Rubin ‘Hurricane’ Carter Feedhyankii Maraykanka Madow ee Caanka ahaa ayaa Geeriyooday

Filed under: Wararka |

Rubin ‘Hurricane’ Carter Feedhyankii Maraykanka Madow ee Caanka ahaa ayaa Geeriyooday

Rubin
Rubin “Hurricane” Carter (May 6, 1937 – April 20, 2014)

Waxaa maanta oo Axad ah, bisha Abriilna tahay labaatan 2014ka, magaalada Toronto, dalka Kanada ku geeriyooday, isagoo da’diisu tahay 76 jir, feedhyankii culayska dhexe Maraykanka madow ee caanka ahaa, Rubin ‘Hurricane’ Carter. Wuxuu u dhintay cudurka Kansanka ee qoodhaha gala.
Carter wuxuu ka soo laacay 19 sannadood oo xabsi adag ah, isagoo lagu eedeeyey in saddex ruux oo caddaan ah uu ku diley meel xaanad (tavern) ah oo ku taalla magaalada Paterson, New Jersey, dalka Maraykanka, sannadku markuu 1966kii. Waxaa isaga iyo John Artis oo ay saaxiibbo ahaayeen la xukumay 1967kii.

Waxaa xabsiga laga soo daayay sannadku markuu ahaa 1985kii.
Xadhigga iyo xukunka ku dhacay Rubin Carter wuxuu tusaale cad u noqday garsoordarrada iyo midabtakooridda dalka Maraykanka ka jirey.
Arrinkaas waxaa ka dhashay hees caan noqotay oo magaceeda la yiraahdo Hurricane oo uu qaado Bob Dylan, buugaag, qoraallo fara badan iyo filin uu jilaa ka yahay Denzel Washington.