Shan Inammood iyo Aabbahood [Sheekaxariirooyinka Ciid iyo Ceelcad]

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

REER GUURAA

Shan Inammood iyo Aabbahood [Sheekaxariirooyinka Ciid iyo Ceelcad]

Waxaa jiri jirey oday xoolo badan oo dabjoog ah lahaa oo afadiisa iyo shan inammood ay dhaleen Ciid iyo Ceelcad kula noolaa. Inkastoo odaygu carruurtiisa dhammaan uu wada jeclaa, misana midka dhexe ayuu hawllaha iyo talooyinka reerka ku aammini jirey. Wiilasha kalese arrinkaas kuma faraxsannayn. Aad bay uga masayreen kalsoonidaa gaarka ah ee aabbahood walaalkooda saddexaad uu siiyey.

Maalin maalmaha ka mid ah ayay afartoodii oo wada socda aabbahood u tageen. Waxay kala doodeen sababta uu iyaga ugu aammini waayay arrimaha iyo talooyinka reerka. Odaygii arrinkaas lagu eedeeyey kama cadhoonnin jawaabna kama bixinnin.

Dhowr maalmood kaddib ayuu kob isugu yeedhey dhammaan inammadiisii. Dabadeed shan halaad oo geel ah ayuu midkiiba siiyey. Wuxuu u sheegey in geelaas iyagu, shakhsi-shakhsi, u kala leeyihiin oo wax allaale iyo wuxuu qofba doono uu ku qabsan karo.

Curadka geeliisii durbadiiba sayladda ayuu u beec geeyey, lacagtuu ka heleyna jeebka ayuu ku ritey oo magaalo la qabtay.

Curad-ku-xigeenkii, gabadh uu jeclaa ayuu xoolihii la siiyey kula aqalgalay.

Kii wiilasha ugu yaraa, bartii reerku degganaa kob u dhow oo tuulo ah, inta uu halihii lacag aan badnayd siistey oo ku tamashleeyey, ayuu isagoo farammaran muddo gaaban gudahood reerkii dib ugu soo noqday.

Koodii afaraad, lacagtii uu xoolaha ka heley, inta uu durbadiiba baasaboor been ah ku iibsaday oo tigidh goostay ayuu Sacuudiga doonni u raacay.

Haddaba wiilasha, koodii dhexe oo ay odayga isu dhowaayeen, geelii badnaa ee reerku lahaa ayuu shantiisii halaad ee la siiyey dib ugu darsaday.

 

Ruuxii wanaagsan Eebbe iyo ummadduba waa ka wada helaan

 

Maxamed C. Xasan ‘Alto’

Helsinki, Finland, 07.06.2014

xasan_maxamed@hotmail.com