Safarka Ugu Horeeya ee Madaxwayne Farmaajo iyo Fallanqayn

Filed under: Important News,Wararka |

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Madaxwayne Farmaajo uu casuumad ka hellay boqortooyada sacuudiga.

Goobaha fadhi-kudirirka ayaa marka siyaasadda Soomaaliya laguu fallanqaynayo waxaa la isku raacay in aynan Soomaaliya baryahaan wax natiijo ah kasoo naascadayn isla markaasna aynan dadku la socon ee Soomaaliya xili hore la qabsaday.
Qolada soomaaliya xiliga hore qabsatay baa soo huwada boqol shaar iyo Soomaalidii oo uu hadda dillooday shaki.

Wiki-leaks ayaa sheegay in uu sacuudigu in muddo ahba qorshaynayay oo ka shaqaynayay sidii soomaaliya Ethiopia loo hoos gayn lahaa

Maadaama Soomaaliya lagu sheegay in uu Batroolka ugu badan ceegaago isla markaana ay goob istaraajiya ku taal hadana ay dadkeedu firfircoon yihiin, waliab baryahaan ay kasoo naas cadahay doorasho xora.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dalkaas xoog ku haysta mana jecla dalalka dariska in ay dimoqraadiyad iyo doorashooyin xora ka dhacaan oo waxay ka baqayaan in dadkoodu ku daydaan oo ku kacaan.

Arrimahaas ayaa la tuhusanyahay in ay boqortooyadu Soomaalida ku diideen.