Qormooyin ku saabsan Xukun Boobka Madaxda Soomaalida IYO DOORKA AY KU LAHAYD BURBURKII SOOMAALIAYA kala Soco Puntlandobserver

Filed under: Important News,Wararka |

XUKUN BOOB
Qormooyin ku saabsan Xukun Boobka Madaxda Soomaalida IYO DOORKA AY KU LAHAYD BURBURKII SOOMAALIAYA kala Soco Puntlandobserver

Kadib Baaritaan dheer oo ay samaysay warbaahinta PuntlandOBSERVER ayaa waxaan ogaanay 80% dhibaatada ugu wayn ee Dawlad Soomaaliyeed looga hirgalin la’yahay sOOMAALIYA ay sababta ugu wayni tahay iyadoo ay MADAXDII SOOMAALIDA KU DHAQMAAN NIDAAMKII XUKUUMADDII SIYAAD BARRE.

SIYAAD BARRE WUXUU BOOBAY OO KALIGII QAATAY AWOODDII IYO MASIIRKII MALAAYIINTA SOOMAALIDA, SIYAAD BARRE GUDOOMIYE, TALIYE, WASIIR, AGAASIME, XOGHAYE, AGAASIME WAAXEED, GUDOOMIYE HAYƄADEED, SAFIIRKII WAXABA ISAGAA KALIGIIS MAGACAABAYAY.

SIYAAD BARRE WAA LALA DAGAALAMAYAY LAGA BILLAABO 1980 ILLAA 1990, MADAXDII KA DANBAYSAY WAX CUSUB SOOMA KORDHIN EE SIDIISII BAA NINKII MEEL MADAXWAYNE KA NOQDAA UU U DHAQMAA SIDII SIYAAD BARRE ISAGOO MAGACAABAYA DHAMAAN INTA AAN KOR KU SHEEGNAY.

MARKA DHIBKA JIRA MATALAN AAN TUSAALE U SOO QAADANO, GOBOLKA BARI EE PUNTLAND.

GUDOOMIYAHA GOBALKA BARI WAXAA SOO MAGACAABA MADAXWAYNE GAAS.
AGAASIMAHA WASAARADDA MAALIYADDA EE GOBALKA BARI WAXAA SOO MAGACAABA MADAXWAYNE GAAS.
DHAMMAAN LACAGTA KASOO XAROOTA GOBALKA BARI WAXAY KU DHACDAA KHASNADDA AGAASIMAHA MAALIYADDA EE GOBALKA BARI.

HADDII MARKA MADAXWAYNIHII UU DHAN KA MAGACAABAY GUDOOMIYIHII LAAKIIN AY LACAGTII U SOO XAROOTO AGAAASIMAHA.

AGAASIMAHA MAALIYADDA YUU ACCOUNTBLE U YAHAY, MA GUDOOMIYAHA, MISE SHACABKA, MISE MADAXWAYNAHA.

DABCAN WUXUU DHAGAYSANAYAA NINKII SOO MAGACAABAY CALASHAA GAAS.
Markaas shacabkiina dhagaysan mayo, Gudoomiyihina dhagaysan mayo.

Gobalkiina waxaa lagu kala socodsiiyaa lacagtii Gobalka ka soo xarootay.

Sidaas si le’eg Soomaaland, DFS, ama meel kasta oo soomaali maamusho.

SI FIICAN U DHUUX ARRINKAAN AY WARBAAHINTA PUNTLANDOBSERVER SHACABKA SOOMAALIDA U BIDHAAMINAYSO.

NAGALA QAYBQAADO ARRAGTIDAADA OO NAGALA SOO XIRIIR

AKHRI WARKAAN

Maxaa ka jira in Isbadal lagu samaynayo Aqaasimayaasha Wasaaradaha Puntland (Xog muhim ah)

PUNTLANDOBSERVER@GMAIL.COM