Sharcigii Batroolka Maxaa Loo Tuuray (Qoral Ku Saabsan Shidaalka Soomaaliya iyo Talooyin Muhiima)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Sharcigii shidaalka Soomaaliya halkaan ka eeg intaanad qoraalkan akhrin

Aduunka si wax loola qaybsado, marka hore waa in aad leedahay sharci ku saabsan Batroolka iyo macdanta Soomaaliya.

-Soomaaliya 1948-dii baa laga billaabay in shidaal laga baarro, waxaana baarray kambanigii la oranjirray Rogers oo Maraykan ahaa.
– intii ka danbaysayna waxaa wax ka baarray kambaniyo baddan sida, Conoco, Shel, shafron, Eno,total iyo kuwa kaloo baddan, illaa iyo iminka oo 70 sano laga joogo, wax shidaala oo Soomaaliya laga soo saarray ma jirto, marka ma laga waayay mise dano kalaa jira?.
– Waxaan qofkasta oo Soomaaliya ogaysiinayaa inay ogaadaan waxa dalka ka socda ama aduunka ka socda ama gobalka.
-Soomaaliya 2008-dii waxay samaysatay sharcigii batroolka, oo uu baarlamaankii tfg-da ahaa uu ansixiyay oo sharci ka dhigay, maxaa looga warwareegayaa oo lowgu dhaqmiwaayay,inta ka dhimmana lowgu dhammaystiriwaayay?.

Maxaa loo samayn waayay sharci lagu wada qanacsanyahay, oo la isla qaatay dhamaan maamul gobaleedyada iyo xildhibaanadaba oo lacagta Dawladda dhexe khasnadeeda ku dhacaysa, lacagta khasnadda maamulgobaleedka ku dhacaysa, lacagta degmada khasnadeeda ku dhacaysa laga qodahayo loo kala qeexi waayay??.

In markaas nabadgalyadii wadanka gacanta lagu dhigo, oo maamul gobaleedyada masuuliyaddooda la cadeeyo, masuuliyadda federaalka la cadeeyo, isla markaasna la diyaariyo sharcigii deegaanka (enviroment low) si aynan shirkaduhu ugu xadgudbin deegaanka.
-Kadibna in shirkadihii batroolka baaray loo diro sharcigaas, oo la yiraahdo cidii ku qanacsana ay hawshii billowdo muddo lix billood gudaheed, haddii kale laga tashanayo.

Xasuusin.

Aduunka maantay horumar buu gaarray oo lacag aan saas u badnayn baa lagu sameeyaa Seismic Survey ama qaymayn iyo baarid haddi batrool dhulka ku jirro waxaana sameeya boqolaal shirkadood oo shaqadoodu tahay kaliya (Seismic Survey) , waxaana la rabaa in dastuurka wadanka lagu qoro in ay kala laba noqdaan shirkadaha baariidda batroolka kuu samaynaya (Seismic Survey), iyo shirkadaha batroolka soo saaraya, sida aduunka oo dhan ka jirta, laakiin aduunka dhan hal shirkad lama wada siiyo ruqsadaha batrool baarid iyo qaymaynta lacagta ku baxaysa soo saaridiisa iyo waliba euqsadaha soo saariddii, waayo qaymayn aan sax ahayn bay kuu sheegi kartaa shirkadda soo saaraysa, sidaas la ajligeed baa la rabaa in dastuurka lagu qoro in ay laba shirkadood ay kala noqdaan ruqsadaha la siinayo shirkadda wax baaraysa iyo shirkadda wax soo saaraysa, waana in ay shirkadda wax baaraysa dukumiintiga Baarlamaanka ku wareejisaa oo dastuurka lagu qoro, walibana shacabkana loosoo bandhigaa oo aan shacabka laga qarrin waayo shacabkoo dhan baa hantidaas wada leh waana in ay ka warhayaan.

Tusaale hadaad dhisanayso guri ka kooban 3 qol haddii aad jaahil tahay waxaad u tagaysaa ninka guryaha dhisa oo aad leedahay ii dhis guri 3 qol adigoo aan suuqa la socon, laakiin haddii aad tahay ruux aduunka la jaanqaaday, marka hore waxaad u tagaysaa qolada sameeya design ama nashqadda guri iyo waliba qiimaha ku baxaya dhismaha 3da qol, markaas haddii aad haysatid qiimaha guriga ku baxaya iyo qalabka galaya iyo nashqadii, waxaad ula tagaysaa shirkadaha guryaha dhisa oo adigoo waxwalba iyo qiimaha suuqa la socda ku oranaysaa yaa gurigaas ii dhisaya.

 

Sidoo kale haddii aad haysato Seismic Survey ku saabsan Batroolka Soomaaliya, iyo cadada batrool ee dalka ku jira, iyo qiimaha ku baxaya soo saaritaanka, waxaad si fudud ugu tagaysaa shirkadaha soo saara batroolka adigoo waxwalba og oo haysta, dabadeedna dhowrkii ceelba shirkad gooniyaad siinaysaa adigoo eegaya sharcigii dalka ee qaybsiga saamiga, waxaana wanaagsan in dastuurka lagu qoro in aan hal shirkad lawada siin karrin ceelasha oo dhan ee ugu badnaan 3dii ceelba hal shirkad la siiyo hadday noqonlahayd ruqsad baarid iyo ruqsad soo saarid.

Talo.

Ha ogaadeen dadka Soomaaliyeed in ay dalka leeyihiin, khayraadka mulkiyadiisana leeyihiin,iyaguna dalka maamushaan,  ninka ay wax u dhiibanayaan in uu yahay nin shaqaale ah oo Techniqal ah.

Fiiro gaar ah.

DFS waxaan u sheegaynaa iyo maamul gobaleedyada

Sababta 70 sano shidaalka looga soo saariwaayay waxaan u malaynaynaa in ay 3 qodob tahay.

  1. Kambaniyada ayaa raba in ay marka hore intaynan shidaal soo saarin ay gacanta ku dhigaan, a) nabadgalyada oo dad iyaga ka danbeeya u xilsaartaan Booliska militariga iyo sirdoonka.
  2. Xukuumadda ay ka dhigtaan dad ay keensadeen.
  3. Sharciga in ay gacanta ku hayaan oo ninkii danahooda ka horyimaada shirciga qudhiisa u tiigsadaan.
  4. In dalka awood ciidan la duldhigo oo illaalisa danaha kore.

Waxaad ogaataan qofkasta oo damiir leh oo Soomaaliya in arrintaas ka digtoonaadaan gaar ahaan, madaxda iyo shacabkaba in ay arrinkaas ka digtoonaadaan.

Shirikad luuq lala galay oo xooggaa komishina ay ka qaateen dalka kan laguma wadi karo

Waxaanu faraynaa dadka Soomaaliyeed ee damiirka leh, Gobol ha joogo ama degmo ha joogo, ama tuula ha joogo, khayraadka Soomaaliyeed inuu illaaliyo waxaa ka saaran masuuliyad waana waajib muqadasa.

Qore Warsame Axmed

Afeef.

Qoraalkan waa mid ku socda inta wax khiyamaysa ama soomaali ama ajnabi, laakiin kuma socdo ajaanibta meelkasta umadda Soomaaliyeed ku caawiya oo dalalkooda kusoo dhaweeya gaar ahaan dalalka reer Galbeedka oo Soomaalida abaal gooniya iyo xaq aan lagudi karrin ku leh, kaliya wuxuu ku socdaa kuwa maafiyadaa.

Wuxuuna gaar u yahay qoraaga, kaliya Puntlandobserver waxaan ku daabacnaa fikradaha shacabka raba in ay fartiimaha ay hayaan shacabka gaarsiiyaan.