Sheekh C/raxmaan oo Masuuliyiinta Gobolka Mudug ugu baaqay inay xilka baneeyaan haddii aysan waxba qabanayn (DHAGEYSO)

Filed under: Wararka |

Sheekh C/raxmaan Salaad Diirshe oo kamid ah Culimada diinta ee Puntland ayaa waxaa uu hadal ka jeediyay Aaskii maanta loo sameeyay Iskuduwihii Wasaaradda Qorsheynta Gobolka Mudug ee xalay fiidkii lagu dilay Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Sheekh C/raxmaan wuxuu si adag uga hadlay arimaha ammaanka gobolka Mudug gaar ahaan dilalka qorsheysan ee sida xiriirka ah uga dhacaya gobolka Mudug, dilalkaasi oo lagu bartilmaameedsanayo Waxgaradka iyo Masuuliyiinta.

Isagoo ka hadlaya Aaska ayuu Sheekh C/raxmaan ugu baaqay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug inay ammaanka wax ka qabtaan oo ay la dagaalamaan kuwa dadka laynaya haddii aysan taasi awoodinna inay baneeyaan xilka ay hayaan, isagoona tusaale usoo qaatay xilli uu joogay Maxkamada Gobolka Mudug oo uu isaga tagay shaqada kadib markii uu shaqadaasi ku filnaan waayay.

“In qof la dilo Alle ayaa qadaray laakin dambiilaha waa in la soo qabto oo caddaalada la mariyo, waxaas waa ciidan idinkaa xukuma, shacabka idinkaa xukuma, maalka idinkaa xukuma, isku tagoo qorshe la imaada, qorshaa dadkiinii loo dajiyay oo madaxdii lagu laynayee, dee qorshe aad wax ku badbaadinaysaan la imaada haddii kale anigaba maxkamada wan ka tagay oo waxan iri kuma filniye iskaga tagga oo anagoo kale noqda.

Source Radio Gaalkacyo

4 Responses to Sheekh C/raxmaan oo Masuuliyiinta Gobolka Mudug ugu baaqay inay xilka baneeyaan haddii aysan waxba qabanayn (DHAGEYSO)

  1. Pingback: Sheekh C/raxmaan oo Masuuliyiinta Gobolka Mudug ugu baaqay inay xilka baneeyaan haddii aysan waxba qabanayn (DHAGEYSO) - Daily Somalia Report