Russia iyo USA oo aduunkii ka baqayo in ay isku qabtaan Syria (Warbixin iyo Falanqayn)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Aduunka maanta aad baa farta lowgu hayaa in uu dagaalkii sadexaad ka dhaco, waxaana soo shaac baxaya sida ay Syria Istaraaji u tahay,

Waxaana aad arkaysaa hadda in uu soo shaac baxayo laba isbahaysi.
Isbahaysiga Russia, Iran, China, oo markaa doonaya in ay awood ku yeeshaan dalalka Qanigaa ee Midle East.
Midle-esat
Halka Isbahaysiga Maraykanka Israel iyo dalalka reer Galbeedka oo Horay awoodda ugu badan ugu lahaa dalalka bariga dhexe ay iyana doonayaan in ay difaacdaan awooddooda.

Siyaasiyiinta falanqeeya siyaasadaha aduunka ayaa sheegaya in ay labada Isbahaysi ciyaarayaan Chesboardfaroole-chess

Chesboardka ayaa soo bilowday xilli hore kadib markii uu Ruushku qabsaday Cremia oo ah Dekadda kaliya ee uu Ruushku aduunka kale uga gooshi karo.
Waxaa kaloo uu Ruushku ka faa-iidaystay dhaqaalo daradii ku habsatay Giriiga oo uu markaas caawiyay, hadana aad moodid in Giriigu u dhaganugul yahay Ruushka.

Sidoo kale Ruushku wuxuu heshiis dhanka ganacsiga ah la galay Turkiga iyo Egypt.

Dhanka Syria iyo Ciraaq ayaa waxaa loo kala baxay Shiica taageero ka hela Iiraan, iyo Suniyiin iyana Taageero ka hela Sacuudiga.

Waxaa kaloo ay Isbahaysigu Ruushku ciyaareen Chasboard aduunkoo dhanu u dhaga nuglaadeen markii Ruushku ku andacooday waxaan weeraraynaa oo khadka ka saaraynaa Argagixisada Isis, taas oo ka dhigan waxaan gabi ahaan la wareegaynaa Ciraaq iyo Syria.

Dhulka ay Isis haysato waa dhulka kaliya ee Syria iyo Ciraaq ay Suniyiintu ku leeyihiin, inta badan labada dal ee Syria iyo Ciraaq ayay kala deganyihiin Suniyiinta iyo Shiicadu.

Dawladda Ciraaq ka talisa waa Shiica, Dawladda Syria ka talisana waa Shiico.

hadaba intiisa badan dhulka ay Suniyiyiintu dagaan waxaa haysta Isis, waxaana la aaminsanyahay in ay Taageero ka helaan Sacuudiga iyo Khadar.

Haddii Chesboardkaan looga adkaado Isbahaysiga Maraykanka ayaa waxaa hadhow hoos u dhac wayn uu ku imanayaa awooddii uu Maraykanku ku lahaa dalalka bariga dhexe, waxaana ay dadka siyaasadaha falanqeeyaa sheegayaan in aanu marayku si fudud isku dhiibayn, taasi oo dad badan ay ka baqayaan in halkaas uu ka dhici karo Dagaalka sadexeaad ee dunida