Qorshihii Loo Maleegay Dawladda Soomaaliya

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

-Waxaa  Afduubka Qalbi Dhagax loo cuskaday heshiis ay kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya  07 Jun 2015, waxaa saxiixay Xildhibaan Mahad Maxamed Sallaad  oo ahaa wasiiru dawlihii Madaxtooyada   , hadana marlbaad  2 may 2016 baa waxaa lakala saxiixaday heshiiskale waxaana saxiixay Maxamed Jaamac Mursal (Geele) Wasiirkii boosaha iyo isgaarsiinta dawladdii Xasan Sh iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxwaynihii Galmudug, heshiisyadaan ayaa waxaa lowgu magac daray nuqul, waana heshiisyada loo cuskaday afduubkii Qalbi Dhagax.

Heshiis marka lagalahayo waa in ay diyaariyaan dad aqoon u leh, haduu siyaasad yahay iyo hadduu arrimo bulsho yahay , hadduu dhaqanyahay hadduu nabad galyo yahay,  hadduu dhaqaale yahay, markaas kadib waa in Golaha wasiirada loo gudbiyo, Golaha wasiiraduna Baarlamaankay u gudbinahayaan, markaas kadib ay maxkamadda Dastuurigaa-maxkamadda sare iyo Madaxwaynahaba intaas waa in ay saxiixaan.

Laakiin nimankaas heshiiskay saxiixdeen ma ahan mid saxa lagumana dhiibi karro qof muwaadina, waana xaaraan waana nin la qafaashay ninkii lagu dhiibo, waayo xiyaa inernational low ma ogala waxa noocaasa.

Ciddii dhiibtay Qalbi Dhagax maxkamad in la soo taaggo baa habboon.

Baarlamaanka federaalka iyo aqalka sare waxaan ka codsanaynaa, wax allaale wixii heshiisa ee horay loo galay ee aan baarlamaanada la keennin waa in ay laalaan oo waxkama jirraan ka dhigaan.

Dawladda uu Farmaajo Madaxwaynaha ka yahay waxaan uga digaynaa, in uu meesha dad wax-yaqaana la keenno, haddii kale wuxuu marahayaa meeshii kuwii hore mareen.

Sharafta dalka iyo dadkaba waa in la illaaliyaa iyo dhaqankooda iyo midnimadooda iyo diintooda iy sharaftooda.

Qore Warsame Ahmed