Qosolka Maanta: Cali Mareexaan oo Xafiiskiisa dusha uga xiray Gudoomiye ku xigeen wakiilada Soomaaliland

Filed under: Wararka |

qosol
Nin Xildhibaan ah oo Beesha dhexe ay ula baxeen Cali Mareexaan maadaama ay isku beelyihiin Madaxwaynaha,

ayaa saaka waxaa Xafiiska ku shiray Xildhibaan Cali Mareexaan (Mulkilaha Xafiiska) iyo Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada Soomaaliland oo kasoo jeeda Beesha Dhulbahante.

Sida wararku sheegayaan markii shirku dhamaaday ayaa waxaa Xafiiskii isaga soo baxay Cali Mareexaan, dabadeedna sida wararku sheegayaan Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa xafiiskiisiii Quful dusha kaga xiray, wuxuuna hilmaamay in uu Gudoomiye Baashe Xafiiskii wali fadhiyo.

Cali Mareexaan Magaalada ayuu iska aadday.

Laakiin waxay talo kucadaatay Gudoomiye cal Baashe, maadaama uu Khilaafna jiro, isla markaana uu kasoo jeedo Beelaha deegaanka looga tirada badanyahay ayay wararku sheegayaan in Cali Baashe u qaatay in la khaarajinyo.

Laakiin aakhirkii wararku waxay sheegayaan in uu saacado kadib Cali Mareexaan Xasuustay in Xafiiskiisii uu Gudoomiye Cali Baashe jooggo wali, sidaas ayuuna xafiiskii usoo aaday oo uga furay xafiiska Cali baashe oo saacadahii yaraa ay maalmo ku noqdeen

Warkaas waxaa si hoose noosoo gaarsiiyay ruux aan doonayn in magaciisa la sheeggo,