Saxaafadda Cali Khaliif u shaqayn Jirtay oo lala yaabanyahay Ciday U shaqeeyaan (Akhri Warbixinno Cadaymo wata)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Inkastoo maanta badida Jiilka Soomaalida ee nool ay aad u aragti gaabanyihiin, ayaa hadana Qolooyinka Websayada Furtay aad ka yaabaysaa waxa ay Qorayaan, iyo Arragti gaabnidooda.

Qolooyinka U shaqayn Jiray Saxaafadda Cali Khaliif Galaydh ayaa hadda intii Yarayd ee Dagaalkii Qorilay uu dhacay si fiican banaanka ugu soo baxday cidda ay Yihiin iyo Aragti Gaabnidooda.

Haddii ay dad ehela oo deegaan wada degga oo Muslim ah, oo Soomaali isla ah ay is dagaaleen oo Colaadi kala gaadhay waxaa qofwalba oo damiir kihi ay Masuukiyad ka saarantahay ka qayb qaadashada daminta colaadaas.

Waxaase aad arkaysaa Qolooyinkii Saxaafadda Cali Khaliif Galaydh u shaqayn jiray oo hadda aad ugu faraxsan Colaadaan iyo Buunbuuninteeda, waxayna jeclaan lahaayeen in Dagaalkaas oo noqdo mid wayn.

Waxaase ugu cajiibsanaa marka ay soo qoreen Odaygii Baashe ee Feerka lagu daandaanshay oo Burco Isbitaal ku yaal la seexiyay marka Ciidamada Soomaaliland ka diideen in ay Dagaalka Qorilay ka Qayb qaataan.

Wararkaan ay buunbuuniyaan Saxaafadda Cali Khaliif ayaa ah dhamaantood warar kutiri ku teenna oo ruux Qayilsan isaga riyooday, ama Kooxo dadka Jaahwareeriyaa ay alifeen.

Halkaan ka akhrisi Qoraalkaas.

Khilaaf soo kala dhexgalay maleeshiyaadka S-Land iyo Baashe Maxamed Cadde.

Baashe Maxamed Cadde oo dhawanahan ku sugnaa deegaanka Karinta oo maleeshiyaadka Somaliland joogeen ayaa la sheegay inuu ka cadhooday horjoogayaasha maamulka Siilaanyo u qaabilsan maleeshiyaadka beesha Isaaq ee dulaanka ah.
Baashe Maxamed ayaa u yimid halkaas inuu maleeshiyaadkan Sland ku tir tirsiiyo inay jiida dagaaka tagaan cidamada Puntland ee caawinaya maleeshiyaad beeleedkana ay la dagaal galaan, balse waxa halkaas kala kulma wuxuusan fileeyn, waxaana lagu yidhi ” Ciidankayagu amar uma qabo inuu xabad ku rido Puntland , balse Khaatumo haa”, Baashe ayaa weydiiyey inay sheegtaan deeganadan oo ay dhahaan waan xukunkaa , dadka shacabka ahna aysan ka daafaceyn Tiknikada PL, waxayse u sheegeen in amarkaas Hargaysa laga siiyey, Baashe oo xanaaqsan ayaa la hadlay magalaada Hargaysa waxaana lagu yidhi” Ciidanku amar uma haystaan inay Buntland la dagaalamaan”, Baashe ayaa ugu danbeeyntii maleeshiyaadkii u sheegay inay ka noqdaan karin” Dalkooda uga baxa, ma inaad dhabarjabisaan baad u joogtaan halkan”, waxaana arintan horufadhi u xaqiijiyey cuqaal reer Karin dabayl weyn ah oo arinta goobjooge ka ahaa.
Xubno Kalabaydh ka soojeeda ayaa Aaminsana in Somaliland ay wax uga tarayso dagaalka Buntland iyo beeshooda ay kula jiraan dadka reer Qoriley, taasoo shalay si weyn u cadaatay, waxana ugu danbeyntii maleeshiyaadkii lagu soo ceshay fadhiisimadoodii Laascaanood.
Baashe Maxamed Faarax ayaa deg deg dib ugu soo laabtay dhanka Hargaysa, balse markuu marayey Burco ayaa dhiigu ku karay, wuxuun hada yaalaa cusbitaal Burco, warkiisii ugu danbeeyey waxa laga sheegay inuu iscasilayo sida ugu dakhasaha badan.
Odey goobjooge ah ayaa horufadhi u sheegay in wakhtigii doodu socotay ay telefoon ku wada hadlayeen saraakiishii Maygaaglleyaal ka dagaalamaysay ee Puntland iyo kuwa Somaliland ee karinta joogey, ayagoo taak taako ugu sheegayey horumarada dagaalka iyo khasaaraha gaadhayba.
Arinta ayaa daaha ka qaaday wejiga dhabta ah ee labada maamul oo dad badan ogaayeen balse laga yaabo in dad reer Kalabaydh ahi aysan ogeyn iyo kuwa Laascaanood joogaaba.
Horufadhi.com@gmail.com

One Response to Saxaafadda Cali Khaliif u shaqayn Jirtay oo lala yaabanyahay Ciday U shaqeeyaan (Akhri Warbixinno Cadaymo wata)