SHAN GEESLE

Filed under: Important News,MAANSOOYINKA,Wararka |

Halkaan ka eeg qormooyinkii aan horeu uga daabacnay Cali Xuseen Xirsi ”Cali Makaadsade”

Soomaaliya

SHAN GEESLE

Calanyahow shanta gees lihi

Ilaahay guul ha ku siiya oo

Cadowgaagu ha guura oo

Gurigaa lagu saaray

Waligaa ku gabow!

Galabtii lagu taagay

Guddidii soconaysay,

Qaar baa gowska qaniinnayoo

Gadaal kuu dhugan waayayoo
Gardarray ku socdaanoo,

Daday meel ku garaacdiyo

Gumeysi bay baratee,

Haddii laysku gadoodo

Quruun guudka madow iyo

Gaalay kaama rogto!

Maraakiibtan gudaysiyo

Dayuuraadka ka guuxiyo

Geeshash kuu diriraayiyo

Gaadh naftaada ilaashiyo

Aamminkaa rag gunaaxayoo

Goobtii laysku dileeystiyo

Goofafaa ka sameeyssa,

Guullaan kuu baryayaaye,

Geesahaaga ka buuxi!


Intaasi wayga gargaare,

Waxa aan gocanaaya oo

Gebigaaga ku fiican,

Haddaan laguu geli haynnin

Anigu kuu gabyi maayo,

Soomaali baan ged aqaan oo

Guubaabo iiga dhammatay oo
Geesi kuu diriraaya iyo

Gacal baanad lahayn.

Gafuurtaagga qabiilkiyo

Iyadoo is gubeysiyo

Geel ay qaaddo ha joogto’e

Iney kuu garbo yeesho

Ay giijiyaan xadhiggaaga

Marna taa garan mayso.

Sacabkaa la garaaciyo

Orodkaa la gucleeyiyo

Feestadaa gudaheenniyo

Farxaddaa lagu guuley,

Gamba kuuguma taallo

Garaadkaa ka hallaabayoo

Labadooda gacmood bay

Midba geed ku xidheene

Gabgabtooda ha eegin!

Intey kuu guntanayso

Shisheeye isku gudbeyso

Baarkii laysku guraayay,

Yaa gabdhaa ula dheeli?

Fatuuraadka guduudan

Qaar go’aa ka caddaadiyo

Kuwa aad goray mooddiyo

Qaar gadaasha u dhuubanoo

Ka dheereeya gamuunka oo

Aan la gaadhi karaynnin

Yey ku gaardiyayaane

Gobeey hay lala eego,

Ayaa kuu gurmanaaya?

Doqon looma gargaaro oo

Ra’yigaan geli haynninoo

Wax badan baan gogoshayda

Ciilkoodii gam’i waayaye

Ilaahay baa ku gargaariye

Gurboodka haatan kacaayiyo,

Nasriga Guulle ka sug!

Cali Xuseen Xirsi ”Cali Makaadsade”

One Response to SHAN GEESLE