Ugu yaraan 7qof ayaa geeriyootay ayaa geeriyootay in kabadana waa ay dhaawacmeen ka dib markii uu dhacay qarax uu fuliyey qof isasoomiidaamiyey.
Qaraxaan ayaa waxaa uu kadhacay Ex-Fiyoore waxaana qaraxaan fuliyey gaari walxaha qarxa laga soobuuxiyey, oo lagu dhuftaya Gaari kale oo mini-Bas ah oo uu rakaab ka buuxay.
Sida la tuhunsan yahay qaraxaan waxaa lala beegsanayey taliyaha ciidanka Nabad sugidda Muqdisho, oo halkaas ku sugnaa, hase yeeshee majiraan wax ilo wareed ah oo madax banaan oo taas cadaynaya, mana jirto cid dowladda ah oo ka hadashay qaraxaan.
waraka qaar ayaa sheegaya in uu qaraxaan ku dhaawacmay taliyihii ciidanka nabadsugidda Gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg, inkasta oo aysan jirin cid faah faahin ka bixisay dhaawaca taliyaha iyo sida uu haatan yahay.
Qaraxaan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin, waxaana ay ku qoreen bogagooda Internetka, dadka dhaawacmay ayaa waxaa ay ubadan yihiin dadakii saarnaa Mini-Bas meesha marayey hase yeeshee waxaa ku jira dad iyagu kusugnaa gudaha maqaaxida.
Puntlandobserver.com