(Sawirro):- Musharaxnimada Xildhibaanimo ee Yaasiin Cabdi Seed Oo Gaalkacyo laga taageeray

Filed under: Wararka |

Kulan lagu taageerayo in mar kale Xildhibaan loo doorto Yaasiin Cabdi Seed oo shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana kulanka soo qaban qaabiyey dhallinyarada Gobolka Mudug.
Kulanka ayaa laga sheegay in Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed uu mudan yahay in mar kale 2016 uu ka mid noqdo aqalka hoose ee xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelanayso.
Kulanka waxaa ka qaybgalay dhallinyaro, Odayaal, haween iyo bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana cod dheer lagu taageeray musharaxnimada Xildhibaanimo ee Yaasiin Cabdi Seed.
Yaasiin Cabdi Seed waa mudane Puntland gaar ahaan gobolka Mudug kasoo jeeda, waxaana sanadihii uu xildhibaanka ahaa lagu bartay naqdinta iyo ka hor imaatinka aragtida kooxda Damu-jadiid ee Villa Soomaaliya, sidoo kalena waa Xildhibaan aad u difaaca danaha reer Puntland.
yaasiin cabdi Seed6

yaasiin cabdi Seed5

yaasiin cabdi Seed4

yaasiin cabdi Seed3

yaasiin cabdi Seed2

yaasiin cabdi Seed

yaasiin cabdi Seed8