Sadex Ballanqaad ee Cali Xaaji: In aannu Isa Soo Sharaxayn 4 Sano Kadib, In aannu Hantida Qaranka Xadi Doonin, In Aannu Xukun Boob Noqon Doonin ee Uu Dastuur Illaaliye Noqon Doono (Qormo Gaaban)

Filed under: Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Inkastoo 16 Musharax ee illaa hadda jeediyay khudbadahooda ay dhammaantood qorshe siyaasadeed wanaagsan soo bandhigeen hadana Cali Xaaji ayaa kaga qaaday Musharaxiinta kale 3 Arrimood oo Madaxdii hore ay dabeecad u lahaayeen ayuu Cali ballanqaaday in uu isbadel ku samayn doono.

1) Inta badan madaxda Soomaalida ayaa awoodda saara sidii ay doorashada danbe usoo noqon lahaayeen taasi oo meesha ka saarta in shacabka loo adeego, Cali Xaaji ayaa ballanqaaday si arrinkaas meesha uu uga baxo in haddii isaga la doorto uu ballanqaadayo in uunan 4 sano kadib isa soo sharaxayn si kastoo hawluhu u macaanaadaan.

2) Cali Xaaji ayaa ballanqaaday in uunan hungariyayn doonin hantida dadka masaakiintaa ee Soomaalida ay ku aamineen, isla markaasna uunan shacabka u kala eexan doonin.

3) Cali Xaaji ayaa sheegay in shaqada Madaxwaynaha ay tahay in uu dusha ka illaalinayo hay’adaha dawladda ee kala duwan iyo waliba dastuurka, halka madaxda Soomaalida lagu yaqaan xukun maroorsi iyo kaligi talisnimo.

P/O oo muddo dheer arrimaha dawlad wanaagga fallanqayn ku waday ayaa billadda koobaad siinaysa Musharax Calu Xaaji marka loo eego illaa hadda musharaxiinta fikirkooda siyaasadeed soo jeediyay .

One Response to Sadex Ballanqaad ee Cali Xaaji: In aannu Isa Soo Sharaxayn 4 Sano Kadib, In aannu Hantida Qaranka Xadi Doonin, In Aannu Xukun Boob Noqon Doonin ee Uu Dastuur Illaaliye Noqon Doono (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Sadex Ballanqaad ee Cali Xaaji: In aannu Isa Soo Sharaxayn 4 Sano Kadib, In aannu Hantida Qaranka Xadi Doonin, In Aannu Xukun Boob Noqon Doonin ee Uu Dastuur Illaaliye Noqon Doono (Qormo Gaaban) - Daily Somalia Report