Sawirro: olole Ballaaran oo Qashin aruurin ah oo laga fuliyay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu

Filed under: Important News,Wararka |

caluula
Dawlada Hoose ee Degmada Caluula ayaa maanta olole Ballaaran oo Qashin
aruurin ah ka Fulisay Degaano ka tirsan Degmada Caluula sida magaalada
xaabo

Ololahan oo ujeedadiisu ahayd sidii dib loogu nadiifin lahaa Gudaha
Magaalooyinka iyo Banaankooda si ‎ay mar kale u soo muuqato Bilicdii
ay lahaayeen magaalooyinku , ayaa waxaa ka qayb galay maamulka degmada
oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha degmada Caluula , ku xigeenkiisa iyo
xoghaya Dawlada Hoose ee degmada caluula , ururada haweeenka ,
dhalinyarada, ciidanka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada
waxaana ololahani uu ahaa mid si ‎weyn loo soo abaabulay

ololahan qashin uruurinta ayaa lagu nadiifiyay Xaafadaha, wadooyinka
iyo suuqyada iyo xeebta Magaalada xaabo.

xog hayaha Dawlada Hoose ee Degmada Caluula Mudane cawil siciid
maxamed ayaa si weyn u boggaadiyey shaqada la qabtay ee nadaafada
,wuxuuna amaan u jeediyey dhamaan qaybaha bulshada ee kala
qeybqaadanayey ololahan.

odayaasha iyo waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa
sheegay inay ku faraxsanyihiin soona dhawaynaayaan Ololahan
nadaafadeed ee Iskaa Wax u Qabsada Ah ee u qaaday maamulka dowladda
hoose ee Degmada Caluula isla markaana Ay Muhiim Tahay In Nadaafada
Laga Shaqeeyo.
2

3

4

5

6

7

One Response to Sawirro: olole Ballaaran oo Qashin aruurin ah oo laga fuliyay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu

  1. Pingback: Sawirro: olole Ballaaran oo Qashin aruurin ah oo laga fuliyay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu - Daily Somalia Report