Reer Muqdisho Sidan Ma U Taageeri Lahaayeen Farmaajo Haddii Uu Bookhan Lahaa Puntland sidii CabdiWali Iyo Saacid markay Puntland Bookhdeen laga xayuubiyay Xukunkii (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa baryahaan Soo badanaysa taageero xad-dhaafa oo ay reer Muqdisho u muujinayaan Musharax Farmaajo khaasatan baraha Faceboogga, waxaynu wada xasaasunaa in Raysalwasaare Saacid laga xayuubiyay jagadii Raysalwasaaraha kadib markii uu bookhday Puntland, sidoo kalena waxaan xasuusanaa in Raysalwasaare Cabdiwali Sheekh laga qaaday jagadii Raysalwasaarenimo kadib markii uu saas si le’eg bookhday Puntland, laakiin Farmaajo waligiis Puntland bookhasho kuma tagin

Dhanka kalena Soomaaliya maadaama ay 4.5 wax ku qaybsatay Farmaajo, Saacid, iyo Cabdiwali-sheekh waxay kasoo jeedaan beesha Puntland, hadii dhanka saxdaa laga eeggo waa in ay marka koobaad taageero ka hellaan shacabka ay matalaan ee Puntland iyo Jubbaland, maadaama aan wali loo gudbin hanaankii asxaabta iyo one man one vote, oo waliba hanaankaas laga diiday deegaanada Gobalada dhexe, iyo Koonfur Galbeed oo ah deegaanada hadda sida aadkaa farmaajo taageerada xad-dhaafkaa looga muujinayo.

Marka sida ay hadda Siyaasadda Soomaalida ku socotaa ma ahan sidii saxsanayd, dadka Soomaalidaana waxaad mooddaa in ay si qaldan u fasirteen hanaanka loo maamaalo marka la doonayo in wax la isku darsado, wax isku darsigo ma ahan anaa waxaba qaadanaya ee waa keen ruuxii danahaaga matalayay, anna waxaan keensanayaa ruuxii aniga danahayga matalayay oo saas baan wax isugu darsanaynaa, hadii aanad saas ogalayn maba jirayso sabab aan wax isugu darsano.

Marxuum Cabdulaahi Yusuf ayaa raadin jiray in uu koonfur wax ku darsado, siyaasiyiinta taageerada fiican ku leh deegaanada koonfurta ee muqdisho si markaas ay dadku ugu arkaan in siyaasaddii ay wadaag tahay oo calaa aqali wax la isku ogalyahay.

Hadda kooxahan maangaabnida ku caan baxay ayaa doonaya in ay hellaan siyaasi kasoo jeeda deegaanada beelaha daaroodka balsa aan haysan taageerada beesha uu kasoo jeedo marka laga reebo inkooban oo jifada hoose ee beeshiisa, taasina waxay dhuminaysaa isku kalsoonaantii shacabka.

 

Marka waxaa habboonaan lahayd in uu Musharax Farmaajo bal Puntland iyo Jubbaland bookhdo, oo markaas si fiican looga soo dhaweeyo, markaas aan arragno in ay wali taageeradii ay lagarab istaagayeen reer Muqdisho ay sii wadayaan iyo in kale.

 

 

 

 

One Response to Reer Muqdisho Sidan Ma U Taageeri Lahaayeen Farmaajo Haddii Uu Bookhan Lahaa Puntland sidii CabdiWali Iyo Saacid markay Puntland Bookhdeen laga xayuubiyay Xukunkii (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Daawo Riyadii Kooxihii Muqdisho, Farmaajo haddii uu Puntland Bookhdo Taageeradaan Kala Noqonaynaa, Haddii Ay Puntland Ethiopia xiriir Ganacsi La Samayso Farmaajaan U diraynaa oo Leenahay Soo Burburi (Fallanqayn) | Puntland Observer