Saado Cali baroordiiq Finland lowgu Sameeyay

Filed under: Wararka |

Qaar kamid ah Qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida ee reer Finland ayaa maalintii shalay ahayd xus ballaaran oo baroordiiq iyo wax iska wardiin ku Qabtay Dalka Finlland, Xarunta jaaliyadda Puntland Community Ry, dilkii waxashnimo ee Saado Cali lowgu gaystay Magaalada Muqdisho.

Baroordiiqdan ayaa waxaa soo Qaban Qaabiyay qaar kamid ah Gabdhaha Jaaliyadaha Jubbaland iyo Puntland ee Finland.

Xafladda baroordiiqda Aun Marxuumad Abwaanad iyo Xildhibaanad Saado Cali ayaa dhammaan dadkii kasoo qaybgalay in goobta ka hadashay iyo in aan hadlinba waxay Muujiyeen sida ay uga xumaadeen Falkii Waxashnimo dilmeed ee lagu fuliyay Marxuumad Saado oo Lagu yaqiin laguna xasuusto Ruux marwalba u doodi jirtay oo doorkeedii abwaanimo kaga qaybqaadatay u doodidda Soomaalida dulmanayaasha ah ee lagu soo gardaroodo xaqooda.

Waxaana goobta qaar badan intii hadashay ay isku raaceen in Saado ahayd ruuxa sida gaarkaa lowgu xasuusan doono in ay marwalba la jiri jirtay dadka dulinka lagu sameeyo.

Qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha sawirdooda hoos ka eeg
Saado baroordiiq1

Saado baroordiiq2

Saado baroordiiq2

saado baroordiiq3

Saado baroordiiq4

saado baroordiiq7

saado baroordiiq8

Saado baroordiiq9

Saado baroordiiq10

Saado baroordiiq12

saadobaroordiiq

xaliima

baroordiiq15

baroordiiq19

baroordiiq21

baroordiiq saado21