Saado Cali”Laba waa hubtay midna waa ka shaki qabtay in loo dili doon?.

Filed under: Wararka |


Waagacusub.info- Laba habeen ka hor ayey Marxuumad Saado Cali Warsame ii sheegtay inay wado olole ay uga soo horjeedo Kiiska badda Somalia ee Madaxweyne Xasan sida sharci darada u saxiixay ,sida ku cad Warqad la soo gelshay Website-ka UN-ka taas oo ka dhigan qiyaano Qaran.

Saado Cali Warsame oo aan aaminsanahay inaan ahay qofka kaliya ee xogta nolosheeda ka warqabay ama ay sirteeda u sheegi jirtay waxay igu tiri ” Laba ayaan hubaa in la ii dili doono midna waa ka shaki qabaa”?

Saado Cali markaan weydiiyay labada ay hubto in loo dili doono waxay igu tiri ” Arrinta Badda iyo hees aan dhowr sano ka hor qaaday oo garteedii aan ugu dambeyn ku kala kacnay kuwii iga cabanayay oo Odayaal reerkeeyga u dacwooday.

Marxuumada waxaan weydiiyay tan aad ka shaki qabtana maxay tahay ,waxayna iigu jawaabtay “Dhul aan Towfiiq ku leeyahay ayaan dacwadiisa ku jiraa,qoladaasna waa ka shaki qabaa inay waxyeelo iiga timaado.

Dabagalkeeyga hordhaca waxaan ku xaqiijiyay in dilka Saado Cali Warsame wax weyn ka ogyihiin Madaxda dalka iyo Saraakiisha Ciidamadda hasse yeeshee waxaa fuliyay dilkeeda rag laga soo abaabulay Hargeysa ee beesha Muqdisho u dhashay.

Ma ogi hadii uu jiro heshiis u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dilayaasha Muqdisho kaas oo dhigaya inay sheegtaan wixii ay dilaan balse Al-Shabaab wax luga kuma laheyn dilka Saado Cali Warsame.

Kooxda dishay Saado waxaa gaariga u waday nin ilaalo ka ahaan jiray Shirkad ku taal Muqdisho kaas oo ka shaqeeyay Hotel Ambassador ayaamo kooban ,sidoo kalena dilka Saado Cali waxaa loo adeegsaday qoriga loo yaqaan BKM .

Al-Shabaab BKM kuma qaadato gudaha Muqdisho,sidoo kalena uma adeegsato weeraradooda sida la wada ogyahay.

Halka lagu dilay Saado Cali waa xero Ciidan,kuwa dilay waxay wateen gaari nuuciisu yahay kan ay wadatay oo kale,waxay mudo badan rasaas la dabajoogeen Marxuumada laakiin nasiib daro marna Ciidanka Dowladda uma gurman.

Laba saac kadib markii la dilay Saado Cali Warsame waxaan barteeyda Facebook ku qoray magacyada laba ka mida raggii dilay Saado Cali Warsame hasse yeeshee Nabadsugida Dowladda Saraakiil ka tirsan waxay iga codsadeen inaan ka saaro si aysan ragaas u baxsan.

Ma hubo inay dhab tahay in gacan ku dhiigleyaasha la aqoonsaday la soo qaban doono laakiin waa aqbalay inaan jaanis siiyo.

Shaki iigama jiro inaan ugu dambeyn faafin doono xog dhameestirin oo ku saabsan kuwii khaarijiyay Marxuumad Saado hasse ahaatee arrinta xanuunka badan waxay tahay in Saraakiishii ugu sareeysay Dowladda Somalia dilayaan waxgalkii Soomaaliyeed halkii looga fadhiyay inay Caasimadda Nabad ka dhigaan.

Bulshada Xamar ma tashan,mana rumeeysan in amarka xasuuqa Muqdisho uu yahay mid laga soo bixiyay Hargeysa si taswiir cabsi badan looga bixiyo Caasimadda Muqdisho hasse yeeshee waxaa qofkasta oo Reer Muqdisho ah looga baahan yahay inuu isweydiiyo waxa uu dareemi lahaa hadii qof caana sida Saado Cali una dhashay Xamar lagu dilo Laascaanood ama Hargeysa?

Ceebta iyo magac xumada waxaa reer Muqdisho astaan uga dhigay waa dad tira yar oo caada qaatayaala iyo Madax aan damiir Somalinimo laheyn sidaas darteed waxaa muhiima inay tashadaan.

Agaasimaha cusub ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia ninka loo magacaabay Mr Sanbaloolshe wuxuu kulan la yeeshay Odayaasha beesha Hawiye wuxuuna ku yiri ” Hadaadan ka fiirsana waxaad faleeysaa dhiiga Odayaal iyo Xildhibaano badan Muqdisho waa qulquli doonaa”

Odayaasha uu kelmadahaas foosha xun ku yiri waxaa ka mida Abdullahi Geedi Shadoor,Ugaas Abdi Dahir Cagajabeey iyo Mohamed Hassan Xaad sidaas darteed taasi miyaaney aheyn mid Maxkamad lagu saari karo?

Hadii hanjaabada nuucaasa laga aamuso sow ma dhaceyso in maalin walba mid la dilo iyadoo la sii ogyahay inay Al-Shabaab sheegan doonaan.

Dadka lagu dilayo Muqdisho waa qaar Nabadsugida Ethiopia dilaan,waa qaar Kooxda Amniyaatka ruuxaanta ee Damujadiid dilaan,waa qaar Al-Shabaab dilaan ,waa qaar si toosa dilkooda looga soo amro Hargeysa hadana iyadoo la ogyahay laga aamuso.

Hadal iyo dhamaantii dhalinyarada laga soo diray Hargeysa iyo Burco kii ugu horeeyay Muqdisho ayuu ka soo muuqan doonaa saacado gudahood,intaan xog ku helay inshaa allaah?

By Dahir Alasow