Shirweynihii 1aad ee qurbajoogta Puntland Yurub oo ka furmay magaalada Helsinki- Finland

Filed under: Wararka |

Shirweynihii 1aad ee qurbajoogta Puntland Yurub oo ka furmay magaalada Helsinki- Finland
Helsinki: 26.09.2015, Waxaa ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland Shirweynihii 1aad ee jaaliyadaha Puntland ee qaaradaan Yurub. Shirka waxaa ka soo qaybgalay urur fara badan oo ay leeyihiin jaaliyadaha Puntland ee qaarada Yurub. Sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno, khubaro ka socotay xafiiska Midowga Yurub, ururo madax bannaan oo ka shaqeeya gudaha dowlad-goboleedka Puntland, siyaasiyiin, haween, dhalinyaro iyo bahda saxaafadda.
Ujeedada shirka oo ah mideynta iyo tayeynta ururada reer puntland ee ka jira qaaradan Yurub iyo sameynta dallad weyn oo ay ku mideysan yihiin dhammaan ururada jaaliyadaha puntland ee qaaradan Yurub.
Shirweynaha waxaa furey wakiilka dawladda puntland ee skandinavianka Dr. Beydhabo, waxaana uu sheegay in loo baahan yahan sidii loo heli lahaa dallad ay ku mideysan yihiin dhammaan ururada reer puntland oo ka jira qaadaradan yurub, si kor loogu qaado wax qabadka ururada. Waxaa hadaladiisii ka mid ahaa ”far keliya fool ma dhaqdo, waan aragney inta ay gaarsiisan tahay awooda urur keliya marka uu damco in uu wax qabto. Waxaana idinkula dardaarmayaa in aad yeelataan hal dallad oo weyn si looga baxo in urur kasta keligiis meel taagnaado.”
Sidoo kale waxaa shirkaasi ka hadlay Maamulaha dallada guud ee jaaliyadaha Puntland ee Finland Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac ” Jannagale”, waxaa uu sheegay in markii hore ay sameeyeen dallad guud oo ay ku mideysan yihiin ururrada puntland ee Finland, kaddibna ay u soo baxday in la sameyn karo dallad ay ku midoobaan dhammaan jaaliyaha puntland ee Yurub, waxaana la xiriirney jaaliyadda Ireland iyo UK, ayuu yiri Jannagale.
Shirka qurbajoogta Puntland ee Yurub oo ka furmey magaalada Helsinki ee dalka Finland, waxaa uu socon doonaa 5 maalmood. Sawirrada shirka hoos ka daawo . Insha allaah Mar dhaw Videoga naga suga.
Farah Yassin Osman
Journalist
Helsinki – Finland
Fyok78@hotmail.com

200

201

202

203

204

205

206

207

208

209

210

211

212

213

214

215

216

217

218

219

220

221

222

223

224

225

226

227

228

229

230

231

232

233

234

235

236

237