Qorshe Xumada Musharaxiinta Madaxwaynanimo ee Soomaaliya(qormo gaaban)

Filed under: Wararka |

Haddii aad ahayd qof xiisaynjiray siyaasadda Soomaaliya muddo dheerna aad ula socday xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana aad dhegeysato Qorshe siyaasadeedka Mushataxiinta u taagaan jagada Madaxwayne ee sanadda 2016 ayaa waxaa kugu dhacaya niyad jab aad u baaxad wayn.

Waxaanad arkaysaa in ay ragaas aqoontooda siyaasadeed iyo hadafkooda iyo fahankooda xaaladda soomaaliya ay intaba aad u hoosayso

Daawo john of Kennedy hadafkiisa siyaasadeed ee dhan kasta iyadoo Madaxwaynaha doonaya hadda in uu xalka Soomaalia keenno uu yahay mid ay si fiican waadax ugu tahay sidii Soomaalida loo midayn lahaa, isla markanaana loola iman lahaa Qorshe siyaasadeedkii laguala dagaalami lahaa musuq maasuqa Soomaaliya hareeyay ,sidii arrimaha sharciga iyo dastuurka loo qaabayn lahaa oo wax looga qaban lahaa, shacabka awoodda lowgu soo celin lahaa, hanaan dawlad wanaag oo waadaxa loo dajin lahaa.

1) looga bilaabahaa diinwaangalinta sahcabka
2) Tirakoobaka.
3) dhismihii nidaamka dawladaha hoose.
4) Qorshaynta isla xisaabtan maaliyadeed oo musuqmaasuq lagula xisaabtamo
5) iswaafajinta sharciyada canshuuraha ee maamul gobaleedyada iyo kuwa dfs, iyo dhamaan iswaafajinta awood qaybsi
6) Abuurad hanaankii sharciyadii hanaan cadaalad lagu xardhay oo ku astaysan xisbiyo mabda siyaasadeed oo taabagala afkaaharood kala aaminsan hirgaluinteed si looga guuro hanaanka qabyaaladda iyo 4.5 ee aan wax haba yaraatee ajande siyaasadeeda lahayn marka laga reebo sidii uu darbi jiif kasta reer durbaan reer Hebel kursi ugu helilahaa isagoon lahayn karti howlkarnimo iyo mid hobo eebbe siiyay toona..
7) Ciqaabid ama maxkamadayn ruuxii lagu qabto isagoo ka ganacsanaya masiirka siyaasadeed ee Soomaaliya sida XILDHIBAANKA IIBSANAYA CODKII AMA MUSHAEAX IIBSANAYA CODKIISA
8) Tiradii bay ka bateen QORSHAYAASHA SIYAASADEED EE EE DIB LOWGU SOO CELINAYO HANAANKII SIYAASADEED EE SOOMAALI AY ISKU AAMINI LAHAYD OO CAQABADDA QABYAALADA LA HARTAY SOOMAALI UGA GUDBI LAHAYD

laakiin musharax aan wax ajanda ah lahayn, oo sidiii uu ka hadlayo goob fadhi ku dirir ah hadana han hawaysanaya Madaxwayne.

One Response to Qorshe Xumada Musharaxiinta Madaxwaynanimo ee Soomaaliya(qormo gaaban)

  1. Pingback: Qorshe Xumada Musharaxiinta Madaxwaynanimo ee Soomaaliya(qormo gaaban) - Daily Somalia Report