Shabaab Iyo Daacish Hannaankii Looga Takhalusilahaa (Talo Kusocota DFS Iyo Cabdiwali Gaas)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |
  1. Dawladda Federaalka iyo maamul Gobaleedyadu in ay Si degdega uga tashadaan sidii koodhkii 252 DFS ay gacanta ugu dhigilahayd
  2.  Sahal iyo Saad iyo EVC in laxirro
  3. Nimanka maal galiya argagixisada dalka iyo dibadaba in DFS iyo Maamulgobaleedyadu  ay ogaadaan meelaha ay ku suganyhiin oo markaas dagaal wada jira lagu qaado.
  4. Wadanka gudihiisa iyo mandaqadda waxa ka socda in la ogaado, tusaale dadkaan cidda ku lugleh in la ogaado iyo surimada ay wax usoo maraan.
  5. Talo gaar ahaaneed oo Madaxwayne Cabdiwali ku socota.
  6. In aan wax jago ah loo dhiibin dadka urur diimeedyada xubnaha ka ah, maxaa urur diimeed keenay dhamaanteen muslin baan wada nahay.

a) wadanka xaalad degdega in uu galliyo madaxwayne Gaas

b) Nimanka wahaabiyadda in uu xafiiskiisa iyo xafiisyada ayraboorada, kuwa wasaaradaha, dekadaha in uu ka saaro qof kastana la ogaado cv-giisa iyo wuxuu ka shaqayn jiray.

c) Maamuladad dawladaha hoose ama Koonsalada hadda jira waxaa qabsaday nimanka wahaabiyada waa in dib u eedid lagu sameeyo oo dib loo fatasho, wax allaale waxa wadanka laga dhisay in nin kasta cv-giisa la baaro oo haddii ay ku cadaato in uu wahaabiyadda ka tirsanyahay daaqada laga saaro oo la casilo.

d) Ragga qaraxa maalinkasta loosoo dhiibayo niman lawada garanayo oo ganacsato ah baa meesha u fadhiya ee in nimankaas laga takahaluso oo xidada loosaaro.

e) In Puntland shir deg dega la isugu yeero oo dadkii Puntland dhisay ee asalka ahaa la isugu yeero, sidii looga takhalusi lahaa Daacish iyo cidii ku lifaaqan ee hoosta ku haysata.

f) Meesha Galgala la yiraahdo in hadda si ku meel gaara dadka degan  meesha looga raro dabadeedna ciddii gashaa in lagu xukumo in ay shabaab yihiin, cid aan ciidan ahayn oo gali kartaana aynan jirin xitaa baadiye, waliba xiliga barwaaqadaa in reer guuraaga meelo kale ay xoolahooda sii daaqsadaan inta aagga la sifaynayo., isgaarsiinta aagga galgalana waa in la xiraa

Fiiro gaar ah

Madaxwayne Cabdiwali waqtigii hadalku waa dhammaaday, waxaa la jooggaa xiligii waxqabadka iyo ficilka ee madaxwayne ama waxqabo ama xukunka ka deg.

Hadal waa dhammaaday

Hadal waa dhammaaday

Hadal waa dhammaaday

Taladan waxaa soo jeediyay

By Khabiir Warsame Axmed

 

Afeef qoraalkaan wuxuu gaar u yahay qoraaga noosoo diray

One Response to Shabaab Iyo Daacish Hannaankii Looga Takhalusilahaa (Talo Kusocota DFS Iyo Cabdiwali Gaas)