Raila Odinga Hogaamiyaha mucaaridka Kenya oo dowladda Kenya ugu baaqyn in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya

Filed under: Wararka |

Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee ODM, Raila Odinga oo ahaa ra’iisul wasaare xilligii ay Kenya ciidamadeeda u diraysay Somalia si ay ula dagaalamaan Al-shabaab sanadkii 2011-kii, ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqay inay qaaddo tallaabo ay ciidanka Kenya uga soo saarayso gudaha Somalia.

Odinga ayaa sheegay in Mareyanku uu ciidamadiisa kala baxay Somalia sannadkii 1993-kii, markii uu Muqdisho ka dhacay dagaalkii loogu magac-daray Black Hawk Down, kaas oo ay ku waayeen 18 askari oo ciidamadooda ka mid ahaa; Kenyana aysan ceeb ku ahayn in ciidamadeeda ay kala soo baxdo Somalia.

“Mareykanka ciidammo badan ayaa Somalia kaga dhintay, laakiin way kala baxday. Sidoo kale Kenya waxaa la gudboon inay ciidamadeeda kala basoo baxdo Somalia,” ayuu Raila Odinga ku sheegay war uu siiyay qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Xukuumada Kenya ayaa dhowr jeer u sheegtay inaysan jirin sabab ay xilliga uga soo saarto Samalia ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM. Iyagoo sheegay in ciidamadooda ay gudaha Somalia kula dagaalamayaan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sannadihii lasoo dhaafay weerarro kala duwan ku qaadday gudaha Kenya, iyadoo weerarradii ay ku qaaday Kenya labadii sano ee lasoo dhaafay ku dishay 400-qof oo Kenyan, isuguna jiray askar iyo shacab.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ay ku qaadday gudaha waddanka Kenya oo ahaa kii Jaamacadda Gaarisa ayay Al-shabaab ku dishay 148-qof oo intooda badan ay ahaayeen ardaydii Jaamacaddaas dhiganayay.

Hadalka Raila Odigan ayaa imaanaya iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay joojin doonto weerarrada ay ka geysanayso gudaha Kenya haddii xukuumadda uu hoggaaminayo Uhuru Kenyatta ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.