Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 2aad (Akhri warbixin muhima)

Filed under: Articles,Wararka |

leader
Bismillah.
Qaybaha Qormooyinkaan oo dhan halkaan ka daalaco
Qaybtii 1aad
Qaybtii 2aad
Qaybtii 3aad
Qaybtii 4aad
Qaybtii 5aad

Hadaan markiiba ku Booddo Cinwaanka maqaalka ;SIDEE DOORASHO XALAALA IYO HOGAAN XALAALA PUNTLAND LOOGA HIRGALINKARAA;

Qaybtaan waxaan ku eegaynaa hallista uu leeyahay Xildhibaan Iib ah

Dhamaan wadamada samaystay Nidaam iyo Hoggaan Caadila, waxaa Bisil shacabkooda oo illaahay amarki shacabwalba qaabka ay yihiin sida ay u dhaqmaan ayaa la horgeeyaa Hogaan dhaqankaas leh.

Haddii shacabku yahay shacab caddaaladda ka hormarsha waxwalba, haddii shacabku yahay shacab neceb isdabmariska iyo eexda, haddii shacabka ay ka go’antahay in ay horumar gaaraan oo qofwalba dhankiisa ka shaqeeyo, illaahay amarki waxaa hortaga nidaam iyo hoggaan caadila oo horummar u horseeda.

Haddiise shacabku yahay, shacab caadaystay eex, wax isdabamarris, kudhaqan laaluush, kudhaqan qabyaalad.ma shaqaystenimo iyo isdhigasho. illaahay amarki waxaa lahorgeeyaa Hofgaan sifooyinkooda leh ama kan ugu laacibsan nooca dhaqankooda ayaa Hogaan u noqda, kaasina wixiisii ayuu walaaqdaa, illeen maahmaahdii ahayd ;ABUUR IYO WAANO KEE HOREEYAY;

Hadda Puntland sahcabkeeda waxa ay doortaan ayuu illaahay horgaynayaa, waxaanad arkaysaa in durba hadda lasii qorsheeyay qaabkii xildhibaanada loo iibsan lahaa, islamarkaana ayba lagaba yaabe ay Xildhibaanadu Isimada kuwa laaluushka qaata ayba dusha ku kala qaybsanayaan laaluushka lasiin doono xildhibaanka.

Hadii arinkaas uu rumoobana, waxaa imanaysa maahmaadii kale ee ahayd ;HAL XAARAANA NIRIG XALAALA MA DHASHO;

Hadiise marba Xildhibaankii la iibsanyo, Isimkiina la iibsanayo, Dalkana maaba la iibsado.

Su’aasha iswaydiinta mudan waa shacabkaan Puntland diyaar ma uyihiin in ay diidaan oo maya yiraahdaan shakhsiga codkooda iyo magacooda hogaamintoodii dhamayd shilimaadka siisanaya in ay cod aqlabiyadda ku diidaan.

See lagu diidi karaa xildhibaan iyo isimka soo xulaya oo iibinaya codka xildhibaanka

Marka hore waa in ay doodaan aad u ballaarataa oo noqotaa doodda ugu adag islamarkaana dhamaan saxaafadda daacaddaa, kahadlimayo saxaafadaha shilimaadka iyo qabyaaladda ku shaqeeya ee hadda inta badan labartay oo ceeboobay.

Waa in layaqleelaa dooddo iyo wacyigalin ballaaran oo laga dooddaa qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo in codka shacabka dad aan la aqoon iibsadaan.

Aduunka maanta waxaa kabuuxa shirkado maafiya ah oo Malaayiin lacaga wata oo aan waxkale ka ganacsan, si fudud bay u laaluushaan oo u samaystaan Hogaamiyaal wadamada sookoraya ayagoo laaluushaya nidaamka wadanka ayagoo Hogaanka wadanka keensanaya ayagoo u iibinaya codka Xildhibaanada ama shacabka.

66 Xildhibaan ee Puntland hadii 34 Xildhibaan min 30’000$ lasiisto waa 900,000 calashaan sagaal boqol oo kun, wax halmalyan kayar, calashaan Puntland oo dhan waxay joogtaa wax halmalyan kayar.

Arinkaan waa arin markaad eegtid aad rajo dhigayso oo aad arkayso in aynan wax rajo ah imanayn hadiiba arinku saas u fudud yahay.

Sidaa la ajligeed waa in ay doodaan noqotaa Doodda ugu culus ee Bilahaan laga doodo.

Sidii aan horay maqaalkii hore ugu sheegnay waa in Qaabka Xildhibaanka loosoo xulayaa uu maraa Xeer iyo nidaam is jeeg garaynleh loosameeyay (Checks and balance), isla markaana ay Saxaafadda xortaa si cad shacaka ugu soo gudbisaa.

Calashaan Xildhibaan kasta waa in uu Beesha uu kasoo jeedo qaab doorasho ah uga yimaadaa ee aanu noqon oo kaliya mid Isimka iyo isaga kaliya ka dhaxaysa soo xulistu, taas durba waxay meesha kasaaraysaa in Isimka Qudhiisu uu qaab laaluush kusoo xulo Xildhibaanka.

Waa in Xeer adag loo sameeyaa waxa laga yeelayo xildhibaankii lagu helo in uu doonayo ama ku kacay iibsi codka beesha uu matalo (Khiyaamo Qaran Xeer), waana in loo sameeyo gudi dabagal oo ladaba gasho xildhibaanada ay arinkaas kasuurowdo.

Guddigaas waa in uu noqodaa Guddi katirsan qaybo kala duwanm ka kooban qaybaha kaladuwan ee uu quseyso doorashooyinka sida Nabadsugidda, Isimadda, Musharaxiinta, dabadeedna ay Xildhibaanka isaga dhigaan ruuxii laaluushka siinayay dabadeedna ay taleefonka kaga duubaan Cod, dabadeedna sidaas lagu maxkamadeeyo xildhibaankii arinkaas ku kaca, oo ay maxkamadu ku cadayso waa in Xeer Ciqaab adag ah lamarsiiyo.

Dhanka kalena waa in Xeer adag loo adeegsadaa Musharaxii lagu ogaado in uu damac kaga jiro in uu iibsado codka xildhibaanada, waa in Musharaxii arinkaas lagu ogaado, Ciqaab adag lamarsiiyo.

Arimahaan waa in ay shacabka Puntland aad isaga xilsaaraan ka doodistooda iyo ka gun gaaridooda.
Halkaan ka eg Qaybihii hore
Qaybtii 1aad
Qaybtii 2aad
Qaybtii 3aad
Qaybtii 4aad
Qaybtii 5aad

Qaybta 3aad lasoaco
Qoraalkan wuxuu ugooniyahay
Ibrahin Sh Hassan Gablax gablax@yahoo.com
Puntlandobserver.com