Qoraal Uu Agaasime Fahad Yaasiin Ka Qoray AHUN Cabdullaahi Yusuf 2005

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

QAYBTA::: Hordhac | 1 | 2 | 3

C/LAAHI YUUSUF IYO TARTANKA MADAXTI- NIMADA .

Waa qormadii aan ku qiimeyneynay tartama-yaasha.

IDOORO AAN KU DILEE.

HORUDHAC:

C/Laahi Yuusuf Axmed

Shirarkii tirada badnaa ee Soomaalida loo qabtay, shirkan ayaa ah kii ugu dheeraa. Sidoo kale C/Laahi Yuusuf Ahmed, waa shirkii uu ugu tixgalinta badnaa, marka laga eego wakhti xooggan ee uu siiyey ka qayb-galkiisa. Sababaha ku kalifay inuu shirkan tixgaliyana, waxaa ugu muhimsan, inuu kamid yahay ragga ugu cad-cad musharaxiinta u tartamaya jagada ugu sareysa dalka, iyo dowladdaha shirka maamulaya oo uu qaarkood kalsooni-weyn ka haysto si ay gacan uga siiyaan hankiisa, wuxuuna qabaa in fursadani ay tahay tii ugu dhaweyd ee uu dalka ku hanan lahaa.

MUXUU AHAA:

Guud ahaan wuxuu kamid ahaa Saraakhiisii xoogga dalka Soomaaliyeed, jagooyin kala duwan ayuuna kasoo qabtay, koorasooyin kala nooc ah oo tacliinta ciidanka ahna wuu soo qaatay, waxaa lagu tiriyaa ragga tirada yar ee aqoonta Milatariga si wacan u bartay. Wuxuu dagaallo geesi-nimo leh ka galay dagaalkii 77.kii, isagoo madax u ahaa qaybo kamid ah ciidankii qaranka, aagagii loo dhiibayna wacdaro ayuu kamuujiyey, raggii la socday qaarkood waxay iigu warameen inuu sumcad iyo karti ka helay dagaalkaas. Madaxweynihii dalka iyo isagu xiriir fiican uma dhaxayn, taasoo dhalisay in xabsi loo taxaabo mudo sanado ahna uu ku jiro.

Markii laga yara nastay dagaalkii cuslaa ee 77.kii, waxaa ku dhalatay isaga iyo rag ay isku aragti ahaayeen inay xukunka dalka la wareegaan, balse kuma guulaysan, waana sheeko dheer oo buugaagta taariikhda loogu tagi karo, sheekadaasoo ku dhamaatay in ragga qaarkoodna la toogto, rag kale oo isagu ku jirana ay dalka ka baxsadaan, waana qisada loo yaqaan Inqilaabkii dhicisoobay ee 9/4/1978, fursadaas C/Laahi waa seegtay.

SHAKHSIYAD AHAAN:

Waa nin dantiisa wax walba ka hormariya, dantiisuna waa sidee xukun ku heshaa. Dhaqaalaha uu helana xukun ayuu ku raadiyaa. Codow-giisu waa ninka markaas dantiisa ka soo horejeeda. Saaxiibkiisna waa kan markaas dantiisa u fulinaya. Ceeb uma arko inuu isagu raadiyo qofka ay markaas isku danta yihiin. Wuxuu aad u jecel-yahay iney tiisu meel marto. Raali kama’ahan inuu la saaxiibo qof ka caqli sareeya, ka aqoon badan, ama taladiisa midaan ahaayn keeni kara.

Dadka markaas ka soo horjeeda laba qaab ayuu ula dhaqmaa. Qaybta koowaad: Cabsi galin iyo caga jugleyn ayuu ku hayaa, si ay dantooda oo kaliya ugu ekaadaan, hadal-kooduna uu noqdo; hadaan ka hor imaanno ninkan dhib weyn ayaa dhacaya. Qaybta labaadna: Dhaqaale xoogan ayuu siiyaa soo xero galinta hore, wax joogta ahna waa u qoraa, si ay uga xishoodaan iney ku af-celiyaan, illeen horaa loo yiri “Af wax cunay xishoo”   Waxaase suurowda qofkii uu kharashka tirada badan ku bixiyey, inuu hadal uu ka soo kici waayo ku dhaho, taasoo keenta inuu dhib la’aan mucaarad ugu noqdo.

Marka uu hadal jeedinayo waxa ka dhabta ah oo dhan ayuu wada sheegaa, marka laga reebo inta uu iloowsanyahay wakhtigaas, masii hubiyo hadalka uu dhahayo muxuu adiga kuu dhimayaa inta aan qof kale lagaarin, ee wuxuu iska hubiyaa in hadalka uu dhahayo uu yahay hadal isaga sax la’ah markaas.

Ma’ahan nin laba wajiile ah, qofka cadawgiisa ah ma salaamo, magaciisa laguma soo ag-qaadi karo, xiriir muuqda iyo mid qarsoon midna lama sameeyo, inuu col-layahay mar walba wajigiisa wey ka muuqtaa. Hadiise uu saaxiib kula yahay, si fiican ayuu kuu salaami, xiriir wanagsan iyo sheeko wanaagna waad ugu tagi, dantaad kaleedahay iyo tuu kaa-yeeshaba waad ka wada hadli kartaan. Waa nin deeqsi ah oo wax bixiya, ma’ahan bakhayl gacan adag, dhaqaalaha dowladda iyo tiisaba wuxuu ku bixiyaa adigu aad wax noqotid.

IS-KAASHIGII SHISHEEYAHA:


M/S/Barre

Muddo yar kadib Markuu u baxsadey dalka Itoobiya, iyadoo uu dhexmaray is-faham Siyaasadeed oo ku dhisnaa mid waliba inuu kan kale dantiisa ku fushado. Itoobiya waxay guul weyn u aragtay iney heshay Korneyl Soomaaliyed oo si fiican u yaqaan tayada iyo awooda ciidanka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa wax walba uga qiima badnaa iney ka helayeen warbixinno muhim u ah ciidanka Itoobiya, maadaama ay gacanta ku hayaan nin bari abaanduule sare u ahaan jiray codowgooda. Isagana colaadii uu u hayey M/S/Barre iyo hankiisii ahaa inuu dalka ka taliyo ayuu is yiri, jidkii ugu dhawaa maanta ayaad haysaa. Wuxuu u baahnaa oo hub ahaa, iyo sal-dhig maamul iyo mid ciidan ayuu ka helay dowlada Itoobiya. Waxaad moodaa in Itoobiya iyo C/Laahi-ba uusan midba midka kale ku soo qaadin wixii kala ahaayeen. Itoobiya waa dowladdii cadawga ku ahayd Soomaaliya dagallo culusna uu dhexmaray. C/Laahi-na waa taliyihi qaybo kamid ah ciidankii Soomaaliyeed ee dhawaan dhar baaxooyin-ka culus gaarsiiyey Ciidamadooda. Waxaaso dhan la iskuma cafin, lamana ilaawin, laakiin si kumeel gaar ah ayaa looga wada gudbay.

Waxaa  Itoobiya wax weyn u taray iney heleen nin diyaar u ah inuu la dagaalamo dalkiisii,  Soomaalidana waxaa niyad jab weyn ku noqday  inay ku bilaabatay xabad ay soo ridayaan dad Soomaaliyeed oo shisheeye soo hubeeyey.

Isku daygii ahaa inuu Soomaaliya xoog ku qabsado oo dalka oo dhan gacanta ku dhigo waa dhicisoobay dagaalo badan kadib. Itoobiyana hadey muddo kool-koolineysay C/Laahi Yuusuf oo ay u aragtay inuu yahay ninka ay ku leedahay Soomaaliya, manoqon mid sii waarta, oo Itoobiya waxay go’aan-satay iney xabsi dhigto, waliba wey ku iloowday, ilaa ay wada burburtay dowladii xirtay, iyo tii uu ka soo baxsadayba. Burburkii Soomaaliya oo ka horeeyey Itoobiya xitaa, wey u noqon weysay arrin loogu naxariisto oo lagu siidaayo,  oo  waxaa xabsiga ka soo saaray Jabhaddihii riday Mingesto.

KU QABSO KU QADI-MEY-SIDEE:

Taariikhda Siyaasadeed ee Korneylka hadii dib loo raaco, waxaa cadaaneysa inuu ku dhaqmi jiray oraahdan kor ku qoran ee ah, oraah siweyn looga isticaamlo Waqooyiga Soomaaliya. Bal aan eegno inta dhacdo ee uu C/Laahi marba qof wax ku qabsaday ee uusan ku qadin sida ay la tahay.

  1. Markii la’aasasay ururkii S.S.F. Waxaa Gudoomiye looga dhigay Mustafa Xaaji Nuur. Waxaana lamagaacay saddex gudoomiye kuxigeenno oo kala ahaa. A: Cumar Istarliin. B: Shandiinle. C: C/Laahi Yuusuf Axmed. Go’aankaas Korneylku haku qanco ama yuusan ku qancinee muddo ayuu ku shaqeeyey, wax yar kadib, wuxuu qabtay shir hoose oo ay la wadeen rag ay isku fikir ahaayeen, guri ayaa lagu shiray, waxaana ka soo baxay in C/Laahi Yuuusf Axmed uu noqdo Gudoomiyaha Jabahadda, halkaas ayuuna ku marooqsaday magacii gudoomiye-nimada ee Jabhadda.

  2. Jen. Maxamed Abshir

    Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

    Jaamac Cali Jaamac

    Markii uu dalkii burburay ayaa 14.ilaa 19.kii Bishii Feb ee 1991.kii   shir lagu qabtay magaalada Gaalkacayo. Go’aakii shirkaas ka soo baxay wuxuu noqday in Jen. Maxemed Abshir Muuse uu noqdo Gudoomiyaha Jabhadda S.S.D.F. waxaana doortay dhamaan dadkii ay ka go’day talada. C/Laahi Yuusuf xiligaas Xabsiga Itoobiya ayuu ku jiraa, waxaase lagu maamuusay in laga dhigo xubin ka tirsan golaha dhexe. Markii Korneylka laga soo daayey Xabsigii, wuxuu tagay goboladaas, wuxuuna dhisay gudi uu ugu magac-daray gudiga xaaladda degdeg ah, sababta uu u abuurayna, wuxuu ku sheegay inuu kaga hortagayo Beel kamid ah Beelaha Soomaalida oo uu yiri khatar ayey ku yihiin jiritaanka goboladaan. Danta labaad ee uu kalahaa waxay ahayd inuu ku burburiyo awooda hogaamineed ee uu lahaa Jen. Maxamed Abshir oo isagu ahaa hogaanka sare ee deegaanadaas. Taasna uma suura-galin inuu meesha ka riixdo Jenanka.

  3. Markuu Sanadku ahaa 94.kii ayaa shirweyne lagu qabtay magaalada Qardho, si loo doorto gudoomiyaha Jabhadda. Waxaa Gudoomiye-nimadii isku qabsaday Jen. Maxamed Abshir oo isagu horayba u hayey iyo Korneyl C/Laahi Yuusuf. Waxaana ka dhashay buuq badan iyo dhib weyn, Waxay odayaashii isku dayeen iney xaliyaan, laakiin way u suura-gali-weyday. Kadib waxaa yimid C/Rasaaq X. Xuseen oo dibadda looga yeeray, markuu yimidna wuxuu codsaday in 3.bilood uu sii hayo xilka gudoomiye-nimada si loo soo diyaariyo doorasho ama la isku af-garto, taasoo uu Janankii ogolaaday, laakiin Korneylkii diiday. Taasi waxay keentay in C/Rasaaq isaga tago goobtii. Isimadiina waxay kalsoonidoodii siiyeen Jenanka oo ay u magacaabeen inuu noqdo gudoomiyaha xaqa ah ee Jabahadda SSDF. C/Laahi go’aankaas maqaadan, guri ku yaal Qardho ayuu isna shir ku qabsaday, koox  isaga taageersan ayaa shirkii yimid, go’aankii ka soo baxayna wuxuu noqday inuu isagu yahay gudoomiyaha jabhadda. Waa sidii uu dhawaan-tan yeelay “C/Nuur Darmaan” markii uu Xamar shirka ku qabsaday, kadibna uu shirkii ku dhamaaday in “Darmaan” uu yahay Madaxwey-naha Jamhuuriyada Soomaaliya. Malaha Ina Darmaan Taariikhda C/Laahi Yuusuf ayuu dheegtay, markaa-suu firkadan ka qaatay.
  4. Markii uu xiligii loo doortay inuu ahaado Madaxweynaha D.G.P. dhamaaday, ayaa la diyaariyey doorasho xor ah, siduu dhigayey dastuurkii maamul-goboleedkaas, rag badan ayaa isa soo sharaxay, tartan iyo doorasho kadib, waxaa jagadii ku guuleystay Korneyl Jaamac Cali Jaamac. Isimaadii iyo cuqaashii deegaanadaas oo dhanna isaga ayey taladii u garteen. C/Laahi Yuusuf taas mayeelin, wuxuu cadeeyey inuusan aqbalayn, wuxuuna,  isku dayey inuu meesha ka saaro Madaxwenihii ay shacabku doorteen, wuxuuna dhawr bilood kadib kusoo qaadey duulaan abaabulan oo garab shisheeye wato, maamulkii la doortay-na meesha ayuu kaga saaray, ilaa iyo hadana waa kan sida sharci darada ah u sheegta inuu yahay Madaxweynaha deegaanadaas.

Afartaas dhacdo waxaan u soo qaatay tusaaleyn iyo marag fur. Haddiise ladamco in Taarkhiida Korneylka la raad-raaco kuwa intaas ka fool-xun ayaa la helayaa. Waxaan aad ula yaabaa sida uu mar-walba ugu gacan-sayro go’aanada bulshada, iyo dadka ay talada ka go’do, misana uusan sii calfan.

NASIIB XUMO AAN KA HARIN::

Inta jeer ee uu isku dayey inuu madaxweyne noqdo ee uu waayey lama soo koobi karo, laakin aan dhawr tusaale ka bixiyo.

  1. Wuxuu 1978.kii isku dayey inuu dalka Inqilaabo, nasiib xumo waa ku fashilmay. Masabrinee dalkuu ka soo baxsadey, codowgii soo jireenka ahaa ayuu u galay, hiilna waa ka helay.
  2. Wuxuu  islahaa fursadan weeye taad dalkoo dhan kula wareegi lahayd, hubka aad haysato iyo taageerada aad heshay Soomaaliya oo dhan ayaad ku qabsan doontaa. Qarow ayey noqotay, dal uu qabsado daayee isagiibaa ugod galay, meeshuu ku hanweynaa inuu madax-tooyadii Soomaaliya dago, nasiib xumo dhulka hoostiisa xabsi ku yaal ayuu mutay, isagii baana dunida oo dhan ka qarsoomay, hankiina halkaas ayuu ku dhintay.

  3. Maxamed Faarax Caydiid

    Wuxuu is yiri Caydiid Dowladda uu dhisayo wax udoono. Waa kii qol dhexdii isaga soo magacaabay inuu yahay gudoomiyaha S.S.D.F. isagoo sita jagadaas ayuu Caydiid Xamar ugu tagay, damaciisu wuxuu ahaa jago fiican aad ka heshid, waxayna ku dhamaatay is fahmi waa. Xamarna waa kii isaga soo cararay. Nasiib xumo taasna ma suuragalin.

  4. Wuxuu isku dubariday shirkii Soodare lagu qabtay, go’aanadii ka soo baxay waxay noqdeen in shirweyne lagu qabto magaalada Boosaaso, wakhti badan iyo awood badan ayuu siiyey in shirkaasi hirgalo. Hadafkii uu shirkaas kalahaa waxay ahayd inuu isu soo taago jagada ugu sareysay dalka. Nasiib xumase shirkaas maba qabsoomin.
  5. Wuxuu si feejig-naan ku dhisan uga fakaray inuu ka qaby-galo shirkii Carta, dad isaga ka socda ayuu u diray, fariintii uga timid waxay noqotay inaysan halkaas fursad u oolin. Nasiib xumo shirkaas rajo uguma muuqan.

BURCADDA IYO CULUMADDA:

Idaacadda BBC-da ayaa weydiisay waxa uu rabo inuu qabto hadii uu ku guuleysto jagada Madaxweyne-nimada Soomaaliya? Wuxuu ku jawaabay. Waxaan la dagaalamayaa burcadda dalka dhibaatada ku haysa, iyo culumada diinta . Taasi waa barnaamijkiisa doorasho ee uu rabo iney bulshada Soomaaliyeed ku doorato.

Waxaan liqi waayey in qof Bani-aadam ah oo caqligiisa iyo maskaxdiisu ay fayowdahay in halmeel oo siman ay uwada joogaan culumada iyo burcadda. Maxaa-yeelay culumadu waa aastaanta xushmadeed ee diinta. Kawaran haduu Muslim yahay qofka maanta dhahaya burcadda iyo culumada waa lawada dagalamayaa. Su’aasha isweydiinta leh waxay tahay. Garanay dhibaatada ay burcadda ku hayaan xaalada Soomaaliya, maxay tahay dhibaatada ay culumadu ku hayaan xaaladda Soomaaliya.

INTAANBA ADAA UGU HOREEYEY:

Taariikhda Soomaalida qofkii wax ka qoraba wuxuusan halmaameynin in C/Laahi Yuusuf yahay ninkan arrimahan soo socda ka bilaabay Soomaaliya.

  1. Ninkii u horeeyey ee Itoobiya hiil iyo garab ka doonto waa adi.
  2. Ninkii u horeeyey ee Soomaali u bilaabay in xoog un wax lagu kala qaato waa adi.
  3. Ninkii u horeeyey ee Soomaali baray teyda mooyee wax kale majiraan, waa adi.
  4. Ninkii u horeeyey ee Maraykan ka codsaday in shacabka Soomaaliyeed lala dhaco B.52. inta soo hartayna isaga loo gacan-galiyo waa adi.

AXMED JALABIGA SOOMAALIYA :


Chalabi

Axmed Chalabi waa ninkii sababta ugu ahaa in Maraykan ku soo duulo Ciraaq, isagoo dowaladda Maraykanka ugu sheekeeyey in Sadaam Xuseen haysto Hubka wax gumaada. Taaso ay dowladda Maraykanku ka rumaysatay. Wixii la’ogaa baa dhacay. Dhawaan waxay cadaysay Dowladda Maraykanka in Axmed Jalabi uu u been-sheegay, sidaasna ay dagaalka ku galeen. Hashalaayo Maraykanku, laakiin Axmed Jalabi wuxuu isu arkaa inuu guul weyn gaaray mar hadii uu xukunkii ka tuuray Sadaam Xuseen. Dhibweyn uma arko waxa ku dhacay dalkiisii iyo dalkiisii. Nasiib-xumo ama nasiib-wanaag tey rabto ha’haateee, Jalabi iyo Maraykan wey kala xarig furteen.

Sidaasoo kale ayuu C/Laahi Yuusuf damcay inuu Maraykan u qaldo. Markii ay dhacday 11.Seb 2001. wuxuu u arkay fursad qaali ah inuu helay. Wuxuuna  faafiyey in Soomaaliya ay Argagixiso joogto, fariisimo ciidanna ay ku leedahay gudaha Soomaaliya. Taasi dowlada Maraykanku  kharash farabadan iyo wakhti badan ayey ku khasirtay, waxay soo direen saraakiil ka tirsan laamaha dabagalka, waxay ku wareegeen Soomaaliya oo dhan, waxay soo xaqiiqsadeen in aysan hadda jirin khatar jiritaan leh oo fariismo ku leh Soomaaliya. Taas kolkii laga rumaysan waayey C/Laahi, wuxuu hadana yiri, hadaan soo helay meeshay joogaan, tuulada SHINBIRAALE ayey ciidan iyo hub ku haystaan. Mar labaad ayuu hadana Maraykankii galiyey wakhti badan iyo kharash badan. Meeshuu sheegay ayaa waxaa booqday wariye-yaal caalami ah, waxaana weheliyey Wariye Maxamed X. Ingiriis, muddo kadib ayaan anigu lakulmay Ingiriis, waxaana weydiiyey wuxuu soo arkay, wuxuu iyiri, Shinbiro iyo buuro banaan ah  ayaan ku soo aragnay, socdaal dalxiiska ku fiican ayuuna noo ahaa. Raaxo ayaan ku jirnay ee meel ay Argagixo joogto ma’aynan arag.

Qadaafi

Ilaa iyo xiligan kama quusan C/Laahi Yuusuf inuu dhaho Soomaaliya Argagixo ayaa joogta, laakiin su’aashu waxay tahay, yuu Argagixo u yaqaanaa.  Hogaamiyaha dalka Liibiya ayaa mar la weydiiyey, waxa la dhaho Argagixiso? Wuxuu yiri, qof walba wuxuu neceb yahay ayaa Argagixiso u ah. Haddii aan qaadanno jawaabtaas, waxaan heleynaa cidda uu C/Laahi u yaqaan Argagaxiso. Waa hadba qofka xukunka ku haysta markaas, ama uu ka baqayo inuu ku qabsado mardhaw. Jen. Cadde Muuse oo uu shalay u yaqaanay xubin kamid ah ururada Argagixisada ah, ayey hadda saaxiibo yihiin. Waxaana cad in Cadde uusan markii hore Argigixo ahayn, laakiin uu ka soo horjeeday hogaanka C/Laahi Yuusf, markii uu Cadde aqbalay in C/Laahi yahay Madaxweynihiisa, ayey isagana ka hartay Argagixiso-nimadii, C/Laahina wuu ka saaray liiskii Argagixisada.

Waxaa fajiciso ah in nin sheeganaya inuu yahay hogaamiye Soomaaliyeed, hadana hankiisa ugu weyn yahay inuu dadka baaba’sho, hadii ay isaga u suura galiweyso iney gacantiisa gaarto, raba inuu ciidamo shisheeyo ugu yeero, shisheeyahaasi ha’ahaadeen kuwa noo dhaw, ama ha’ahaadeen kuwa naga fog. Waa ninka kaliya ee isku dayey inuu Maraykanka ka codsado iney soo weeraraan dalkiisa.

GUUSHA AMA GEERIDA:

Shirkan waa fursaddii ugu danbeysay sida dad badani qabaan. Mana jirto maalin ay C/Laahi uga dhawdahay ugana fogtahay inuu helo jagada ugu sareysa dalka. Laftigiisu waa dareensan-yahay in tani tahay guushii ama geeridii. Wixii nasiib xumo ahayd ee uu C/Laahi soo maray, wuxuu ka sabri karaa inuu maanta helo fursadan qaaliga u ah, haddii uu helo laba arimoodba wey u hirgalaysaa. Waa midda Koowaadee: Taariikhdiisa isaga qoran doona, wixii ceeb ahayd ama xumaan ahayd ee uu soo maray dhamaan wuu ilowsiin doonaa dadka, isagaana qoran doona buugaag farabadan oo taariikhdiisa ka warami doonta, haduu rabana Iskuulada ayuu ku amri doonaa in laga dhigo. Waa midda Labaadee: Jabkii iyo xariggii uu soo maray wuu ilaawi doonaa, maxaa yeelay muddo dheer ayuu usoo halgamay in mar un ladhaho Madaxweyne.

SOOMAALI MAXAA LAGUDBOON:

Wax waliba waa nasiib, hadda makala garan karo anigu in maanta C/Laahi Yuusuf uu shirkan kala tagi doono isagoo ah Madaxweynihii Soomaaliya, iyo iney nasiib-xumadii ugu foosha xumayd ku dhici doonto. Waxaanse umadda Soomaaliyeed xusuusi-nayaa in C/Laahi yahay ninkii ku mashquul-sanaa sidii uu Soomaali u kala diri lahaa muddo ku dhan 14.Sanadood, waa intii u dhaxaysay 78.ilaa 91. misana sii burburinteeda ku hawlanaa muda kaloo dhan 14.Sanoo kale, waana intii u dhaxaysay 91.ilaa 2004. hadaba 28.Sano oo taariikh-xumidaas ah, miyuu C/Laahi maanta Soomaali ka istaahilaa iney ku sharfaan jagadaas qiimaha leh? Waa su’aal aan jawaabteeda ka sugayno Xubnaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.

ISAGA MAXAA LA GUDBOON:

Haddii aad C/Laahiyoow qirtay inaad tahay ninkii ugu horeeyey ee dowladii Soomaaliyeed mucaaradka ku noqday oo aad ka hor sheegtay goobo caalami ah, walibana aad tiri hadalkii xikmadda noqday ee ahaa, hadaan sidaan filayo ma’aanan noqdeen mucaarad, oodna hadalkii ku soo gabagabeysay maanta xal ayaan diyaar u ahay. Si hadal-kaagaas loo rumaysto, xalka Soomaalidana loo helo, adiguna wixii hore aad ka qubaysato, maanta waxaa sharaf weyn kuu ah inaad goob layaqaan ka tiraahdo: Soomaali waxaan ka codsanayaa iney i cafiso, si la ii rumaystana, dhisme unbaa ka shaqaynaya inta cimrigeyga ka dhiman, maadaama 28.sano oo xiriir ah aan Soomaali dhibkeed ku mashquulsanaa, wakhtigan laga bilaabo waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed.

Waxaan kuu balan qaadayaa hadii aad sidaas yeesho, in aad umadda Soomaaliyeed cafis iyo xushmo ka heli doonto. In taariikhdaada dhinaca wanaagga ah laga qori doono. Xalka Soomaalidana uu si degdeg ah ku iman karo.

Haddiise aad taladaas diido oo aad ku adkeysato musharax-nimadaada, waxaad ogaataa ifafaalaha hadeer muuqda inuusan kuu tilmaameyn dabeyl wanaagsan, murugo aan hadda ku haynna aad lakulmi doonto kadib marka ay Soomaali ku tiraahdo wakhtigaagii adaa cunay.

Wax kasta waa la fishaaye haddii nasiib-kaagu wanagsanaado oo aad noqoto Madaxweynaha Soomaaliyeed, waxaan ku qanci doonaa in Soomaali ay maanta meel xun ka dhacday. Aniguna nasiib xumo aan lakulmay.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | July 27, 2004

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

3 Responses to Qoraal Uu Agaasime Fahad Yaasiin Ka Qoray AHUN Cabdullaahi Yusuf 2005