Riwaayaddii Waa Maadays Aduunyadu Dadkuna Way Matalayaan Oo Ka Tarjumaysa Xaaladdii Siyaaadeed ee 80-timaadkii(Falanqayn kooban Xaaladda Siyaasadeed ee 2016)

Filed under: Important News,Wararka |

Past and future

Past and future


Riwaayaddii Waa Maadays Aduunyadu Dadkuna Way Matalayaan oo la jillay 80-timaadkii ayaa ka tarjumaysay xaaladda siyaasadeed ee xiligaas, waa xilli ay Soomaaliya ku sugnayd xaalad kala-guur.

Waa xilli ay Soomaalidu aad u diidanaayeen xukuumaddii kaligitaliska ahayd.
Wuxuu ahaa xilli kalaguura oo ay dadku dareemayeen in uu iman doonno isbadal siyaasadeed, balse aan la saadaallin karrin isbadalka siyaasadeed ee soo wajahan.
Waa xili ay qabiillo badan oo ka mida qowmiyadda Soomaaliya ay tirsanyaan cadaalad daro.
Waana xili ay Gobalada waqooyi ka socdaan kacdoonno lagaga soo horjeedo xukuumaddii Siyaad Barre.

Hadaba xaaladda Soomaalida ee 2016 ayaa ah xilli kaa ka duwan.
2016 waa xilli ay Soomaalidu u oomanyihiin in ay arkaan nidaam daacada iyo hogaan iyaga u adeegga ee aan ka adeegan, waana xilli ay dhalinyarada soomaalidu waaya arrag yihiin.
Waa xilli ay soomaalidu il gooniya ku hayaan dhaqanka siyaasiyiinta Soomaalida iyo dhaqamadooda dhaqan dhurwaagaa
2016 waa xilli aan wax niyada loo hayn Qabiil, waa xilli aynan shacabku wax xiisa ah u hayn qabyaalad iyo siyaasi qabiil ku danaysta
Waa xili la sugayo isbadal siyaasadeed balse aan la ogayn halka uu ku danbayn doono
Waa xilli ay shacabka Soomaalidaa kacsan yihiin oo kala garanayaan qaladka iyo saxa, waana xili aan la qaldi karin shacabka Soomaalida oo aan siyaasi lasoo gamay loo isticmaali karin.

2 Responses to Riwaayaddii Waa Maadays Aduunyadu Dadkuna Way Matalayaan Oo Ka Tarjumaysa Xaaladdii Siyaaadeed ee 80-timaadkii(Falanqayn kooban Xaaladda Siyaasadeed ee 2016)

  1. Pingback: Riwaayaddii Waa Maadays Aduunyadu Dadkuna Way Matalayaan Oo Ka Tarjumaysa Xaaladdii Siyaaadeed ee 80-timaadkii(Falanqayn kooban Xaaladda Siyaasadeed ee 2016) - Daily Somalia Report