Shaqada Raysalwasaaraha Iyo Madaxwaynaha Mida Ugu Wanaagsan (Fallanqayn Kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

goverment

Shaqada Madaxwaynaha ee ugu wanaagsan waa Illaaliye dastuur iyoIllaaliye  habsami u socodka hay’adaha kala duwan ee dawladda iyo xulashada hogaamiyaasha ugu habboon hay-adaha dawliga.

Shaqada ugu wanaagsan ee Madaxwaynaha haddii uu daacad ka yahay in Soomaali la horumariyo isla markaasna aynan amar siinayn gacmo shisheeye waa xulashada Raysalwasaare iyo Gudi-garsoor, iyo taliyayaal Ciidan kuwa ugu habboon waliba ay jirtaa tartansiin iyo shuruudo lagu kala saarayo oo ay soo dajiyeen dad aqoon u leh.

 

Shaqada ugu wanaagsan ee Raysalwasaaraha.

Shaqada ugu wanaagsan ee Raysalwasaaraha waa xuluashada wasiirada ugu habboon oo ugu aqoon badan wasaaradaha wasiirada looga dhigayo.

 

Laakiin Raysalwasaaraha iyo Madaxwaynahu inta aynan samayn xulushada, waa in uu jire qorshe siyaasadeed si fiican loo dajiyay oo qoran oo xitaa leh hadaf iyo xili iyo waliba dhaqaalihii lagu socodsiinlahaa.

Isla markaasna la xushaa qofkii fullin lahaa qorshe siyaasadeedkaas kii ugu habboonnaa isla markaasna shaqada Madaxwaynaha ay ku ekaataa dul istaagnaan in shaqadii sidii lawgu talagalay ay u fulayso halka Raysalwasaraha qudhuusu uu sidaas si le’eg  ay shaqadiisu ku ekaato u kuur galid iyo dul istaagid in ay wasiiradiisu qorshayaashii fulinayaan.

Waxaa kaloo muhiima in shacabka lala socodsiiyo qorshe siyaasadeedka hadafkiisa iyo xili waqtiyeedka loo cayimay in eebe laga rajaynayo in uu ku hirgalo.

Waxaa kaloo muhiima in marwalba ay dooduhu ku ekaadaan fullintii iyo akhbaarihii fullinta qorshe siyaasadeedkii lagu ballamay fulintiisa.

Laakiin haddii aynan Madaxwaynaha iyo Raysalwasaarugu aynan xulan dadkii ugu habboonaa ee shaqada qaban lahaa isla markaasna uunan jirin qorshe siyaasadeed iyo hadaf cayiman sidii lagu gaarilahaa, maxay soo kordhinayaan hadalo wanaagsan iyo qiiro.

Inkastoo ay hadalada wanaagsan qudhuudo aad u wanaagsan yihiin, hadana qormadaan waa mid ku eg talo iyo sixitaan.

Halkaan ka eeg qaar ka mida qormooyin aan P/O ku qornay xiliyo kala gadisan oo isla arrinkaan ku saabsan.

http://www.puntlandobserver.com/?s=shaqada+madaxwaynaha&x=0&y=0

 

Si kooban u diyaariye: Ibrahin Gablax