Qaybi oo xukun (Divide and rule) qaabkii ay Siyaad Barre iyo Mingiste isugu adeegsadeen, iyo Beesha Irrir Samaale oo Beesha daarood marar badan u adeegsatay (Akhri maqaal xiisa badan)

Filed under: Wararka |

divide

AFEEF: Maqaalkan waxaad wax badan ku arki doontaan Horgale, marka horgale waa shakhsi hogaan laga dhigay oo aan ku iman rabitaanka shacabka uu matalo, ee qolo ay meesha keensatay si qoladda uu kasoo jeedo lowgu karbaasho.

Qaybi oo xukun (Divide and rule) Waa qaabka ugu habboon ee loo kala jabiyo cududda awoodda cadawgaage inta iinan fool ka fool isaga hor imaan, waxaana adeegsan jiray Fircoon iyo dhamaan inta badan Boqortooyooyinkii aduunka soomaray inkostay Boqortooyadda Ingiriiska ay u ahayd shay u muqadis ah.

Waayo dalka Indiya Bakistan iyo Bangaldesh oo waagii hore hal wadan isku ahaan jiray, ayaa haddii maanta la isku daro ah 1500 oo Million oo ruux, markaas macquul marna ma noqonayso Boqortooyadii Ingiriiska oo ah hadda 60 Million oo ruux oo aan waagaas haysan Nukliyeer iyo Diyaarado toonna in ay xoog ku qabsadaan, balse waxaan dhihi karnaa Khidado badan oo ay ugu horayso Qaybi oo xukun bay ku qabsatay Boqortooyada Ingiriisku india .

Soomaaliya iyo Ethiopia

Siyaad Barre ayaa aad ugu isticmaalay (Qaybi oo Xukun) Kaligi taliye Mingisto Hayla Maryam oo markaas xoog ku haystay Ethiopia, inta baddan waxaad cadawgaaga kala qaybin kartaa markii ay dhankiisa cadaalad-darro ka jirto.

Siyaad Barre wuxuu ka faa-iidaystay laba arrimood, arrinka koobaad dalka Ethiopia oo markaas xukunka ay muddo dheer soomaamulayeen Qawmiyadda Amxaarada, iyo waliba Mingiste oo kasoo jeeda Qowmiyadda Amxaarada oo aan ku iman rabitaanka Qowmiyadda Amxaarada ee xoog ku qabsaday dalka oo inqilaabay Boqr Hayla Salaasa oo isna kasoo jeeday Qowmiyadda Amxaaradda, Arinka labaad Ethiopia oo ka kooban Qowmiyado farabadan oo kala luuqad ah isla markaana ay Qowmiyadhaas aad u dhibsadeen in hal Qowmiyad waa Amxaaradee ay 1000 sano Xukunka kaligeed soo haysay.

Asagoo Siyaad Barre arrimahaas ka faa-iidaysanaya ayuu abuuray Jamhado ku dhisan Qowmiyado kasoo jeeda Ethiopia, si markaas uu u kala jabiyo awoodda Ethiopia isla markaana uu si fudud dagaal ugu ekeeyo si markaas loo xoreeyo Deegaanada Qowmiyadda Soomaalida oo uu Ingiriisku ku wareejiyay Ethiopia, Soomaaliyana ay diidanayd arrinkaas.

Jamahadihii uu barigaas Siyaad Barre Xamar ku tababari jiray waxaa ka mid ahaa.

Jamhaddii Tigreega (Tigrayan People’s Liberation Front) oo uu madaxka ahaa Mile-Sinaawi.
Jamhaddii Ogadenia (Ogaden National Liberation Front)
Jamhaddii Oramadda (Oromo Liberation Front)
Jamhaddii Eritrea (Eritrean Liberation Front)

Siyaad Barre markii uu hubsaday in uu kala qaybshay Ethiopia isla markaana aynan isku duubni iyo niyad badan jirin ayuu wuxuu ku qaaday dagaal 1977, dagaalkaas oo uu guulo waawayn kasoo hoyay.

Laakiin arrinkaas waxaa ay ka caraysiisay wadamadii Kiristanka ahaa oo markaas u arkayay in Ethiopia ay tahay Jasiirad Bad Muslimiinna ku dhexjirta ayna tahay in la -ilaashaa xoriyadeeda Muqadis, waxaana markiiba dhanka Ethiopia u wareegay Ruushka oo Ethiopia lasoo saftay (Ruushka iyo Ethiopia waxay si hoose isula sii yihiin Orthadox), waxaana hoosta ka taageeray dhamaan wadamadii Masiixiga ahaa ee reer Galbeedka u badnaa.

Markaa ayaa Mingiste oo markaan danbe Garab ka helay Xulafadiisii oo aduunkana xiligaas ugu tun waynayd.

Mingiste ayaa Jaaniskaas ka faa-iidaysatay isla markaasna bilaabay Isticmaalka taatikadii Siyaad Barre ee Qaybi oo xukun “lagabarayba laga Badi” oo markaan lakala Qaybinayo Qowmiyadda Soomaalida iyadoo maadaama ay hal qowmiyad yihiin Qabiilo lookala qaybinayo.

Xogdoonka Mingiste waxay soo baareen qaab dhismeedka Qabiilada Soomaalida, cidda hadda xukunka haysa Qabiiladoodda, cidda la jaalan jalayn karta, waxayna awoodda saareen in ay helaan qaar ka mida Jananadii Ethiopia dagaalka ku qaaday si looga dhigto Horgale, hadhowna lagu marin habaabiyo shacabka Soomaalida.

Sir doonka Mingiste waxay soo ogaadeen qabiilada ku dulmannaa xukuumaddii Siyaad Barre, waayo kooxdii horboodaysay kacaankii iyo kacdoonkii Siyaad Barre waxay u badnaayeen kooxo ka carooday xukuumadihii ay garwadeenka ka ahaayeen siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Majeerteeen oo waxaa la qarameeyay hanti farabadan oo ay lahaayeen ganacsato kasoo jeedda beesha majeerteen.
Waxaa iyana sidoo kale dulmi tirsanayay siyaasiin kasoo jeeda beesha Isaaq, inkastoo marka sida saxdaa loo eeggo ay cdiwalba wax sheeganayso haddii si hoose loo warsado.

1978 waxaa la aas aasay Jamhaddii ssdf, oo horgale looga dhigay Marxuum Cabdullaahi Yussuf, markii hore waxaa lowgu sheekeeyay dalka ayaad qabsanaysaa, laakiin markii danbe Qorshihii asalka ahaa ayaa dhagta lowgu sheegay oo waxaa lagu yiri Jifidaada mooyee Jifooyinka kale kasaar Jamhadda, halkaas oo ay markii danbe jamhad Majeerteen isku badashay jamhadii SSDF.

Waxaa hadana ku xigay jamhaddii SNM oo horgale looga dhigay Madaxwaynaha hadda talada Soomaaliland haya Siilaanyo, oo iyagana lagu khasbay in ay Isaaqa mooyee Qabiiladda kale kasaaraan Jamhadda, waayo ujeedadda ayaa ahayd in lasameeyo nidaamka Qaybi oo xukun si Qowmiyadda Soomaalidda midnimadeedda loo wiiqo, waxaaana cadaynaya sida hal goob dhawr Jamhadood lowgu aasaasay waayo hal Jamhad in ay noqdaan baa lagu khasbi karay.

Waxaa ku xigay Jamhadii USC oo horgale looga dhigay Marxuum Jen Caydiid, oo iyagana lagu Khasbay in ay Hawiyaha kaliya ka dhigaan Jamhadda, amaba markaaan waxaaba khasaba in beel waliba Jamhad samaysato maadaama beelihii Jamhado hoos galeen.

Saasay usii socdeen Jamhadihii

1990 hal mar waxaa dhacay Xukunkii Sofiyeeetiga, waxaana hal mar wada dumay oo laga wada adkaaday labadii Madaxwayne ee Ethiopia iyo Soomaaliya mudada xoogga dalka ku haystay.

Dhanka Ethiopia waxaa xukunkii gacanta ku dhigay Meles oo ahaa Horgalihii jamhadda Tigreega ee uu Siyaad Barre taageerijiray, dhanka Soomaaliyana waxaa talada gacanta ku dhigay Jamhadihii ay Ethiopia taageeerijirtay SNM iyo USC.

Nasiib darro Dalkii Soomaaliya wax xal ah kama hirgalin, arrinkan oo siyaabo badan loo fasiro.

Markii Nidaamkii Midowga Sofiyeetiga uu meesha ka baxay awooddii aduunka waxay hoostagtay Maraykanka iyo xulafadiisa, Maraykankuna wuxuu noqday dalka aduunka ugu dhaqaale iyo awood badan, tan oo calaamad suaal ? ay ku noqonayso ruux walba oo Soomaaliya Talow Xiligii aduunka Maraykanku ugu awoodda badnaa maxaa ka dhigay xiligii ugu xumaa ee Qawmiyadda Soomaalida soomara, markaas ma la dhihi karaa waa su’aal aad u haboon in la is waydiiyo.

Waayo hadii dalkale oo awoodda Maraykanka iyo Israa-il iyo reer Galbeedka leh uu Aduunka ugu awood roonaan lahaa waxaa cad in aynan Qawmiyadda Soomaaliyeed Godka ay gashay ee lagu illoobay 30 sano aynan ku jirteen.
Waxaa Qowmiyadda Soomaalidda intaa u dheer malaha cid ay qaraabsato, Qaraabsi waxaa ugu dhawaa Ethiopiaanka oo asal ahaan ay isku dad-yihiin laakiin maadaama ay dhul isku hayaan, ay cadow isku noqdeen halkaasna ay Soomaalidii baylah ku noqotay.

Waxaana iska cad in aynan Soomaalidu Carab meelna iska galin, taana waxaa kuu cadaynaysa sida ay ula dhaqmeen Carabtu markii Soomalidu Godka ku jirtay, ama sida ay dalalkooda uga soo tarxiilleen, halka si aan caadi ahayn soo dhawayn aanay waligeed abeelkeeda soomaalidu gudayn ka helleen dalalka reer Galbeedka, tan oo masaxaysa dooddii kore ee Soomaalidda Godka waxaa ku riday awoodda reer Galbeedka.

Arrinkii Qaybi oo xukun oo markaan ka dhex bilowday hardankii Qabiilada Soomaalida.

Markii Soomaalidii hal-doorkii dareenka Qawmiyadeed xambaarsanaa ay inna isaga tageen dalka, inna la laayay, ayaa dalkii waxaa hogaanka u qabtay qaar aan xishoonayn isla markaana aan wax Damiir Soomaaliyeedxambaarsan garawshadeeda lahayn.

Waxaana dib lowgu noqday Ethiopia oo ahayd halkii laga keenay Qaybi oo xukun, markaan waxaa Is bahaystay Beesha irrir oo markii hore u bahoobay sidii Siyaad Barre looga saarilaha dalka, isla markaana colaystay beesha Daarood maadaama Siyaad Barre uu kasoo jeedo Beesha Daarood.

Beesha Irir markaan Ethiopia ayay dhagta ugu sheegeen in uu Cadawga Ethiopia aanu ahayn beelaha Soomaaliyeed oo dhan ee yahay hal beel, sidaa awgeed Beesha irrir lagu taageero sidii Daarood loo dulayn lahaa.

Arinkaas Ethiopia aad buu ugu cuntamay waayo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, Axmed Guray, Siyaad Barre dhamaantood waxay kasoo jeedaan Beesha Daarood, marka waa sax in ay Ethiopia fikirkaas ku taageerto beelaha irrir waqooyi iyo Irrir Koonfureed, waayo xataa dhulak Ethiopia xooga ku haysato waxaa u badan Beeshaas.

In Ethiopia arinkaas qaadatayna waxaa ku tusaysa sidda Beesha Daarood Dagaalkasta looga adkaanayay ama dhanka waqooyi hanoqoto, ama dhanka koonfureed.

Qaabka Qaybi oo xukun ay Beesha Irrir Koonfureed iyo Irrir Waqooyi ugu adeegsdeen Beesha Daarood.

1991 Markii beel beel loo kala baxay Marxuum Jeneral Caydiid oo ugu itaal roonaa dhanka Koonfureed isla markaana ahaa hogaankii sida tooskaa ugu xirnaa Ethiopia ayaa Beesha Daarood u isticmaalay Qaybi oo xukun isagoo adeegsaday Horgale Cumar jees oo kasoo jeeda Beesha Daarood/Ogaden isla markaasna qudhiisu ka mid ahaa Sadexdii hogaamiye ee Ethiopia kula soo heshiisay in ay dalka qabtaan, Caydiid Cumarjees, Cabdiraxmaan Tuur.
Sabata Horgale Jees loo bartailmaamaystay waa in laka jabiyaa awoodaha Daarood ee Kismaayo isku aruursaday maadaama Beesha Ugaadeen ay yihiin reerka ugu badan Jubada Hoose

2000 Beesha iririr waxay marlabaad si wadajir ah u isticmaaleen Horgale Barre Aadan Shire Hiiraale, waxaana markaan gar-wadeen heshiisyadaas ka ahaa Cabdiqaasin iyo Riyaale, waxaanan xasuusanaa ugaaska mareexaan oo marar badan xiligaas kulamo kula yeeshay Riyaale Hargaysa, arrinkaas oo Beesha Irrir u sahlay in ay ku qabsadaan Jubada Hoose Horgale Barre Hiiraale

2006 Beesha Irrir waqooyi waxay u isticmaaleen beesha dhulbahante nidaamkii qaybi oo xukun ayagoo fool ka-fool kaga adkaan waayay, markaan waxaa la isticmaalay horgale Xaabsade oo kasoo jeeda Beesha Bah-hararsame oo degta wixii ka bilowda Koonfurta Laascaanood.

Iyo Horgale Mahad Cambaashe oo kasoo Jeeda Jifidda Jaamac Siyaad ee degga dhanka waqooyi ee Laascaanood, Qorshahaan oo aad arkaysid sidda looga soo shaqeeyay ayaa noqday midkii fududeeyay in si fudud ay beesha isaaq ula wareegaan magaaladda Laascaanood iyagoo isticmaalaya labadan horgale oo makarafoonka u dhiibaya si loo jaahwareeriyo beesha dhulbahante oo loo tuso in ay isla dhulbahante yihiin waxa meesha qabsaday.

Arinka Xaabsade iyo Mahad Combaashe ayaa ku tusinaysa xataa in aan dhulbahantoo dhan markaan isticmaalidoodda ladoonayn ee kaliya laga doortay laba horgale oo ka tirsan labadda beelood ee magaaladda Laascaanood sidda rasmigaa isga leh, iyadoo markaan horgalayaashii kale ee firfircoonaa aan wax shaah iyo qaymayn iyo jago toona lasiin, iyadoo farsamadda asalkaa ee kadanbaysa ay tahay qaybi oo xukun..

Hadda oo lagu jirro 2003, ayaa beesha irri waxaa miiska u saaran laba Horgale.

Horgale-1. Mudane Saacid. wuxuu kasoo jeedaa Beesha Mareexaan, gaar ahaan jifidii bahwaynta la ahayd Cayrka ama walaalaha Galguduud, sidaa la ajligeedna waa sababta loo siiyay Raysal wasaaraha.
Waayo xiligii lasiinayay Raysal wasaaraha waxaa taagnayd calaamad su aal hirgalidda maamulka Jubbaland oo ay garwdeen ka yihiin beelaha Daarood, isla markaanna beelaha Irir ay arinkaas aad uga soo horjeesteen ayaad arkaysaa sidda shaxda loo dhigayo in ay tahay in marka hore Khidadii Qaybi oo xukun loo isticaalo Beesha Daarood iyadoo la adeegsanayo Horgale Saacid.
Waxaana iska cad sidda aanu Saacid wax go-aana u lahayn ee kaliya uu noqday nin shaarkisa iyo bariiskisa ilaashadda isla markaana fuliya amaradda loosoo dhiibo, kaas oo ku cadaaday imaatinkiisii Kismaayo qaabka uu u dhaqmay xataa diiday hoolkii ay ku shirayeen ergooyin u badan reerka uu kasoo jeedo.

Horagale-2. Mudane Xagla toosiye.
Xagla Toosiye ayaa hadda dhanka beesha irir waqooyi u ah Horgale ku haboon soo qabashadda Degmadda Buuhoodle, maadaama uu Horgale Xagalatoosiye kasoo jeedo Beesha reer Hagar ee degta Degmadda Buuhoodle, maadaam dhanka awooda waxlooga qaadi waayay waa in dhanka qaybi oo xukun lagu kala dhantaalaa cududa reer Buuhoodle, dabadeedna si fudud loola wareegaa.

Illaa hadda mahayno wax Horgale ah oo ay isticmaaleen Beelaha Daaroodku iyo kuwakaleba marka laga reebo Beelaha Irir waqooyi iyo Irir Koonfureed.
Fadlan hadaad garanaysid wax horgale ah ama qaybi oo xukun oo ay Isticmaaleen Beelaha kale ee aan ka ahayn Irir noosoo sheeg si aan usoo daabacno.

Akhristow saxaafadu waa halka bulshadda laga soxo, waana in ay Saxafadu waxwalba soo bandhigto, arinkan oo xal u ah Qawmiyadda Soomaalidda, si looga waantoobo waxyaalaha dhibka keenaya.

Waxaa wax laga xumaadda ah in Qawmiyadda Soomalidu isku isticmaalaan qaybi oo xukun, halkii laga doonayay in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin is cafin walaatinimo.
puntlandobserver@gmail.com

2 Responses to Qaybi oo xukun (Divide and rule) qaabkii ay Siyaad Barre iyo Mingiste isugu adeegsadeen, iyo Beesha Irrir Samaale oo Beesha daarood marar badan u adeegsatay (Akhri maqaal xiisa badan)

  1. Pingback: Europe Oo Hadalkii Trum ee Brexit Qaybi Oo Xukun U Qaadan Karta (Qormo Gaaban) | Puntland Observer

  2. Pingback: Tuugow Adigu Ha Is Sheegin (Iyadoo Ay Dhalinyaro Masaakiina Oo Ilma Abti Iyo Ilma Adeera, Hadana Daawo Sida Madaxwayne Ku Xigeenkii Kooxda Ali Ugu Farxeen) | Puntland Observer