(SAWIRO) Jaaliyada Jubbaland ee Finland oo Qado Sharaf u Sameysay Xildhibaan Abdibare Jibriil‏

Filed under: Wararka |

Jaaliyada Jubbaland ee Finland oo Qado Sharaf Si Heer sare Loo Soo Agaasimay u Sameysay Xildhibaan Cabdibare Jibriil iyo Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland Mudane Cabdifataax Jaamac Janagale iyo Gudoomiyaha Dalada Midowga Puntland ee Finland Mudane Cabdiqani Ducaalei iyo aqoonyahano reer jubaland iyo Puntland waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay Jaaliyada Reer Hiiraan Ugaas Cabdirisaaq Cali Faarax iyo Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada DDS ee SEDYO Yuusuf Axmed Maxamuud waxaa…na Qadadaas Lagu Qabtay Hoteelka Weyn ee Hilton ee Magaalada Helsinki .

Gudoomiyaha Jaaliyada Jubbaland ee Finland Mudane Deeq Osmaan Gurxan waa Aqoonyahan Bartay Xiriirka Caalamiga (International Relations) kana tirsan Golaha deegaanka Magaalada Helsinki Finland Xisbiga SDP ayaa Xildhibaankii iyo Marti sharafkii kasoo Qeybgalay qadada kusoo Dhaweeyey Hadal Gaabana halkaas ka jeediyey aqoon yahan Gurxan ayaa ku tilmaamay cabdibaree geesi wadani ah dalkana wax weyn u qabtay isagoo hormuud u noqday la dagaalanka musuqmaasuqa.

Xildhibaanka Ayaa Khudbad dheer u jeediyey isagoo ka hadalay baahida Soomaalidu in Qurba-joogto dalka dib ugu soo laabataan,sidoo kale Xildhibaan Abdi-barre Ayaa ka warbixiyey xaalada Dalka isagoo tibaaxay in baahi loo qabo hogaan caadil ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in isagu uu aamin sanyahay midnimo soomaaliyeed iyo wada jir in dalku halkuu maanta yaala laga qaado oo qofkastoo soomaaliyeed oo qaan gaara xilka saaran yahay samata bixinta qaranka soomaaliyeed ee halista kujira

Waxaa sidoo kale ka hadlay Xaflada Qado sharafta ahayd, aqoonyahano,waxgarad,haween iyo dhalinyarada ku nool Finland gaar ahaan Helsinki
Dadkii halkaas ka hadlay Ayaa dhamaan muujiyey dareen Soomaalinimo iyo in isku tanaasul la sameeyo kuna booriyey siyaasiyiinta Soomaalida in Soomaaliya ay cagta u Saaraan wadada Horumarka iyo Samato-bixinta.

Ugu danbeyntii Xildhibaan Abdi-barre Ayaa u Mahad celiyey dhamaan Jaaliayada Reer Jubbaland ee Finland

Intaas ka dib Xildhibaan Cabdibare Jibriil ayaa loo sii galbiyey Airporka

Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland Mudane Deeq Cismaan Gurxan iyo Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland Mudane Janagale iyo Gudoomiyaha Dalada Cabdiqani iyo xubno kale kusii Sagootiyey Airporka Helsinki.