Shacabka Puntland oo raaligalin ka bixinaya erayga Gaas ee ONLF ee sida kamadaa uu ugu gafay

Filed under: Wararka |

Madaxwaynah Puntland ayaa mar uu siinayay waraysi Tv.ga Ethiopia ayaa waxaa si kama ah looga duubay eray aannu islahayn aduunkoo dhan buu ku faafayaa kaas oo ahaa in ay ONLF Cadawga Puntland tahay.

Jamhadda ONLF waa jamhad muddo dheer Xornimadooda aduunkoo dhan uga dagaalamayay mana aha cadawga Puntland, ee waxay ahayd in Madaxwaynuhu arrinka ONLF isaga aamuso, ama uu Yiraahdo ONLF iyo Puntland wax xiriira kama dhaxeeyo mana taageerto Puntland dagaalada ee nabadgalyaday taageertaa iyo ciddii nabadgalyo iyo heshiis iyo ganacsi wadata, laakiin waan kala shaqaynaynaa Ethiopia in ONLF iyo Ethiopia uu heshiis dhexmaro.

Sikastaba ha ahaatee waxaan shakki ku jirin in Aanu Madaxwayne Gaas islahayn hadalkaas aduunkoo dhan buu ku faafayaa.

Dhanka kale ayaa dhamaan shacabka Puntland ku abtirsadaa ay aad uga xumaadeen warkaas faafay.