“Rag, ‘Walaal!’ Wuxuu ku Dhaamo Waayay” [Sheekooyinka Wiil-Waal]

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

Shire Jaamac Axmed

 

“Rag, ‘Walaal!’ Wuxuu ku Dhaamo Waayay” [Sheekooyinka Wiil-Waal]

 

Garaad Faarax Garaad Xirsi Garaad Hantun “Wiil-Waal” ayaa maalin maalmaha ka mid ah shir qabtay. Dhammaan dadkii deegaanka ka dhowaa ayaa shirkii ka soo qaybgalay.

 

Wuxuu Wiil-Waal dadkii ku yidhi: “Maanta waxaan doonayaa in aan idiin sheego hadal murti iyo mahadho leh oo magguuraan ah, maandhooyinow, si wacan ii dhegeysta”.

 

“Hawraarsane, maxaad Garaadow noo sheegi lahayd?” oday dadkii goobta gabranaa ka mid ahaa ayaa weyddiiyey.

 

Dadkii oo aammusan oo afkiisa ereyo ka soo baxa dhawraya oo dhegta wada raaricinaya ayuu Wiil-Waal ku yidhi: “Rag wax kasta ku dayay, dameerna u tu’iyey. Waxaanse ogaaday in ‘Walaal!’ wuxuu ku dhaamo aan la arag.”

 

Shire Jaamac Axmed

Muqdisho, Luulyo, 1967