kale aynan qudhoodu helin haldoor Qowmiyadda Jibsiga ka saara meesha ay mudada Qowmiyadooda dhigeen.

Finland waxaa ku nool illaa 3000 oo ka soo jeeda Qowmiyadda Jibsiga, waxayna ku noolaayeen muddo 500 oo sano ah, haddii ay midaysnaan lahaayeen si fudud bay dadkoodana nolol hagaagsan ugu abuuri lahaayeen dadka Finnishkaa ee ay la noolyihiina waxtar ugu ahaan lahaayeen.

Aduunka maanta waxaa lagu horumaraa waa midnimo iyo iskaashi, oo hadda waxaa cududooda dhaqaale mideeyay oo hal akoon wada furtay matalan dalka China oo tiradoodu ay gaarayso 1400 oo million, waxaa sidoo kale isku akoon ah oo dhaqaalahooda hal akoon ku shubay dalalka reer Galbeedka si ay ula tartamaan China.

Aduunku maanta waa suuq ganacsi, waxaana is bahaysta ugu yaraan 100 dal oo isku bahaysta dalal kale si ay suuqa ugula tartamaan.

Hadaba Qowmiyadda Soomaalida oo illaahay deeq iyo hadiyad u siiyay waxyaalo aad u farabadan oo qowmiyadaha kale oo tirada badan aan la siin, sida midab ay wadaagaan, Diin ay wadaagaan, dal baaxad wayn, luuqad ay wadaagaan oo sahli lahayd in ay hal akoon wada yeeshaan oo midoobaan, halka ay maanta midoobayaan oo hal akoon wada yeelanayaan 70-ka Qowmiyadood ee Kenya oo waliba dhulka ay degaan uu aad uga yar yahay dhulka ay degaan Qowmiyadda Soomaalida, halka 70-ka Qowmiyadood ee kenya aynan nasiib u yeelan in ay wadaagaan hal luuqad, midab, diin, dhul baaxad wayn oo bad ku teedantahay.

Hadaba markaan baaray xaajada Soomaalida, waxaa ii soo baxay in ay Soomaalida aad ugu yaryihiin haldoor aragti fog oo u midooba sidii Qowmiyadda Soomaalida looga qaadi lahaa halka ay taal.

Umad walba waxaa u kaca haldoor ka damqada xaaladda qowmiyadda ay kasoo jeedaan xiliyadda ay qowmiyadaas xaaladdu ku adagtahay sida ay hadda Qowmiyadda Soomaalidu ku sugan tahay.

Waxaan in muddo ah si iskaa wax u qabso ah waqti badan u galiyay sidii Qowmiyadda Soomaalida meesha looga qaadi lahaa laakiin markii aan indha indheeyay qowmiyadda Soomaalida meel ay joogaanba waxaa aad u yar inta arki karta waxa aan arko, waxaanad mooddaa in ay socoto arrimo iska rabaaniya oo aad moodid in 99% Qowmiadda Soomaalida aynan waxyaalaha wanaaggaa marna si fudud ugu muuqanayn, marka laga reebi arrimaha xintanka iyo qabyaaladda halkaas soo maali dhigtay.

Insha allaah mar un buu illaahay tusi doonaa wax badan oo ii muuqda oo intooda badan hadda aan u muuqan.

Si kooban u diyaariye

Ingineer Ibrahin sh Maxamed Gablax gablax@yahoo.com

One Response to Qabyaaladda iyo doorka ay ku leedahay mustaqbal xumada Qowmiyadda Soomaalida (Qormo gaaban)

  1. Pingback: Qabyaaladda iyo doorka ay ku leedahay mustaqbal xumada Qowmiyadda Soomaalida (Qormo gaaban) - Daily Somalia Report