Shirkadaha Shidaalka ee reer Galbeedka oo doonaya Batroolka Puntland(Beesha Daarood) in ay ku boobaan iyagoo soo maraya Beelaha Isaaq iyo Hawiye (Hargaysa iyo Xamar)

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa xaqiiq u dhaw in Shirkadaha ka ganacsadda Shidaalka ay inta baddan dunida soo koraysa Boobaan iyagoo marwalba ay dulmanaadaan dadka iska leh deegaanada Shidaalku ceegaago.

Maxay tahay sababtu.

inta badan shirkadahaan waxay rabaan in ay qaataan 90% shidaalka ama macdanta dhulka ceegaagta, markaas dadka iska leh hadii ay u maraan waa ay la xisaabtamayaan, si aan loola xisaabtamin marka waa in ay abuuraan shakhsi Manaxe ah oo kaligi taliye ah, oo isaga iyo Qoyskiisa kaliya ay meesha ku waardiyeeyaan, ama isku soo duuboo waa in meeshii uu gacanta ku dhigo ruux aan u damqanayn dadka deegaanka iyo hantidooda balse dantiisa eeganaya.

Markii Batroolka Puntland laga helay, waxaa xigtay waa lawaayay Batroolkii iyo waxaa xigtay waxaa lasamaynayaa dawlad dhexe, dawladii dhexe waxaa gabigeediiba hoosta loogashay niman kaligi talisa oo aan wadaniyiin ahayn.

Dhanka kalena waxaan arkaynaa deeganadii Batroolku ku jiray ee Beesha Daarood in ladoonayo in qaybna lahoosgeeyo Muqdisho, oo markaas Muqdisho lagala hadlo oo Muqdisho lasiiyo 5% Batroolka kujira Deeganada Daaroodka.

Qaybta kalena Hargaysa lahoosgeeyo si markaas Beesha Isaaq ee Hargaysa looga dhaadhiciyo awalba inagaa waxaan idinku maal galinay ee 5% qaata.

Hadii aan saas lasamayn Puntland waxay rabtaa in ay qaadato 60%, waana arrinkaas arrinka ay diidanyihiin shirkadaha ka ganacsada Batroolka.

Hada waxaad moodaa in lahubaynayo Beelaha Isaaq iyo Hawiye si loo dhaco Batroolka Puntland ama Beesha Daarood iyadoo la adeegsanayo horgalayaal baahan oo iyagu qadadooda eeganaya.

Dhanka kalena baryahaan waxaad moodaa dilaal Galaydh in uu soo adeegsanayo kooxo Nayroobi ay wada joogeen oo shabakado warbaahinieed u furtay dacaayadaynta Puntland oo halkii maqaal ee ay Majeerteenka waxkaga sheegaanba 50$ lagu siiyo, iyadoo sida aan maqalnay dilaal Cali Khaliif uu arrinkaas gadaal ka riixayo, waayo Dilaal Galaydh wuxuu rabaa in Beesha Dhulbahantedeegaandeeda hoosgeeyo Somaliland, laakiin waxaa u daran Daaroodka kale, waayo wuu ogyahay in aynan hada dhulbahantaha Degmada Taleex jooga u babac dhigi karin horgalayaasha iyo maleeshiyada Beesha Isaaq, laakiin uu marwalba ka baqanayo Beesha Daarood ee Puntland

Si Markaas Mashruucii dilaal Khaliif lowgu ballan qaaday in 2% lasiin doono faa iidada, isla markaana isagiyo Qoyskiisana laga dhigi doono Boqorada Dhulbahante haduu soo xeragaliyo Beeshiisa ayuu istusay Dilaal Galaydh waa in uu iska yureeeyaa Daaroodka awooda badan ee usoo gurmankara hadiiba ladoonayo in Beesha Lamaquuniyo.

Galaydh marka in mudo ahba wuxuu ka shaqaynayay sidii Majeerteen iyo Dhulbahante la isaga horkeeni lahaa, waana sababtaas sababta uu marwalba u yiraahdo annagu qabiil dooni mayno, isla markaana eedii Soomaaliland ay ka gashay Beesha Dhulbahate uu Majeerteen marwalba Dusha kasaaro.

Hoos ka ka dhagayso Maareeyaha batroolka ee DFS oo sheegay in maamul Gobaleedyada lasiin doono 10% Batroolka lasoosaaro:

http://www.puntlandobserver.com/daawo-maareeyaha-batroolka-dfs-oo-sheegay-in-hadii-batrool-lasoo-saaro-lasiinayo-faa-iidadda-maamulgobaleedyadda-10-dawladda-federaalka-30-shirkadaha-ajnabigaana-60/

Halkaan hoose ka akhri cadaymo la xiriira arrimaha batroolka oo taarikhaysan

Warbixintaan hoose waa markii 2012 uu wasiirkii Batroolka Puntland yimid Ingiriiska waana marka uu Ingiriisku billaabay in uu Soomaliya xiiseeyo oo uu dawlad kusheeg u dhiso
http://www.puntlandobserver.com/britain-leads-dash-to-explore-for-oil-in-war-torn-somalia-the-observer-saturday-25-february-2012/

http://www.puntlandobserver.com/british-firm-to-explore-somalia-billions-of-oil-barrels-sourceintelligencebriefs-com/

http://www.puntlandobserver.com/somaliland-dno-international-launches-oil-and-mineral-exploration/

http://www.puntlandobserver.com/oil-geopolitics-in-the-horn-of-africa-somaliland-dno-oil-deal-adds-fuel-to-the-conflict-in-north-somalia/

http://www.puntlandobserver.com/exclusive-western-oil-exploration-in-somalia-may-spark-conflict-u-n-report/

3 Responses to Shirkadaha Shidaalka ee reer Galbeedka oo doonaya Batroolka Puntland(Beesha Daarood) in ay ku boobaan iyagoo soo maraya Beelaha Isaaq iyo Hawiye (Hargaysa iyo Xamar)

  1. Pingback: Xog Xiriirka Ka dhexeeyay Daud Bisle Wasiirkii Hore Ee Macdanta Puntland Iyo DFS Iyo Xasan Khayre | Puntland Observer

  2. Pingback: Cadayn In Soomaaliya Si Loo boobo Muddo laga Shaqaynayay Burburinteeda. | Puntland Observer

  3. Pingback: Khudbaddii Muuse Biixi Maxaa Soomaaliwayn Xal Uh (Fallanqayn Kooban) | Puntland Observer