(SAWIRO) Xildhibaan Abdibarre oo la kulmay jaaliyadaha Soomaalida ee dagan Finland‏

Filed under: Wararka |

Kulan aad u balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Dalada midawga Ururada Puntland ayaa waxaa marti u ahaa xildhibaan aad looga yaqaan dalka iyo dibadaba waa Abdibare Jibriil oo booqosho kuyimid dalkan finaland. kulankan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaan,ururada kala duwan ee soomaaliyeed oo u adeega bushada dadka halkaan dagan iyo dalkiiba. looma kala harin lakulanka iyo soo dhawaynta xildhibaan Bare maadaama uu yahay xildhibaan qaran xildhibaanaduna ay utaagan yihiin danaha guud ee soomaaliya.

Gudoomiyaha qabanqaabada soo dhaweynta xildhibaanka Haashim Xirsi ayaa xildhibaankaku soo dhaweeyey madasha shirka qudbad qiimo badana ka jeediyey halkaas kuna amaanay xildhibaanka.

Furitaanka kulanka waxaa lahaa oo furay wakiilka Dawlada Puntland u fadhiya Finland, ahna lataliyaha Dalada Puntlnad mudane Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac Jannaggale, waxaa kadib hadalkii qaatay, Gudoomiyaha Dalada Midawga ururada Puntland ee Finland mudane Cabdigani Axmed Ducaale, waxay labada masuul uuga xogwarameen jaaliyadaha Finland ku nool guud ahaan, islamarkaana waxay ku soo dhaweeyeen xildhibaan Cabdibarre Jibril in uu halkan uugu yimid bulsho soomaaliyeed oo isku duuban taageersan isaga jecelna in ay xog kahelaan xalada dalkoodii hooyo oo ay u hilawsan yihiin madaama qofkastoo dunida kunooli uu qiimo ku leeyahay iyo sharafba dalkiisa hooyo oo wax loo dhigaa jirin oo badalkiisa ah.

Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland Mudane Deeq Osman Gurhan ayaa isagana dhankiisa ka soo dhaweeyey xildhibaanka warbixin dheerna ka siiyey jaaliyada jubaland ee finland wuxuuna uga mahad celiyey in booqashadii uu xildhibaanku ku yimid Finland .Sidoo kale waxaa madasha shirka ka hadlay afhayeenka Dalada Puntland Asad Caalim oo sii diiran usoo dhaweeyey xildhibaan bare kuna amaanay somalinimada iyo xilkasnimadii uu ka muujiyey baarlamaanka somaliya uuna yahay shaqsi ku dayasho mudan.

Xildhibaan Bare oo hadalkii qaatay ayaa yiri sidan”Waxaan ugu horayn idiin dardaarmayaa midnimo,isku duubni iskaashi guduhiina ah waxaana iiga kiin muuqda wada jir ee sii xoojiya oo ogaada waxaad tihiin dad isku diir ah isku diin ah isku dhaqan ah isku dhalasha wada ah oo soomaali baa tihiin, cidkastoo isku dayda in ay idin kala qoqobaan ogaada waa cid aan rabin jiritaankiina soomaaliyeed” Mudane xildhibaan Bare oo khudbadiisii qiimaha lahayd aan halkaan lagu soo koobi karin ayaa ka ilmaysiiyay mudanayaashii iyo marwooyinkii iyo dhalinyaradii halkaa isugu timid. waxaa kamid ahaa hadaladiisii dhaxal galka ahaa xildhibaan Abdibare” laba arimood walaalayaal ogaada,halkan dalkan aad ku nooshihiin kulanoolaada si nabad galyo ah ilaaliya shuruucdiisa iyo magaca soomaaliyeed,islamarkaana ku dadaala sidii aad caruurtiina ugaarsiin lahaydeen tacliin sare si ay halkan wax uuga noqdaan barina dalkoodii iyagoo dhisan,

Arinta labaad waa dadka halkan ka tagaya oo dalkii u aadaya shaqada haka digtoonaadeen arimaha musuqmaasuqa dalkeena la haray oo dadka gaarsiiya waxaad halkaan ku aragtaan ama kabarateen oo ah in aan dadkaaga iyo dalkaaga la khaa imin oo aan la musuqmaasuqin,waxaad gaysaan dalkii ladagaalanka musuqmaasuqa tusa daacad u shaqaynta iyo wadaniyada sida dalkan aad joogtaan oo ah wadamada caalamka uugu musuqmaasuqa yar ama aanuba ka jirin aad ku aragtaanba”.

Xildhibaanka oo hadalkii ku dheeraaday ayaa sheegay in isagu uu aamin sanyahay midnimo soomaaliyeed iyo wada jir in dalku halkuu maanta yaala laga qaado oo qofkastoo soomaaliyeed oo qaan gaara xilka saaran yahay samata bixinta qaranka soomaaliyeed ee halista kujira.waxaan idiin sheegayaa in aad iga daawateen dacalada dunida warbaahinta anoo ahaa xubin baarlamaan oo firfircoon walaalayaal waxaad ogaataan anigu madaxwayne kama soo horjeedin iyo shaqsi soomaaliyeed cidii uu doono hanoqdee.cidna sida raysalwasaare gaar uma taageeraynin ee waxaan difaacayay oo kaliya aragtidayda siyaasadeed iyo dastuurka wadanka leeyahay oo aan u arkayay in ay badbaado u tahay dalka iyo dadka.madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha waa dad shaqaale ah oo bariba labadali karo laakiin dhaawac siyaasadeed oo qaranka gaaraa masahlana sida looga kabto ana taasaan utaagnaa oo aan u arkaa in aan sax ahay ilaa hada. maxaayeelay balantaan u qaaday shacabka soomaaliyeed oo aan umatalayaa waxay tahay in aan ilaaliyo danaha dadka iyo dalka soomaaliyeed dawna maha xildhibaan shacabkii waxay ku aamineen khiyaamay oo difaaci waayay isagoo dano gaara fiirsanaya.

Runtii gafbay ahayd in baarlamaan ka soomaaliyeed loogafo oo dadkii oo dhan laga dhigo dad ama baarlamaan laaluushqaate ah arintaasi waa ceeb kuwajahan gaar ahaan baarlamaanka guud ahaana soomaali waana wax laga xumaado waayo aqoon yahano dad wadani ah iyo kuwo daacad ah oo sharafleh waa buuxaan baarlamanka waa dhici kartaa shaqsiyaad khalad sameeya balse maha in baarlamaanka sidaa loogu gafo oo loo ceebeeyo.

Walaalayaal anigu shaqsi iyo gobol gaara midna duulaan kuma ihi balse nina kayeelimaayo inaan ka haro waxaan xaqa u leeyahay oo ah difaacida dalkayga iyo dadkayga hadaynaan sidaa yeelina soomaaliyeey ogaada dalkeenu hormarmagaarayo iyo nabad. shaqsi inaad jeclaato iyo inaad nacdo waxba caawin mayso waxaa wax tar ah inaad marwalba ka fakarto danta dalka iyo dadka soomaaliyeed ayuu yiri xildhibaan bare oo halkaa aad lagu sacabiyay dadkiina ay ku raalinoqdeen fikirka saliimka ah ee wadaniyada xanbaarsan ee xildhibaanka runtiina waa arin lagu farxo in lahelo rag sidaan oo kale ah waana arin dadkii rajo fiican ku abuurtay.

Su’aalo halkaa lagu waydiiyay xildhibaanka ayuu si waafiya uuga jawaabay kulankiina waxa uu ku soo dhamaaday dareen wadaniyadeed oo dadkii qaadeen iyo masuuliyada dalka oo saaran dadka soomaaliyeed dal iyo dibadba in qofwalbaa maanta u hiiliyo dalkii sidii loo samato bixin lahaa oo aan ku heli lahayn amaan buuxa iyo kala danbayn si aynu uugu raaxaysano dalkaa quruxda badan ee ilaahay ina siiyay ee qaniga ah. jaaliyada soomaaliyeed waxay aad uugu mahad celisay xildhibaan Bare.