Sidee Dagaalada Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug loo Joojin Karaa (Qormo gaaban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

talo-mohamed farah issel1) 1) Waa in loo saaro gudi soo daraaseeya xaaladda Gobalka Mudug, oo la sameeyo xog uruurrin, waxa sababa dagaalada soo noqnoqda ee gobalka Mudug, iyo sida deegaanada beeluhu u kala degaan.
2) Waa in la sameeyo degmooyin badan oo xuduudaysan oo tabeelayaal iyo calaamado lagu qoro xuduudaha degmooyinka u dhexeeya si dadka u ogaadaan degmada ay dhulkeeda hoos joogaan.
3) In sharciyo loo sameeyo sida ay degmooyinku isku maamulayaan, tusaale qofkii raba dhul uu wax ka dhisto waa in uu waraaqo cadayna kasoo qaato degmada uu dhulkeeda doonayo in uu dhul ama beer ka samayto.
Qofkii raba in uu barkad samaysto waa in uu degmada kasoo qaato warqadii cadaynaysay dhulka uu barkadda ama ceelka ka samaysanyo.
4) Qofkii qof dila oo dhagar qabe ah waa in lasoo qabto loona sameeyo sharci lagu midaysanyahay sidii looga gudi lahaa falkii uu sameeyay.
5) reer miyiga waa in laga qaado lacag canshuura oo la yiraahdo canshuur daaqsimeed, lacagtaas canshuurtaa waa in dib wax lowgu qabto dadka reer miyigaa oo ceelashii iyo daaqsinkii iyo deegaan xirmayntii lagu maalgallinyo.
6) Qofkii ay xabad si kama ah uga fakatay ay qof disho waa in sharci adag loo sameeyo waliba in uu la midyahay qof si ula kaca qof xabad ugu dhiftay, si aan mardanbe lowgu marmarsiyoon xabad baa iga fakatay.
7) Ugu danbayn waa in wacyigallin ballaaran shacabka loo sameeyo.

Hadda waxaan oganahay in lacagta canshuurtaa ee Gobalka Mudug dhanka Puntland laga qaado sidan hoos ku qoran loo qoondeeyo.

-waxaan maqlaynaa in lacagta canshuurtaa ee wasaaradda maaliyadda Gobalaka mudug 1/3 ama 3 meelood meelood meel –> madaxtooyada Garoowe loo geeyo oo la isaga laaluusho– waaana dhaqan muddo soo jirreen ahaa oo agaasimaha maaliyadda ayaa saas u qoondeeya oo markasta madaxwayne kasta sidii kii hore buu u sii sharciyeeyaa.

Labada meelood ee soo hadha, meel waxaa qaata agaasimka iyo odayaasha dhaqanka.
Meesha soo hadha ayaa lagu dhiibaa mushaaraadka.
Calashaan shacabka lacagtaas canshuurtaa laga qaaday waxaa usoo noqda ama dib ugu noqda 30% lacagtii canshuurta gobalka mudug laga qaaday, waliba in badan maba soo gaadho akoonka maaliyadda oo kuwa soo uruurinya ayaa sii musuqmaasuqa inta aynan akoonka gaarin.

Haddii aan dhaqaale fiican lahellin waxba lama qaban karo.
Sidaa awgeed ayaad mooddaa in loo baahanyahay isbadel caqli iyo xigmad wata.

Haddii sharciyadaas iyo qaar kaloo daacada hirgallintooda si daacada looga wada shaqeeyo, markaas waxaa jiri karta rajo nabadeed.

Puntlabdobserver desk

One Response to Sidee Dagaalada Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug loo Joojin Karaa (Qormo gaaban)