Sakariya Cali Xaaji Afhayeenka Dhalinyarada Gobalka Bari, kadib markii uu beesha Maxamuud Saleebaan eedeeyay la waydiiyay Cali Saleebaan wuxuu haystaa Wasiirka Maaliyadda (Dhegeyso waraysi Xasaasiya)

Filed under: Important News,Wararka |

Madasha 1960 ayaa waraysatay Afhayeenka Dhalinyarada ee Gobalka Bari Sakariye Cali Xaaji oo aad u taageersan kacdoonka Cabdisamad Gallan.

Afhayeenka ayaa qabyaalad aad uga hadlay oo sheegay in uu dagaalkii billaaban doonno.
Sakariye ayaa sheegay in Beesha Maxamuud Saleenaab ay dhibaato ku hayaan shacabka reer Bari iyo Soomaaliwayn oo dhan.
CabdiWali Gaas wuxuu Kornayl ka dhigayaa nin Geela raaci jiray.

Xabaduu Saacadaha soo socda ayay billaabanaysaa.

Dhallinyaradii jaamacadah ka qalan jabiyay oo shiraysa ayaa Hoteelki ay ku shirayeen lagu weeraray.

Dhalin yaradaan waxay ka kaceen Mooryaanta askartaa ee dhaqanka xun.

Marabno in aan Puntland ka go’no ee waxaan diidanahay in maamulku naga dhexeeyo oo aanad waxwalba qaadan, mana rabo in ay aniga ii hadlaan.

Qoloyinka ku eedeeya in Gallan uu la shaqeeyo Damjadiid, hadaan runta kuu sheego nimanka Villa Soomaaliya ka buuxa ee intaas la shiraya Hawiye waa Maxamuud saleebaan, Cumar Cabdirshiid yuu yahay, Gaa waa ayo, kuli waa Maxamuud Salleebaan.

Mar la waydiiyay, Cali Saleebaan Muddo dheer wuxuu haystay Jagadii ugu muhimsanayd Puntland ee Wasiirka Maaliyadda, iyo Xildhibaano badan, iyo Maal Galin Gobalka Bari sida Dekadda iyo Ayraboorka oo Gobalka Bari laga dhisay oo aynan Gobalada kale nasiib u helin.

Afhayeenka ayay su’aashaasi ku noqotay wax aan jawaab fiican meelna looga heli karin, kana jawaabi waayay.

Mar la waydiiyay haddii si fiican loo xisaabtamo amaad sad dheeriya iyo Xildhibaano dheeriya Haysataan Hadii si fiican loo xisaabtamo, waayo Beesha Cali Saleebaan waxay Puntland ku leeyihiin 3 Xidlhibaan halka Cumar Maxamuud ku leeyahay 4 Xildhibaan.

Hoos ka dhegeyso waraysiga.

Isku soo duub DAMJADIID AYAA SI FIICAN GOOL UGA DHALIYAY PUNTLAND, ISLA MARKAANA WAXAA BANAANKA TIMID SIDA AY U FUDUDAHAY IN REER PUNTLAND SI FUDUD LOO KALA JABIYO

2 Responses to Sakariya Cali Xaaji Afhayeenka Dhalinyarada Gobalka Bari, kadib markii uu beesha Maxamuud Saleebaan eedeeyay la waydiiyay Cali Saleebaan wuxuu haystaa Wasiirka Maaliyadda (Dhegeyso waraysi Xasaasiya)