Shirkadda Shulman Rogers iyo Cabdicasiis Giyaajo oo lacagtii Shacabka Soomaaliyeed ay ka lunsadeen maalgashi ku bilaabay (SAWIRO)

Filed under: Wararka |

Kadib warbixinta UN monitoring group isbuucaan daabaceen oo ku saabsaneyd Shirkada Shulman Rogers iyo wakiiladeeda Cabdicasiis Xassan Giyaajo iyo Muse Ganjab inay lunsadeen lacag shacabka Soomaaliyeed lahayeen ayaa waxaa soo baxaayo in shirkada Shulman Rogers and wakiilkeeda Cabdicasiis Giyaajo ay maalgashi xoog leh oo lagu qiyaasay lacag dhan 2 milyan dollars oo lacagtii shacabka Soomaaliyeed laga lunsaday in lagu maalgeliyay daar weyn oo ku taal KM 4 isgoyskiisa oo horay u aheyd safaarada dawlada Masaarida ee Muqdisho sida sawirada aad ku aragtaan.

Daartaan uu leeyahay Cabdicasiis Xassan Giyaajo iyo Dahir Xassan Giyaajo oo dhaxal ahaan u helay oo kasoo horjeeda daarta Tahliil Warsame ee isgoyska KM 4 ayaa waxaa ka socday bilihii la soo dhaafay dhismooyin xoog leh oo qarashka ku kacay dhismahaas ay bixiyeen Shirkada Shulman Rogers iyo Cabdicasiis Xassan Giyaajo. Lacagta dhismaha lagu bixinaayo ayaa ah lacag shirkada Shulman Rogers iyo wakiilkeeda Cabdicasiis Giyaajo ka lunsadeen ummada Soomaaliyeed iyadoo lagu maalgeliyay dhismooyin cusub oo isagu jira Giyaajo Business Center iyo hoteel aan ku xusi karno oo loogu magac daray Giyaajo Hotel.

Qeyb kamid Giyaajo Business Center oo dhismaha mar dhow la dhameystiray ayaa waxaa laba dukaan kamid ku leh Nuurto Sheekh Maxamuud oo la dhalatay Madaxweynaha dawlada Federaalka Xassan Sheekh Maxamuud. Lacagtaan lagu maalgeliyay daartaan iyo dhismaheeda loogu magac daray Giyaajo Business Center iyo Giyaajo Hotel oo ah lacag ummada Soomaaliyeed leedahay ayaa shacabka Muqdisho iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan weli ku baraarugsaneen musuq maasuqa heerkaas gaarsiisan oo aan weli dawlada ka hadlin.
Giyaajo 1

Giyaajo 2

Giyaajo 3

Giyaajo 4

KM 4 1

Jaamac Maxamed Saciid
Freelance Journalist
Fairfax, Virginia
saidjaama@yahoo.com