Shirweynihii 1-aad ee Dallada ay ku Mideysan yihiin Ururadda Qurba-joogta Puntland ee PEDAN oo Sweden ka Furmay.SAWIRRO

Filed under: Wararka |

Magaalada Borlange ee Dalka Sweden waxa si Habsimi leh uga Furmay Shirweynihii kowaad Dallada PEDAN oo ay ku mideysan yihiin Ururadda Qurbo-joogta Puntland ee Yurub.

Shirkan ayaa sanadka waxa soo qaban qaabiyay Ururka PDF Borlange.

Martisharafta shirka kasoo qayb gashay waxa ka mid ah Wakiilka Puntland ee Scandanevianka Dr. Maxamed Cabdi Baydhabo, Safiirka Soomaliya u fadhiya Senegal AMb. Awliyo, Saxfiga weyn Maxamed Ibraahim Terra, Qoraa Abdiaziiz Xildhibaan.

Martisharafta kale ee shirka kasoo qayb gashay ayaa waxa ka mid ahaa Jaaliyaddaha Puntland ee ka kala yimi wadamada Ireland, Finland, Sweden, Norway, Denmark, Italy, Holland, Austeria, Uk, iyo marti sharaf ka kala yimi Jarmalka iyo Belgam.

Furitaankii shirka waxa ka hadlay Gudoomiyaha PDF Borlange Ali Muuse iyo Mursal Isse oo ah County Councalka gobolka Dalarna kuwasoo dhamaan soo dhoweeyay martisharafta , waxayna Hambalyo u direen daladda Pedan oo sanad jirsatay.

Masuuliyiinta ka hadlay Furitaanka shirka waxa ka mid ahaa Ex-Xildhibaan Jaamac Salaad Yuusuf oo ka mid ah Odayaasha PDF Borlange.

Masuuliyiinta kale ee ka hadlay waxa ka mid ahaa Saxfiga weyn Maxamed aadan Terra iyo Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi. waxayna Hambalyo u direen Daladda PEDAN ee Sanad Jirsatay.

Shirkan waxa kasoo qaybgalay oo Hadallo ka jeediyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Sweden gaar ahaan Xafiisyada Xiriirka Caalamiga ah iyo Xafiiska Shaqo Abuurista.

Gudoomiyaha Dallada Pedan Mohamed Cabdulaahi Qoordheere ayaa Halkaasi kasoo jeediyay Warbixin ku saabsan PEDAN iyo Sanadkii ay jirtay waxyaabaha u qabsoomay, Gudoomiyaha ayaa sheegay in PEDAN lagu bilaabay 17-urur balse iminka ay kor u dhaafayaan Uruurada ku midaysan ilaa 30-urur.

Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan qaybta Fulinta PEDAN ayaa soo Jeediyay Warbixino kala duwan oo ku saabsan PEDAN iyo Qorshayaasheeda.

Masuuliyiinta PEDAN ee Halkaasi ka Hadlay waxa ka mid ahaa Hanad Boqor, Faadumo iyo Ubax iyo Geele, waxayna Dhamaantood sharaxaad ka bixiyaan qorshayaasha PEDAN iyo waxau u taagan tahay ama Mustaqbalka waxay higsanayaan.

pedan1

pedan2

pedan3

pedan4

pedan5

pedan6

pedan7

pedan8

One Response to Shirweynihii 1-aad ee Dallada ay ku Mideysan yihiin Ururadda Qurba-joogta Puntland ee PEDAN oo Sweden ka Furmay.SAWIRRO

  1. Pingback: Shirweynihii 1-aad ee Dallada ay ku Mideysan yihiin Ururadda Qurba-joogta Puntland ee PEDAN oo Sweden ka Furmay.SAWIRRO - Daily Somalia Report