Sariikasha Buuhoodle oo dhaliilay kaalinta Madaxwayne Gaas isla markaana hadalada Cali Khaliif ee Buuhoodle ku tilmaamay in Somaliland loo yeeranayo

Filed under: Important News,Wararka |

Dad badan baa aaminsan in Cli Khaliif uu in muddo ah hab hoose oo siyaaasadaysan uu kula shaqaynayay Shirkadaha Shidaalka Booba iyo Somaliland dabadeedna ay kaalinta Cali Khaliif ahayd sidii beesha dhulbahante looga dhexsaari lahaa beelaha kale Daaroodka gaar ahaan Majeerteen.

Kooxaha Cali Khaliif ayaa taga deegaano nabada oo shirar ku qabta,waxayna dadka deegaanka ka dhaadhiciyaan waxaa idin soo weeraraya SSd, ama SSDF iyo SNM, wax yar kadib waxaa deegaankii qabsanaya Soomaaliland iyadoo aannu wax dagaala kadhicin, cidna aynan wax ku noqon.

Hadana Cali saas ku hari mayo ee tuulo kale ayuu shir ku qabanayaa waxaanu uu samaynayaa isla sidii, waxaana qabsanya Soomaaliland.

Dhanka kalena Beesha Bahhararasame ee Cali Kasoo jeeddo ayaa ah Ciidamada Soomaaliland ee tuulooyinkaas Qabsanaya, websaytyada Khaatumo badankoodana waxaa leh Beesha Cali kasoo jeedo ee Bahararsame

Goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen baad mooddaa in shacabkii soo fahmayaan hadda.
Kooxaha Cali taageera ee Qurbaha ayaa qaarkood qaban qaabiyaan Xaflad Khaatumo ah oo markaas lagu Casumayo Awdal iyo Galmudug isla amrkaana aan la ogalayn Puntland.

Arrimahaas oo dhan ayaa dad badan u fasiraan Istaraajiyadaha fog ee uu cali ku dagaalamo.
Cali wax ciidana ma sameeyo, marka laga reebo Websaytyada Kalshaale, Horufadhi, Jidbaale oo uu cali Ku daabaco SSDF baa ina soo weeraraya

Waxaana uguba darnayd in maalmahaan uu kooxaha Qurbaha ee Cali taageera ay qabanqaabiyaan Xaflado Khaatumo lagu taageerayo, oo la casumayo Galmudug iyo Awdal Puntland-na la fogaynayo.

Waxaa hadda ay Shacabka Buuhoodle go’aansadeen in ay deegaanadooda difaacaan iyadoo meesha wax siyaasada laga saarayo

Dhanka kalena Maamulka Puntland ee Ethiopia Laga xukumo ayaa haddii laga dareemo wax dhaqdhaqaaq ciidana looga yeeraa Addis ababa, waxaanad mooddaa in ay iska dhagatirayaan waxa ka socda deegaanada Buuhoodle

Hoos ka daawo reer Buuhoodle oo arrimaha kore cadeeyay