Reer Muqdisho+ Reer Hargaysa Iyo Inta Jeer ee Ay Dawlad Iyo Qaran Diideen (Cadayn Qormo Gaaban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Vector Cartoon Bowling Madness with Crazy Face and Hands

Vector Cartoon Bowling Madness with Crazy Face and Hands


Inkastoo ay Soomaali oo dhan leeyahihiin sababta ay Soomaali qaran la’aan u tahay (oo eedaas loo aanaynayo aqoon la’aan), hadana Caasimaddii 1aad Muqdisho iyo Caasimaddii labaad Hargaysa dadka deegaan ahaan uga soo jeeda ayaa diiday Qaran Soomaaliyeed, —-> waana sababtaas sabab Soomaali oo illaahay dhulka ugu qanisan siiyay ay baahi dunida dusheeda ugu dhintaan iyo silic.
1) 1990 markii dawladdii dhexe burburtay Reer Muqdisho waxay awoodeen in ay xukunka dalkana la wareegaan dadka shacabkaa ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku noolna nabad galliyaan. laakiin taa badelkeeda dadkii waa la dhacay waana la laayay, hadana isla beelaha reer Muqdisho ayaa ku dhex dagaalamay magaaladi Caasimadda umadda.
2) Reer Hargaysa waxay ku dhawaaqeen in ay Soomaaali ka go’een hadana deegaanada SSC iyo Booram iyo Saylac ayaa baad lagusii qabsaday, hadana waxaa awoodda ay reer Hargaysa galliyeen sidii koonfur madaxa la isugu gallin lahaa, si markaas Somaliland loo aqoonsado.
3) Reer Muqdisho waa diideen in Caasimadda Muqdisho laga wareejiyo, dawladdii timaadana iyagaa isbaaro u dhiganaya oo magaalada Muqdishona waa Caasimaddii Soomaaliya, Caasimaddinna hal reer baa u badan, waxaana kaaga sii daran dhamaan hay’adihii iyo safaaridihii caalamka ay Soomaali aduunka kala xiriiraysay waxay ku yaallaan Muqdisho.

Farmaajo waxaa keenay oo taageeray Reer Muqdisho waxaa la islahaa waa wiil seedina loo yahay waligiisna aan Puntland iyo Jubbaland tagin ee isticmaala oo danihiina ku fushada oo wixiinii ku walaaqda, hase yeeshee waxaa laga dareemay daacadnimo iyo qaran doon nimo, waana sababta lowgu kacay isagoo aan wali tagin Puntland, oo hadda waxaa lagu shaabadeeyay in yar oo qaran raadisa

-Waxaa kasoo daran Alshabaab.
Alshabaab waxaa la isku raacay in dhaqaaluhu usoo maro Hargaysa.
Dhanka kale Alshabaab waxaa taageera ganacsatada Muqdisho, marka alshabaabka laguu sheegayo waa ninkii saaka suuqa bakaaraha jooggay oo caawa cimaamad afka kusoo duubtay.

Marka haddii Qaran Soomaaliyeed la doonayo waa in dib la isugu noqdo oo la xisaabtamo.

Xalka.
Xalka Soomaaliyeed waa iyadoo 300 oo degmo oo ismaamul madaxbanaan loosameeyo caasimad cusubna la sameeyo

2 Responses to Reer Muqdisho+ Reer Hargaysa Iyo Inta Jeer ee Ay Dawlad Iyo Qaran Diideen (Cadayn Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Reer Muqdisho+ Reer Hargaysa Iyo Inta Jeer ee Ay Dawlad Iyo Qaran Diideen | allsanaag