Salaadaha Dhulalka Ferenjiga

Filed under: Aqoon-kororsi,Carruurta,Taqwada,Wararka |

A Cali Nuur

Salaadaha Dhulalka Ferenjiga

Maax – waa oday Soomaaliyeed. Markii dalka Soomaaliya dagaallada iyo kabtay-ma-aragtay ka dhacday ayuu hayrafkii ku yimid waddan ka mid ah waddammada Yurubta Galbeed.

Maax waqtiga uu Yurub yimi wuxuu ahaa da’ dhexaad, imminkase wuxuu u janjeersaday qorrax-u-dhac ama waayeelnimo. Maax inta uu qurbaha joogey wuxuu guursaday afadiisii koowaad, waxaana isla qurbaha ugu dhashay 4 carruur ah, labo wiil iyo labo hablood. Maax qurbaha wuxuu kala kulmay xaalado badan oo ku cusub nolashiisa. Maax wuxuu shaqada iyo duruufta Yurub la baaxaddego, runtii ah bad aad uga geddisan tii uu ku dabaal bartay ama loo tababbaray nolasheeda. Maax wuxuu hadba xaal ku foognaato hawshuna ku noqtay baabaxoo degey ama keligi-u-taagane, waxay nafi ku khasabtay in uu u laylyamo hawsha joogtada ama ma-dhammaatada ah. Wuxuu laasimey in uu in kooban maalin kasta ku wareego sidii dibigii macsarada shiidayay. Maax wuxuu caan ku ahaa toobad-jacayl, hase yeeshee waddanka uu yimi maaha mid saacidda cibaadadiisa ama maaha dal Muslim ah.

Si kastaba ha ahaatee, Maax wuxuu ku yotorsaday salaadda waxaana isla ooga isaga iyo labadiisa wiil. Salaadda inta badan guriga ayaa lagu tukadaa, waayo masaajidku uma dhowa ama lamaba haleelo. Maax inta badan salaadda wuxuu gudo galaa isaga oo degdegsan oo hawli ku taagan tahay ama ballan uu lahaa waqtigeedii la joogo. Taasu waxay kalliftaa in uu sahwiyo ama garan waayo inta ragcadood uu tukaday. Markii talo ku caddaato wuxuu miciinsadaa labada sujuudood ee sujuudda sahwiga. Labadaa sujuudood waxay u noqdeen garab uu ku saxo khaladkiisa joogtada ah ee salaadda dhexdeeda.

Maalintii dambe ayaa Maax iyo labadiisii wiil waxaa la yimi masaajidka, waxaynna dadkii la tukadeen salaad markaa soo galaysay. Iimaamku isagu waa khayr-qabe ma sahwiyin. Sidaa darteed looma baahna labadii sujuudood oo reer Maax dhaqanka u noqotay. Markii salaaddii laga baxay ayaa labada wiil kii yaraa wuxuu tebey labadii sujuudood in ay maanta maqanyihiin. Oday Maax oo uu dhinac fadhiyey ayaa wiilkii yaraa aabbihii xasuusiyey in khalad jiro oo salaadda labadaa sujuudod ka maqanyihiin. Inta aan oday Maax jawaabin ayaa wiilkii weynaa hadalkii boobay oo ku yiri: ”Labadaas sujuudood waa marka guriga la joogo”. Ogow labada wiil iskuma khilaafsana maqnaashaha sujuudaha. Waxa keliya oo ay isku khilaafsanyihiin waa meesha lagu sameeyo. Oday Maax arag in wax uu sahashaday dhinac kale dhib keeneen. Wuu soo dhexgalay carruurtii sida wax yihiin oo ah in sujuudahan markii salaadda dhexdeeda khalad yimaado lagu saxo ayuu carruurtiisa u sheegey. Taas wiilashii kama garaabin. Waxay aabbahood weyddiiyeen, “Innagu miyaynnu mar kasta khaldannaa?” Oday Maax taas jawaab uma hayo. Maalintaa iyo wixii ka dambeeyey wuxuu oday Maax go’aansaday, marka isaga iyo wiilashu ay wada joogaan, in wiilka weyni tujiyo kuna adkeeyo in uu salaadda saxo.

Wiilka yari salaaddii wuu saxay. Waxaa soo baxday labo cilladood oo kala ah:

  1. Odaygu mar kasta oo ay salaadda gelayaan wuxuu wiilka xasuusiyaa in uusan khaldamin oo saladda saxo. Wiilkii wuxuu yiri: “Hawraarsan, aabbe! Sow xalkii ma jiro ahaa in laba sujuudod lagu xallin karo wixii khaldama?”
  2. Wiilkii wuxuu caado ka dhigtey salaad kasta in uu Faataxada ku tukado, kaddib Ragcadda hore Qulhuwalle, Ragcadda labaadna Walcasri. Oday Maax ayaa wiilkiisa ku canaantay, ”Miyaadan horta Aayado iyo Suurado kale aqoonnin?” Labadii wiil inta yaabeen ayay aabbahood ku soo celiyeen, ”Ma Suurado kale ayaa lagu tukadaa?” Odaygii oo yaabban oo is leh Quraanka oo dhan Suraddii la doono iyo Ayaaddii la doono ayaa lagu tukadaa. Maax waxaa loo sheegey intay la tukanayeen iyo intay maqlayeen isaga oo tukanaya in uu ku tukanayay labadaa Suuradood.

Maxaynnu sheekadan ka baran karraa?

  1. Waa in aynnu ogaanno carruurta in aynnu macallin u nahay. Maaddaama waalid ay jecel yihiin nahay, waxay aamminsan yihiin dadka adduunka ugu fiican in aynnu nahay, wax aynnu sameeynno ama ku hadallo yihiin waxa ugu fiican.
  2. Bani’aadanku wuu khaldamaa, waa in se khaladkaasi aanu joogto kuu noqonnin. Ogsoonow, oo ha caadeeysan! Haddaad caadeeysato waxaa jira dad aad indho u tahay oo inta khalad aad banneeysato in ka badan banneeysanaya.
  3. In aad mar kasta xal u hesho khaladyadaada oo aad durbadiiba saxdid.
  4. Adkeeynta la adkeeyey in raggu uu masaajiddada ku tukado, waxay tahay in ay wada tukadaan oo isa saxaan oo haddii iimaamku gefo mid geeskaas ka yiraahdo, ”Subxaanallaah!”

Maxaa dumarka loo yiri guriga ha ku tukadaan, sow iyaguba khaldimaayaan oo uma baahna in ay is toosiyaan? Cilmibbaaris la sameeyey ayaa sheegaysa in dumarka iyo ragga ay shaqada ku kala duwan yihiin, marka gacanta lagu hayo. Dumarku aad ayay u xiiseeyaan shaqada marka ay gacanta ku hayaan meel kalena kama fekeraan shaqadaa mooyaane, ama inta raggu ka fekerayo shaqadaa wax ka baxsan dumarku kama fekeraan.

Raggu wuxuu xiiseeyaa curin iyo doonis wax cusub ama waxaa ku jira talan badan. Waa sababta saynisyahannadu rag u wada yihiin ama ugu badan yihiin. Dumarku waxay ka helaan dhammeeystirka shaqada ay hayaan iyo waliba qurxinteeda. Waa sababta shaqooyinka caadiga ah markaad joogto Galbeedka ay dumarku ugu badan yihiin. Dumarku duruuf maahee, shaqada sahal ugama tagaan. Ragguse waa xiiso badan yahay, carrogeddiskana laguma soo gaaro.

Xataa shaqooyinka suuqa Soomaaliya yaalla ee nolosha lagu maareeyo waxaa u badan dumarka. Waxaad arkaysaa dumar badan oo shaqooyin kala duwan haya maalin kastana u soo taagan.

Waxaase nasiibdarro ah ragga Soomaaliyeed in ayan ku maqnayn curin wax cusub ee in badan oo ka mid ah balwad ku maqan yihiin. Waxaa jirta caro ku garoodhay hablaha Soomaaliyeed, taas oo aan wali afkooda soo marin oo runtii ah murugo ay ka qabaan raggooda oo badankiis waxba ku toornayn.

Hal mar ayaad arkaysaa dumarka Soomaaliyeed iyaga oo raggooda ku faraxsan. Waa marka uu dagaal jiro oo ay arkayaan raggoodi oo hubka qaatay oo cadow hadduu u yimaado oo dhibaato u geeysan lahaa ka hortagaya, ha ahaado cadow si ay u haystaan ah ama cadow cadow looga dhigay. Maalintaa si fiican ayay dumarka u mashxaradaan waana maalinta jarcadu ka fuqto oo arkaan raggoodii oo shaqo ka mid ah shaqooyinkooda qabsanaya ama kaga beegan.

Wayska xaal adduun!

Cabdishakuur Cali Nuur