Shabaab Shayddaan

Filed under: Aqoon-kororsi,MAANSOOYINKA,Taqwada,Wararka |

SHAYDDAAN

 

Shabaab Shayddaan

 

Shahiid bay barteen iyo inay, shacabka laayaane
Shaadh been ah dhaaxay xidheen, magacna sheegteene.

Show niman la soo wada shirrabay, shiishka kuma boobin
Show shaag intay wada marsheen, hilibka muu shiidin
Show webi shabeelle sidii, dhiig ma shalaxyaynnin
Shalaqooti show lagama ridin, lamana shaandhaynnin
Show shagax ma odhan waayagii, sheegan jirey guule.

Show inaan shar aabbihi naqaan, shaaca kama qaadin
Show shaamareerkii ka dhacay, dunidu may sheegin
Xarakaatul shayddaannadii, show ma noqon sheeko?

 

Najmuddiin Jawte

17.03.2016

2 Responses to Shabaab Shayddaan

  1. Pingback: Shayddaan Shabaab - Daily Somalia Report

  2. Pingback: m88cvf