Roobdoon

Filed under: Important News,MAANSOOYINKA,Wararka |

Roobdoon

 

Rooboow rigloow, kaalay!

Raxmaddii Alloow, kaalay!

Kaan wada rabnoow, kaalay!

 

Riyo darariyoow, kaalay!

Ramaas laacayoow, kaalay!

Rays iyo naqloow, kaalay!

Doog raaxaloow, kaalay!

Kaama raysannee, kaalay!

 

Rooboow rigloow, kaalay!

Raxmaddii Alloow, kaalay!

Kaan wada rabnoow, kaalay!

 

Xoolihii ruqdee, kaalay!

Naxariis Rabboow, kaalay!

Rafiiq uumiyoow, kaalay!

Reexaan udgoon, kaalay!

Naftu kay rabtoow, kaalay!

 

Rooboow rigloow, kaalay!

Raxmaddii Alloow, kaalay!

Kaan wada rabnoow, kaalay!

 

Reerihii go’yee, kaalay!

Rafaad baa helee, kaalay!

Roobkii Gugoow, kaalay!

Rixinkeenniyoow, kaalay!

Ku rayrraysannow, kaalay!

 

Rooboow rigloow, kaalay!

Raxmaddii Alloow, kaalay!

Kaan wada rabnoow, kaalay!

 

Abwaan Cabdinuur A. F. Bootaan

Leicester, 03.04.2017