Qormooyin Ku Saabsan Xasan Sheekh Oo Aan P/O Ku Daabacnay 2013 Bal Maanta Nala Eega Xasan Muxuu Maanta Ka hayaa Boobkii Hantida iyo Masiirka Shacabka Masaakiintaa Waliba Wad Iyo Da’na Iyo Xisaab Aakhiro Usii Dheeryihiin

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Markii ay socotay doorashadii xasan sheekh maalintaas si live ah ayaan uga soo tabinaynay doorashada, waxaanan si aan la malaynkarrin ugu faraxnay markii uu guulaystay Xasan Sheekh, waxaana ay qaar ka mida wariyaasha P/O is yiraahdaan allayle waxay u egtahay in aanan u baahan doonin sii shaqaynta webka P/O marba haddii uu dalkii Madaxwayne wanaagsan yeeshay sabab loola socda siyaasadda soomaaliya ma muuqato oo Madaxwaynahaas wanaagsan baa siyaasadda si fiican nowgu maarayn doona.

Xukuumadda Xasan Markii la doortay muddo 6 billood ah ayaan la soconay waxqabadka xukuumadda Xasan Sheekh, kadib waxaan ogaanay 100% in erayada quruxda badan ee uu Xasan Makarafoonka ka sheego iyo hab dhaqankiisa asalkaa ay kaaf iyo kala dheeri yihiin.

Ninka madaxwayne noqda waxaa laga rabaa in uu xukuumaddaas run (truth) ku maamulo iyo in uu xusho dadka wasiiro aamin ah, iyo agaasimayaal shaqada yaqaan, hawshana uunan afduubin ee uu sharciga ku illaasho kaliye ee aynan wixii noqon one man shaw ama wax hal ruux uu gacanta ku hayo

Hadaba waxaan billownay in aan ku daabacno P/O qormooyin aan isleenahay dad badan tusaale ha u noqdaan si wax loo saxo.

Qormooyinkaas waxaa ka mida.
Qormada hoose waxaan daabacnay 6 bilood kadib doorashadii xasan.
Maxay Soomaaliya la dagi la’dahay, maxaase u sababa in rajadu maalinba maalinta ka danbaysa siixumaato(Akhri warbixin muhimma)

Qormadaan kale iyadana 7 billood kadib doorashadii xasan.
Waa kuma Madaxwayne Xassan Shiikh, Maxaadse kataqaanaa Muhiimadda shacabka oo ladarso oo lakala xulo, si loo helo dadka dunta wanaagsan iyo in qofkasta illaahay hibo gooniya siiyay iyo sidda looga faa-iidauyst

Qormadaan waxay ku socotay Faroole iyo Xasan Sheekh xiligu waa octabar 2013.
Sifooyinka Madaxwaynaha ku haboon Puntland, is barbardhig madaxwaynaha Astaamaha xun iyo Madaxwaynaha Astaamaha wanaagsan (Warbixin Muhima Qaybta koobaad)

Qormooyinka Cadaaladda iyo Dastuurka

Isku soo duub qormooyinkaas iyo boqolaal kale oo ay ka mid ahaayeen kuwa murtida maanta ee maalinlaha ah ayaan is lahayn bulshadu ha qaataan wixii wanaagga.

Hadaba waxaan jeclaanlahayn in ay akhrisyaan qormadaan Xasan iyo Madaxda kale iyo musharaxiinta u hanqaltaagaya noqoshada Madaxwayne in ay si fiican ugu tusaale qaataan ninkii shacabka Soomaalida ee masaakiintaa hantidooda iyo masiirkooda ninkii isku daya in uu musuqmaasuqo uu aakhirka khasaaro ku danbaynayo.

Hada maanta muxuu ka hayaa Xasan Sheekh wixii uu been sheegay, wixii uu musuqmaasuqay, allow maanta yaa ogaada wuxuu dareemayo, waliba laba wiig ka dib marka uu doorashada ku guul daraysto siduu indhaha ka siin doono ayay shacab badan oo u caraysan sugayaan, iyadoy u sii dheertahay xisaabtii alle ee aakhiro.