Waxaa jiray gabay ‘Dhurwaayo’ la oran jiray oo Alle ha unaxariistee
Shire Yuusuf Axmed (Shire quube)tiriyay gabaygaas niman buu ula jeeday
kuwaas oo turjumaado kala duwan loo sameeyay.Gabaygaas hadda mahayo
laakiin,kuwa la xiriira aan eegno.
Maalin baa Alle ha unaxariistee nin Sanjab la oran jiray Shire ku yiri:
“Shiroow nimankii aad ugabayday oo dhurwaayada aad ku sheegtay,Nugaal
na aad udidhay soo celi”markiiba sida lagu yaqaanay wuu gole-ka
fuulay.Wuxuu yiri:
Bahalkii cayuuntiyo nirgaha,cirib tiroo gooyay
Oo caano waagiyo na baday,coodka dhumistiisa
Haddii caadilkeen naga raroo,cal iyo buur saaray
Caqliba maaha ina Yuusufoow, haatan soo celi.
Maalin kale baa Cali Yuusuf oo Shire walaalkiis ah,ahna ninka
gabayadaan aan ka helnay ay is la carraabeen Cali wuxuu ka codsaday
inuu dhurwaayadii umicneeyo,shire rag kale buu tiradii ku daray illeen
awal afar bay ahaayeene.Wuxuu yiri:
Afar kuma go’nee bahalku waa guuto iyo Shiiye
Kuwa aan la garan baa jiroo goobta yuurura’e
Gu’ga soo socdaan sheegayaa geedilada weyne.
Markaleeto baa Xasan Jeex iyo Caawale xasan kalax dhaheen noo sheeg
Dhurwaayada waxa laga wado iyagii buu weeeraray oo ye:
Afartii dhurwaayood ogayd,lagaba dheereeye
Dhasalaaliqii bay ahayd,dhaantadii hore’e
Dhabaabacada goortii la galay, dharaba loo reebye
Kuwa haatan dhago oodan baa,dhoobadii tagaye
Dharruuntaysi bay nagu hayaan,amase dhiig miire
Markay dhabaca jiilaal tahay,ina la dhawrtaane
Iyagiyo habraha dheegga weyn,wax isma dhdhaamaane
car dhaqaaja Waa kaas fadhiya,dhuuxa magacleeye.
Xasan jeex iyo cawaale jeebla yaal bay ahaayeen ariga gata.
____________ ____ ___________
Gabaygii:Qasharkii ma goosan
Waxaa la yiri niman Xasan Ugaas ah iyo niman Ciise Maxamuud ah baa
xinif dagaal ka dhexeysay.Maalintii danbe baa rag Ciise maxamuud ah
duuleen ratina sahay bay ku rarteen.Iyagoo weli wax dilin baa shaw nin
ka shakiyay,ninkii baa ka war geeyay.Goor ay habeenimo tahay baa
iyagoo meeshay ratiga ku furteen jooga rasaas oodda looga qaaday illee
waa laga war helee.Dhan laga jiro bay garan waayeen waana iska
carareen. Dhacdadaas Shire Yuusuf waa ka gabyay,gabaygiisu guubaabo
maaha,waxa uu gol-daloolo u helay Ganbo-wilif oo gabay ‘Qaranimo’ la
dhaho shire ugu faanay.Waxaa kale oo uu gabayga ku darayaa daar nin
Cumar Maxamuud ah Garoowe ka dhistay,oo geed quracoo uu caleentuu ku
sharaxi lahaa Ciise Maxamuud ku udiideen.Waxaa la sheegaa in Ciise
Maxamuud ku aysan markaa Garoowe shuqul ku lahayn oo Cumar Maxamuud
Aas aasay.Shire wuxuu yiri:
Niman aad qabiilana tihiin,qaybna laga waayin
Oo aan qasaarana dhigayn,libina qooshaynin
Oo aan qiyaas u xarbiyayn,quduro weeyaane
Qandha laysay reer Yoonis Cali,qaayo laga waaye
Iyagoo hubkoodii qaboo,qalab la liicaaya
Qalcadihii markii laysku riday,awrtii laga qaadye
Qacda toora-tooraha lixlaha, qabacda yeeraysa
Qafiskiyo banbaanaha sidii,qar u diryaamaaya
Qablankii ka karay uustarkay,samadu qiiqawday
Qorraxay dabkii laga heloo,Adari loo qaatay
Xabashida dabkii lagu qabtoo,nuguska qaaxeeyay
Qasharkii ma goosane wadnaa,qariyay,keebkiiye
Buraashadaha qawliyo kobtaad,qolofta moodaysid
Qansaxay lagdeen iyo layaab, qaydarada yaale
Qamar baa ku dumay wiilashuu,Qayrre soo wadaye
Qosolka Iyo maaddawga daran,qaawanaanshaha’e
Qodax Laguma taabteen hadday, qun isu taagaane
Waa niman qabiil iyo toloo,lama qisaaseene
Qabri Laguma aaseen intii,ciidda loo qodo’e
Qorrax maalinaa reer ugaas,dabo qarmaadnaaye
Qoorihii Daneed bay sidii,qaan udidayeene
Qalimaale aar suu ku ciyay,Laguma qaysheene
Qubbiyaalay baa lagu ridiyo,qararkii dheeraaye
Qardhacna Laguma siidayn furkii,qaydna Kay tahaye
Hadhaw baa quraad beena iyo,qood la shubayaaye
Oo xaajo qurac daar ujaran,qadaf la gaarsiine
Qaranimo raggii sheegan jiray,qodobkii beenawye.
__________________________
Gabaygaan wuxuu Eebbe ha uraxmee shire yuusuf yeey tiriyay markii
laga soo doogay abaartii Cadhooley oo la sheego inay ku beegnayd
1964tii.Wuxuu yiri:
Maalintii dad wada guurijiray,qolaba daw aaday
Maalintii dalkaan dagi jirniyo,Dani abaarowday
Maalintii dullaha ciinka iyo,dacarta loo guuray
Maalintii sidii duur dab galay, arigu dooyeeyay
Maalintii darmaankiyo lo’dii,dagalka loo qaaday
Maalintii doobba weynoow ratiga,dacaydu bookoowday
Maalintii duqdii geela iyo,dalaglihii leexday
Maalintaan fuustada dirgaxan,boqol ku doonaynay
Maalintii dameertii biyaha,soo daldali wayday
Dayn loo xushiyo maalintii,deeq la kala waayay
Maalintii dadkii Buurtinliyo,dawladduba yaabtay
Ilaahay inuu daaimyahay,waxaw daliilowday
Waa kaa daruuraha shuboo deeqshay aadmiga’e
____________________________
gabay:hal baa bahal ku cunay
Alle naxariistii janno ha siiyee gabyaa shire quube baa maalin sahan u
baxay,oo kadimo badan u sahanshay,xilligaas geel jiruu ahaa sidaan war
ka ku hayo.Ninku hadduu sahamiyo saddex arrimood mid buu keenaa:
1.Hogaamo la roor:meel daaq wanaagsan leh inuu soo arkay oo loo guuro.
2.Reer la tashi:meeshuu soo arkay iyo xerada xooluhu joogaan inay isku
dhawyihiin xagga daaqa,oo arrintu talo Ku khasbanaato.
3.Negaadi:meel loo guuro ama hunguri u galaba inuusan soo arag.
Shire quube meel doogsin fiican buu soo arkay.Intuu jidka marayay buu
meel jeexa wuxuu kusoo maray nin gabar inana ku haysta.Hadduu
dhaadhacay,oo xeryo-gaalladii uu saaka kasoo tagay u dheelmaday,waxaa
muhiima inuu ka warramo wuxuu soo arkay.markuu saa usoo fariistay,baa
lagu yiri “war Shire bal noo warran”, isagoo waxba faah faahin buu
gabay sarbeeba mariyay.waxaa gabayga ku cad:
1.Inuu meel doog fiican ku yaal soo helay.
2.Gabadhii inanta ahayd ee jeexa lagu haystay,isagoo gabayga ku
sheegay reerahoodii oo sumaddooda ku gaabsaday.Wuxuu kuloo tibaaxay
inay khasaartay oo aysan is taahilin in yarad laga qaato.wuxuu ugu
danbaysiiyay gabayga kaftan uu leeyahay waa mid qof walba hunguriyayn
karo.
Digniin:gabayga meerisyaa ka maqan.Wuxuu yiri:
Annagoo harraadnoo cirkii,heego laga waayay
Ayuun baa Ilaah baa hodmane,galay habuurkiiye
Aniguna hillaacii di’iyo,raadshay hogoshiiye
Anigoo………….xareed heelka joogsadaye
Hubkaygii ku mayrtiyo,jirkii halawgu saarnaaye
Nimanyahow halbaa bahal ku cunay, hawdaan soo maraye
Hawaaray lahayd iyo dabaan,laga habaanayne
Ha’ baa dheegga kaga tiillay iyo,alifyo haaneede
Haruubkeed ka hoogee middaas,lagu horweyn beelye
Hilbaheeda goortuu jaruu,haadkusoo dagaye
Hal bawlihii intuu gooyay buu,horaray dhiiggiiye
Aniga ba hunguri bayga galay,halalacdeediiye
Armay noogu heesaan,waxbay halacadeeyaane.
______________________________
Waxaa la yiri gabyaa Shire quube baa wuxuu doonay gabar Isniina Aadan
gurey la oran jiray,gabadhii aabeheed wuxuu yiri:waa in geel aad u
badan la i siiyaa,sidii baana golihii ardaa-galka loogu kala
tagay.Ayaan danbe baa Cabdille kooreeye la baxay,isna waa laga
qaaday,sidoo kale nin wadaad ahaa baa mar lagu xiray oo laga furay
ayaan danbe.Ugu danbayn,Cumar dhaban-leexshe baa la baxay oo Isniina
calfaday.markii Cumar guursaday baa gabayga danbe Shire quube AHUN
tiriyay,kan horena markuu isagu doonay ee geela aad ka u faro-badan
lagu xujeeyay buu tiriyay.waa kuwaan labadii gabay.
Gabay gii hore:
Afar dhalay afar dhalahasiyo,dhaqayo loo maalo
Abeer dhebi la moodiyo horweyn,dhays la socon waayay
Iyo dhogor madooboow ratiga,dhoonta lagu tiirsho
Haddii aan dhac loo kala helayn,dhoof na lagu waayin
Oo haatantii dhalan lahayd,shilini dhawrayso
Ma god baan kasoo dhurahayaa,dhug iyo aar laaga
Gabay gii danbe:
Bal inaad Ibnoow Aadanoow,obo ka duulaysid
Oo aan amarka kii Eebbahay,axadna dhaafaynin
Oo aan aadmigoow Arlada,lagu abaadaynin
Gabadhii ashqaalkii ka dhacay,uunku wada yaabay
Gabadhii ardada Leelkasiyo,awyga laga xoogay
Gabadhii ikhyaartii tolkeed,oodda laga saaray
Gabadhii ilmaa deeradeed,laga ijbaaraayay
Gabadhii irdaha Jaamac iyo, Cumar ku eedoobay
Gabadhii adoogeed lahaa,alif hallaysiiyo
Irda geela iyo oogle faras,aaran xera buuxsha
Sidko ubadka loo soocayiyo,igarro toos toosan
Ardi lacaga aarmiga rubbaan,ayni iyo xoolo
Ari lo’ aamiinta duco,aalad wada fiican
Soo inaan adduun laga harayn,uma ekoonaanin
Aftaagiina soo Aadan gurey,uma ahaan waayin
Inantiina soo reera kale,uma adeegayso
Afar wada muqaayaa markii,odayga loo keenay
Soo kuma insaarixin halkaan,umal ka dhawraayay!
Erayada macnahooda
1.Irdaha jaamac=reer Jaamac faarax jilib Reer Maxamed mahad ka mida
laakiin, Cabdille kooreeye buu ujeedaa gabyaagu.
2.Cumar ku eedoobay:Reer Maxamed mahad,waa jilib shire.
3.Afar wada muqaayaa=geel tiri ahaanna yar tayo ahaanna xun.
4.Soo kuma insaarixin=soo uma bogin
5.Umal=caro/xanaaq.
6.Alif=1000 halaad,laakiin geel badan baa looga jeedaa.
____________________________
Gabaygan wuxuu ahaa bilawgii todobaad tamaadkii,waa gabay
saadaala,kaasoo ififaalo ka bixinaya wax markaas aan dhicin laakiin se
sanado ka dib dhacay,waxyaabahaas waxaa ugu weynaa mucaaradkii
dawladdii kacaanka ku kacay iyo kawaabaha dawladdu ka bixisay
jawaabahaas oo ay ka mid ahaayeen:baraago burburin,tuulooyin la
gubay,miino aas,shacab ka oo loo jirdili jiray iyagaa jabhad hebel u
badan iwm.
Isagoo sheegay xataa in la qaxay o marka ciidanka Af-weyne tuulada
gabiib ka dhigtaan,buu ye:
Hadday MAGACley guri fiican tahay,lagama guureene
Guddidii xumayd iyo habruhu,ganac ma waayeene
Cirmartay la guurayn jireen,lagama gooyeene
Garanuugtu kama waabateen,GORAYGII dheeraaye
Goodirada kuwii laysan jiray, kama gabraarteene
Gucumaale aar iyo libaax,giida ma hayeene
Gaduudaniyo weer kama kaceen,ariga gooyaaye
Sida gaado loo qabo xisbiga,lama giriifeene
Gaaroodi iyo saalo iyo, gubad ma qiiqeene
Gabiib kama dhigteen tooradii,geesiga ahayde
Sida geel libaax galay shacbigu,dib uma guureene
Aniguna galbeed uma kaceen,gu’gan hortiisiiye
F.G gabayada aan baraha internet ka ku faafinayo ee abwaan shire quube
waxay ubadanyihiin kuwa aan dhawaan uruurshay,marka inaan dib qayb iga
dhimanayd uhelaa laga yaabaa oo gabayada kala bar goos goos aan u
faafiyay.
W/Q:Cabdullaahi Shire Yuusuf.
Pingback: SHIRE YUUSUF AXMED gabay ‘Dhurwaayo’ - Daily Somalia Report